Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: developing story, clean up project leads to fighting..

Recommended Posts

Faf faahin ka soo baxeysa Dagaalka Ka soconaya Magaalada Gaalkacyo

 

Waraki ugu dambeeyay ee ka soo baxaya Magaalada Gaalkacyo islamarkaana uu ina soo gaarsiiyay wariyahayaga magaaladaas ayaa sheegaya in dagaalka uu sii xoogeysanayo ciidamada Puntlandna ay ku sii siqayaan dhanka koonfureed ee magaalada Gaalkacyo.

 

Waxaa labada dhinac ee dagaalamaya ee puntland iyo Galmudug soo kala gaaraya gurmadyo baaxad leh oo ka garbinaya dagaalada socda ayna sii xoogeysaneyso rasaasta la isku adeegsanayo iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in shacabka labada dhinac ay ku kala biireen dhinacyada dagaalamaya ayna qeyb ka noqdeen xiliyadii dambe.

 

waxaa ka dhashay dagaalka khasaare xoogan oo dhimasho iyo dhaawacyo badan leh kuwaas oo sii kor dhaya daqiiqadba daqiiqadeed, waxana iminka dagaalku si xoogan uga soconayaa dhanka koonfureed ee suuqa weyn ee Gaalkacyo.

 

Inkastoo ay rasaastu socoto siina kordheyso ayaa waxaa iminka warar hoose aanu helnay sheegayaan in dagaalka bilowgiisii ay ku waxyeeloobeen masuuliyiin ka tirsan maamulka Deg Gaalkacyo siiba Taliyaha ciidanka dowlada hoose iyo dhaawac aan buuurneyn oo soo gaaray sida la xaqiijiyay gudoomiyaha degmada Gaalkacyo, ka dib markii lagu soo weeraray Bambooyin oo uu markii dambe dagaalku ka bilowday.

 

Ugu dambeyntii dagaalkan soconaya ee Barqadii saaka ka bilowday Gaalkacyo ayaan weli la xaqiijin karin khasaaraha dhimasho iyo dhaawac, marka laga reebo khasaare dhaawac gaaraya 24qof iyo nin Meyd ah sida ay xaqiijiyeen Maamulka isbitalka Gaalkacyo.

 

waxii Wara ee ku soo kordha kala soco wararkayaga dambe

SBC International Gaalkacyo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galkacyo: Wararkii ugu dambeeyey ee magaalada Gaalkacyo....

29. oktober 2009

 

Galkacyo(AllPuntland)- Wararkii ugu dambeeyey ee ka soo dhacay magaalada Gaalkacyo ayaa sheegaya in ay wali socdaan dagaalo udhaxeeya ganacsatada Waqooyiga ee magaalada Gaalkacyo iyo Maleeshiyaad ka soo jeeda Maamulka Galmudug.

 

Dagaalada oo bilowday maantadii hore ayaa geystay khasaare iskugu jira dhimasho iyo dhaawac kala garay labada dhinac, waxaana dhinaca Waqooyiga ee magaalada kaga dhintay dagaalkaasi, sida ay sheegayaan goobaha caafimaadka dad gaaraya 4 qof, halka ay ka dhaawacmeen dad ka badan 20 ruux, sida ay APL usheegeen Saraakiil Caafimaad.

 

Koonufurta magaalada ayaa wararka laga helayo ay sheegayaan in ay jiraan khasaare, isla markaasna ay dhinteen tiro aan sugneyn oo ah dhinicii ku jiray dagaalka iyo dad shacab ah oo rasaastu haleeshay.

 

Labada dhinac ayaan wali ka hadlin dagaalka, waxaana Maamulka Puntland ay sheegeen in ay hada ku jiraan dadaalo ku aadan sidii wax looga qaban lahaa dagaaladaasi.

 

Odayaasha dhaqanka ee dhinaca Koonfureed oo la xaqiijiyey in ay saakada dagaaladan bilaabeen, ayaa sheegay in ay ku jiraan dadaalo ku aadan sidii loo joojin lahaa dagaaladaasi, ayagoo sheegay in aad uga xun yihiin falkaasi.

