Sign in to follow this  
General Duke

Marxab Marxab Yaa Madaxweyne, Marxab Marxab Mudane Yuusuf

Recommended Posts

Marxab Marxab Yaa Madaxweyne, Marxab Marxab Mudane Yuusuf

 

W/Q: Tifaftiraha Wargeyska Panorama

Maxamed Muxiyaddiin Cali

 

In ka badan laba sano ayaa ka soo wareegtay markii jagada Madaxweynanimo loo caleema saaray Madaxweynaha Dowladda Fedaraalka KMG ah ee Soomaaliya Mudane Cabdullaahi Yuusuf Axmed, waxaana murugo iyo uur ku taallo noqotay in muddadaas dheer ay dowladdu noqotay mid ay soo food saareen caqabado uga imaanayey kooxo diiddan in dalka Soomaaliya uu yeesho xukuumad soo celisa amarka iyo kala dambeynta.

 

Shacbiga Soomaaliyeed oo muddada shan iyo tobanka sano ah ku jirey dhibaatooyinka dagaallo sokeeye oo qabay rajo weyn oo inay ka baxaan dowlad la’aanta ah ayaa aad u soo dhaweeyey dhismaha dowladda Fedaraalka iyo doorashadii Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf Axmed oo warbaahinta caalamka si toos ah looga daawanayey qaabkii hufnaanta lahaa ee ay u dhacday, taas oo shacbiga Soomaaliyeed markhaati ka wada noqdeen in Mudane Cabdullaahi Yuusuf uu yahay Madaxweynaha xaqa ah ee la soo doortay, nasiibkiisana uu u saamaxay hanashada kursigaas.

 

Mudane Yuusuf wuxuu khudbaddiisii ugu horreysay ku bayaaniyey in xukuumaddiisu tahay mid dibuheshiisiineed oo diiradda saari doonta inay dadka iyo dalkaba u horseeddo nabad iyo horumar, wuxuuna Madaxweynuhu ugu baaqay shacbiga iyo siyaasiyiintaba inay isa saamaxaan, xalay dhalayna ka noqdaan wixii horey u dhexmaray, laga billaabo maalintaasna u guntadaan inay iyagoo gacmaha is haysta u sara joogsadaan ka qeyb qaadashada howlaha baaxadda leh ee dowladda hor yaal.

 

Wax yar kadib markii la dhammeystiray dhismaha dowladda, ayaa waxaa soo ifbaxay caqabado jahawarer geliyey bulshadii caalamka ee muddada saddex sano ku dhawaadka ah ku hawlaneyd inuu najaxo shirkii dowladdaas lagu soo dhisay. Caqabadahaas waxaa markii hore loo haystay inay yihiin kuwo fudud oo salka ku haya hab qeybsiga awoodaha dowladda iyo kuraasta golaha wasiirrada, hase ahaatee dhowr bilood kadib ayaa lagu soo baraarugay in arrintu tahay Oohinta Orgiga ka weyn.

 

Markii ay hoggaamiyayaasha kooxaha Muqdisho, meesha ka baxeen oo Maxkamadaha Islaamiga ah qabsadeen deegaanno badan oo ka tirsan dalka Soomaaliya, ayaa waxaa kale oo soo if baxay caqabad kale oo ahayd damaca siyaasadeed ee doolshaha qaranka uga jirey Maxkamadaha, hase yeeshee waxay garan waayeen sida ay u calfan lahaayeen, tiiyoo ay sidaas tahay ayey misana maxkamadaha ka soo dhex baxeen kooxo aad u qalafsan oo si bilaa naxariis ah u cadaadiyey shacabka, una diiday xorriyaadkii ay xaqa u lahaayeen diin ahaan.