 

Maamulka Puntland ee ku sugan magaalada Galkacyo ayaa leh wada xaajoodyo ku aadan xaaladahan soo kordhay, waxa ayna aad uga careysan yihiin talaabadii ay ciidamo taabacsan Galmudug saaka weerarka ugu qaadeen Duqa Magaalada Gaalkacyo C/rixmaan Xaaji Xasan.

 

Duqa magaalada ayaa dhaawac fudud ka soo gaaray qarax bam oo saaka lugu qaaday, markii uu hor-socday Shaqaalaha dawladdaha Hoose oo ku jiray dar-dar ku aadan wanaajinta bilicda magaalada Gaalkacyo.

 

Dagaaladii maanta ka dhacay magaalada Gaalkacyo, ayaa lasheegay in aysan galin ciidamada dawladda Puntland ee ku sugan magaalada Gaalkacyo, balse ay galeen oo kaliya ganacsatada magaalada iyo ciidamada dawladda Hoose ee magaalada Gaalkacyo oo saaka weerar lugu soo qaaday.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dagaalkii xooganaa ee ka dhacay Suuqa weyn ee Magaalada Gaalkacyo oo gaystay khsaarooyin iskugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa iminka iskiis u Istaagay.

 

Dagaalkaan oo ka biloowday bam baanooyin lagu weeraray ciidanka Doowlada Hoose magaalada Galkacyo oo waday howl galo lagu baneynayo wadooyinka dhaxmara suuqa weyn ee magaalada Galkacyo ayaa inta la ogyahay geeystay qasaaro nafeed oo lgu sheegy dad ka badan 10- qofood iney ku dhinteen, halka ay ku dhawaacwmeen tiro intaa ka badan.

 

Dagaalkaan oo ahaa mid si kadis ah ku qabsaday Ciidanka Dowlada Hoose, ayaa waxaa soo xoojiyay Ciidanka amniga ee Magaalada , kadib markuu dagaalku kululaaday.

 

Duqa magaalada Galkacyo C/raxmaan Maxamuud Xaaji Xasan oo asagu ka mid ahaa dadkii ay dhawacyadu kasoo gaareen dalkaas balse u ahaa dhawaac fudud ayaa sheegay in la soo weeraray Ciidankooda iyagoo ku guda jira howl galo wado bannayn ah, taas oo uu ku tilmaamay daan daansi iyo gardaro caddaan ah waa sida uu halka u dhigaye, wuxuuna intaa ku daray in dhaawiciisu fududyahay oo ay soo gaareen firir bam baanooyinkii lagu weeraray Ciidankii saarna aGaariga oo u isagu ku jiray , waxaan dhaawaciisa lagu daweynayaa Isbitaalka guud ee Magaalada.

 

Xaalada guud ee Magaalada Galkacyo ayaa haatan ah mid degan ma jiraan wax dhawaqa rasaasta oo la maqalayo iminka, sidoo kalena ma jiraan wax waan waan ah oo xiisada lagu qabooyinayo oo illaa haatan socota.

 

Daraad ayey ahayd markii hawl galo noocaan oo kale ah oo ay wadeen ciidanka ammaan ee Puntland lagana fulinayey isla suuqaasi weeraro lagu carqaladeeyey, taas oo iyada laftigeedu gaystay is rasaasayn dad ku dhintay kuwo kalana ku dhaawacmeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galkacyo: Magaalada Gaalkacyo oo maanta degan iyo Wararkii ugu dambeeyey shirarkii dhacayay saacadihii lasoo dhaafay & Khasaarihii dagaalada...Warbixin dheer oo leh dhinacyo badan..

30. oktober 2009

 

 

Galkacyo(AllPuntland)- Xaaladaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug oo ay shalay ka dhaceen dagaalo bilowgii hore dhexmarayay Ilaalada dawladda Hoose iyo Galmudug, balse isku badalay Ganacsatada Waqooyiga ee magaalada Galkacyo iyo Maleeshiyaad taageersan Galmudug, ayaa maanta caadi ah, waxaana laga dareemayaa daganaansho aan cago badan ku taagneyn gudaha magaalada.

 

Ganacsatada magaalada Gaalkacyo ee dhinaca Puntland ayaa agag difaac umuuqda ka xirtay, goobaha aan ka fogeyn Agaagarka Bangiga Khudaarta ee magaalada Gaalkacyo, oo ah meelihii ay shalay oo dhan ka dhacayeen dagaaladu, hadana aan laga gaarin wax horumar ah.

 

Dhinaca kale ee ka soo jeeda Koonfuta Magaalada ayaa ku jira difaacyadii dagaalka, waxaana aad u adag in la helo xaqiiqada rasmiga ah ee ku aadan qorshaha difaacyada ah, hadana waxaa la dareemayaa in aysan wali xaaladu daganeyn, marka loo fiiriyo hub urursiga iyo is hor-fadhiga Maleeshiyaadka dhinacyada.

 

Ganacsatada Gaalkacyo ee iskugu jira Waqooyi & Koonfur ayaa wararku ay sheegayaan in ay usocdaan wada xaajoodyo iskood ah oo ku aadan joojinta dagaalka iyo sida ugu wanaagsan ee layskaga kaashan karo, dagaal dambe oo aan dhicin, waxaana Warar hoosaadyo ay heshay APL ay sheegayaan in ay ganacsatada labada dhinac ay hada ku jiraan qorshe in ay wada ilaalsadaan ganacsigooda.

 

Wada hadalada Puntland dhexdooda ah.

 

Saraakiisha dawladda Puntland ee ku sugan magaalada Gaalkacyo ayaa leh wada xaajoodyo ama kulamo ku aadan arrimaha ka jira magaalada Gaalkacyo oo ay ka mid yihiin dagaaladii dhacay, waxa ayna shirarkan soo bilowdeen shalay galinkii dambe, ayadoo uu ku soo biiray kulamadan taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland ee agaga Mudug iyo Cayn, oo ku maqnaa caasumada Puntland ee Garoowe.

 

Kulan saaka ka dhacay Xarunta dawladda Hoose oo ay ka qeybgaleen Duqa Magaalada Md. C/rixmaan Xaaji Maxamuud Xasan,wasiirka Caafimadka Puntland Dr. Bashiir Cali Biixi,taliyaha ciidamada Daraawiishta Puntland ee agaga Mudug iyo Cayn G/sare Maxamed Muuse (Il-ka Dheere),gudoomiyaha gobalka Mudug Col. Axmed Cali Salaad iyo taliyaha ciidamada Booliska ee gobalka Mudug G/sare. Muuse Axmed C/rixmaan (Xasaasi), ayaan la garan karin waxyaabaha ka soo baxay, waxa ayna dhamaantood ka gaabsadeen in ay ka hadlaan waxa ay ku wada hadleen, waxaana la xaqiijiyey in ay xubnahooda kaliya ku jiraan wada hadaladaasi.

 

Qaar ka mid ah dadkii ugu dhawaa ee wada hadaladan ayaa sheegay in ay dhinacyadan isla soo qaadeen, sidii wax looga qaban lahaa howshan, waxa ayna qaar ka mid ah Saraakiisha dawladda Puntland ay soo jeediyeen in howlaha la wado faraha laga qaado, isla markaasna dib loo raadiyo nabadgalyadii magaalada, taasoo la xaqiijiyey in lugu kala jaban yahay ama aysan dhinacyadan isku raacsaneyn.

 

Khilaaf lasheegayo.

 

Warar hoosaadyo soo baxaya ayaa sheegaya in ay jiraan waxyaabo ay isku khilaafsan yihiin Madaxda dawladda Puntland ee hada kusugan magaalada Gaalkacyo, kuwaas oo ay ku jiraan sii wadida baneynta goobaha sharci darada ah ee suuqa weyn & arrimaha ku aadan soo celinta bilicda magaalada Gaalkacyo, inkastoo aysan jirin dhinacyada howlahan la xariirinayo cid ka hadashay, waxa ayna ka gaabsadeen in ay ka hadlaan.

 

Duqa magaalada iyo gudoomiyaha gobalka Mudug oo ay la xariirtay APL waxa ay ka gaabsadeen ka hadlida arrimahan, waxa ayna sheegayaan Ilo ku dhow dhow in ay go'aan ka gaari doonaan goor dhaw xaaladaha magaalada Gaalkacyo.

 

Duqda Degmada.

 

Duqa dawladda Hoose Md. C/rixmaan Xaaji Xasan ayaa shalay shaaciyey aysan marnaba ogolaan doonin in, ay joojiyaan howsha ay gacmaha kula jiraan oo ah howl uu ku sheegay mid sharciga waafaqsana,isagoo sheegay in aysan cidna uga marti noqon doonin, goobihii lugu dagaalamay oo uu sheegay in ay tahay meel ay leeyihiin Shacabka Puntland.

 

" Guryaha ay Galmudug nagu weerareen waa kuwa ay leeyihiin ganacsatada Puntland, taasna waxaan u aragnaa daan-dansi cad oo nalaku hayo, waana weerarkii labaad oo lugu soo qaado dawladda Hoose tan iyo bilowgii howshan, waxa ayna ila tahay Ujeedo fog ayaa laga leeyahay" Ayuu yiri Duqa magaalada Gaalkacyo oo ahaa masuulkii labadii weerarba lugu qaaday, isagoo ku sugan gudaha Suuqa weyn, iyadoo uu shalay ka soo gaaray dhaawac fudud.

 

Culumada Diinta & Qeybtooda dibu-heshiisiinta.

 

Culumada Diinta ee dhinacyada Puntland & Galmudug ayaa wada waan-waan ku aadan joojinta colaadaha ka aloosmay magaalada Gaalkacyo, waxa ayna sheegeen in ay Bulshadu wada dhasheen aana loo baahneyn in dagaal lakiciyo.

 

Waxa ay ugu baaqeen Maamulada Puntland & Galmudug in ay wada hadlaan, ayagoo sheegay in waxyaabaha hada laysku hayo ay yihiin kuwa aan weyneyn, waxa ayna sidoo kale sheegeen in ay culumo ahaan hada doonayaan dagaalka oo lajoojiyo.

 

Dareenka dadka Galkacyo.

 

Siyaasiinta iyo waxgaradka magaalad Gaalkacyo ayaa ka walaacsan dagaalada ka taagan magaalada ee dhacay shalay, waxa ayna sheegayaan in aysan wanaagsaneyn dagaal, ayagoo sheegay in looga baahan yahay Madaxda dawladda Puntland ee ku sugan gobalka Mudug ee haya xilalka gobalka in ay la yimaadaan waxqabad muuqda.

 

Dadka Shacabka ah ayaa qaba dareen xoog leh oo ku aadan in ay jiraan arrimo Siyaasadeedyo udhaxeeya shaqsiyaadka haya xilalka gobalka Mudug, ayagoo sabab taasi uga dhigaya sidii ay shalay wax udhaceen, inkastoo ay ka gaabsadeen dhinacyadan ka hadlida arrimahaasi.

 

Khasaarihii ay dagaaladu shalay geysteen.

 

Inta la og yahay Cusbitaalada magaalada Gaalkacyo ayaa lageeyey dhaawaca dad kabadan 60 ruux, waxaana dhimashadu ay sidoo kale ka badan sida ay xaqiijinayaan Ilaha caafimaadku ku dhowaad 20 ruux, ayadoo ay wali jiraan dad udhimanaya Dhaawacyadii soo gaaray.

 

Cusbitaalada Galkacyo Midecal Center iyo Cusbitaalka Koonfureed ayaa la garsiiyey dhaawacyada dhinacyada, waxaana la sheegay in ay goobahaasi yaalaan dad badan oo dhaawacyo kala duwan oo qaba, ayna ku badan yihiin dadka rayidka ah oo rasaastu haleeshay.

 

Saadaasha la bixinayo.

 

Marka dib loo eego dagaladii ka dhacay Gaalkacyo wixii ka dambeeyey 1993-dii, waxa ay ahaayeen kuwa looga xaal-tamay, siyaabo kala gedisan waxa ayna ka yaraayeen dagaalada hada ka dhacay magaalada, waxaana dadka aadka ula socda xaaladaheeda ee ku sugan Gaalkacyo ay sheegayaan in aan la garan karin sida ugu wanaagsan ee layskugu marayo howshan, maadaama ay dhinaca Galmudug diidan yihiin in la burburiyo Sandaqada sharci daro ah oo kuyaala Waqooyiga Magaalada oo ay ku ganacsadaan, halka dhinaca kale ee Puntland ay ku jiraan ku adkeysi ah in dhamaantood ay cagta marin doonaan dhismayaasha sharci darada ah ee kuyaala deegaanada ay maamulaan.

 

Lama garan karo sida ay noqon karto xaaladaha magaalada Gaalkacyo, waxaana Gaalkacyo wada dagan labo beelood, waxaana wada daganaanshuhu soo bilowday 1993-dii, markii ay Hogaamiyaashii waqtigaasi kala hogaaminayay Maleeshiyaadkii ku dagaalamay Magaalada Gaalkacyo ee kala ahaa Col. C/laahi Yuusuf Axmed iyo Gen. Maxamed Faarax Caydiid ay Muqdisho ku saxiixeen, heshiis ku aadan xaaladaha wada daganaansho ee magaalada, markaas oo Beesha Koonfureed ee magaalada loo ogolaaday in ay soo galaan Magaalada oo ay dagaan, hadana inta badan magaalada ayaa ah meel colaad ku furan tahay, maadaama ay tahay magaalada Xuduuda kutaala ee Puntland, ayna ku furan yihiin gacamo badan oo dhamaantoodba ay dawladda Puntland ku sheegto kuwa cadow ka soo gali karo.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Galkacyo oo deggan iyo wadahadallo lagu soo afjarayo iska-horimaadkii shalay oo socda.

 

Galkacyo, Oct 30 - Xaaladda magaalada Galkacyo ayaa maanta aad u deggan kadib markii maalintii shalay ahayd uu suuqa weyn ee Galkacyo uu ka dhacay iska-horimaad dad ku dhintay kuwo kalana ay ku dhaawacmeen.

 

Isku socodka dadka iyo gaadiidka dhinacyada magaalada ayaa caadi meelo badan ku soo laabtay gaar ahaan nawaaxiga suuqaasi oo ahayd meelihii shalay cabsidu ka jirtay, hase ahaatee waxaa gabi ahaanba maanta xirnaa goobihii ganacsiga ee suuqaasi ku dhax-yaallay.

 

Dadka wax ku iibsada suuqaasi oo ay idaacadda Daljir maanta wax ka weydiisay sababaha xirnaasha suuqaasi ayaa sheegay in ay jiraan dhowr arrimood oo is biirsaday oo midi tahay iyadoon wali xal laga gaarin is maandhaafkii shalay ka dhacay suuqaasi ee dhaliyey iska-horimaadka dad ku dhintay kuwo kalana ku dhaawacmeen, waxaana ay sidoo kale sheegeen sababaha xirnaashaha in ay ka mid tahay maanta oo ah maalin Jimce ah oo dadku ay shaqooyinka ka nastaan.

 

Ganacsatadu waxay Daljir u sheegeen in aysan jirin wax dareen colaadeed ah oo ay haatan ka walwal qabaan, isla markaana xilli dhow shaqada suuqaasi ay si rasmi ah u bilaaban doonto.

 

Dhanka kale waxa socda wada-hadallo gooni-gooni ah oo ay yeelanayaan maamullada ka jira magaalada, kuwaasi oo lagu doonayo in lagu soo afjaro xiisaddii ka dhalatay iska-horimaadkii shalay ka dhacay suuqa weyn ee magaalada Galkacyo, wada-hadalkaasi oo ay qayb ka yihiin waxgaradka iyo culimo aw-diinka kala duwan ee gobolku.

 

Mas’uuliyiinta maamulka Puntland ee gobolka Puntland iyo kuwa maamulka koonfurta gobolka Mudug oo ay la xiriirtay idaacadda Daljir, ayaa sheegay in ay ka go’an tahay sidii ay u hirgalin lahaayeen waxkasta oo horseedi kara nabad iyo wada noolaansho.

 

Galabta ayaa lagu wadaa xarunta dawladda hoose ee magaalada Galkacyo in uu ka dhaco shir ballaaran oo ay ka soo qayb gali doonaan mas’uuliyiinta maamulka Puntland ee gobolkan ku sugan iyo qaar ka mid ah bulshada rayidka ah, shirkaasi oo looga arrinsan doono nabadda iyo wada noolaanshaha dadyowga ku dhaqan magaalada Galkacyo.

 

C/fitaax Cumar Geeddi

Idaacadda Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this