 

Is ballaarintii ay maxkamadaha ku doonayeen inay dalka ku wada qabsadaan iyo qorshe xumadooda siyaasadeed ayaa keentay in iskaashi caalami ah oo millateri looga saaro dalka, taas oo dowladda fedaraalka u saamaxday in ay iska mayrto eray saxaafadeedkii khaladka ahaa ee ahaa inay tahay dowlad tag daran, ilaa laashinkii reer Muqdisho uu farxad darted ugu shirbay “Dowlad Fadhiid ah aa fiddee, yaa farxay yaase fool fool madoow”.

 

Imaanshaha Madaxweynaha Soomaaliya ee Muqdisho wuxuu na geliyey farxad iyo kalsooni weyn, hase ahaatee waxaan ka baqeynaa in Madaxweynaha uu ku dhaco dabinno ay har iyo habeen u maleegayaan kooxo Gaadleey siyaasadeed ah iyo laba naflayaal hagi jirey gaashaanbuurna la ahaa Madaxdii Maxkamadaha Islaamiga ahaa ee diiddanaa xukuumaddeenna sharciga ah.

 

Mudane Madaxweyne iga ogoloow inaan ku baro Gaadleyda siyaasadda iyo Laba Naflayaasha. Waa kuwo u taagan inay fashiliyaan dowladda, oo ay ka shaqeeyaan burburkeeda keliya. Waxaa ku jira labadaan kooxood xubnahii dhaqaalaha, maskaxda iyo farsamadaba u ahaa Maxkamadaha islaamiga ah iyo qabqablayaashii diiday nidaamka dowliga ah.

 

Waxaan aad uga xumahay mudane Madaxweyne in durba uu Ra’iisul wasaarahaaga Prof.Geeddi xilal u magacaabay qaar ka tirsan xubnaha gaadleyda iyo laba naflayaasha ah, gaar ahaan kuwoodi ugu khatarta badnaa. Waxaan hubaa in Markey isaga la joogaan ay been u sheegayaan, Markey ka soo tagaanna ay ka shaqeynayaan qiyaano qaran.

 

Goormeey Madaxda idaacadda HornAfriik noqdeen waddaniyiin raacsan xukuumadda fedaraalka? Oo Cali Iimaan uu gaaray in la aamino? Goormee ina Cabdikariim Gabeyre oo ganacsatada Banaadir madax u ahaa oo dhaqaalaha maxkamadaha uu ku bixiyey iyo wixii afkiisa laga maqli jirey ay xukuumaddu halmaantay? Goormee Madiino Jaranaal oo wax ka saxiixday bayaankii lagu handadayey Golaha ammaanka ay siyaasadda xukuumadda daacad u noqtay? Qaanaddee ayuu Cabdi Xaaji Goobdoon ka soo galay guddiga hub ka dhigista Muqdisho iyadoo weli aysan taageerayaasha dowladda ka soo kaban erayadii ka soo yeeri jirey waagii Maxkamadaha? Kuwo kale oo ka mid ah Gaadleyda iyo Laba naflayaashana waxay noqdeen qaar camira salootada fadhiga Prof.Geeddi iyagoo billaabay inay dhegta wax ugu sheegaan, taas oo shaki weyn ku abuurtay durba halgamayaashii xukuumaddaan.

 

Madaxweyne Cabdullaahi Yuusufoow adigaa Madaxweyne dalkaan ka ah, adigey ku doorteen xitaa kuwaan ku diidaya, innaguna adigaan ku rabnaa. Laakiin waxaan kaa doonaynaa in dadka aad xilalka u magacaabeysaan ay noqdaan kuwo haadsan oo la soo kasbeeyey, lana hubo in ay daacad u yihiin qaranka iyo xukuumaddaba, haddiise aad sidaas u halmaansho dhow dihiin sii diyaarsada halkii aad u qaxi lahydeen illeyn waan hubaa in kooxahaan ay luggooyadiina ka shaqeynayaane.

 

Mudane Madaxweyne shacbiga Soomaaliyeed waa macaadeen, oo rafaadeen, waxayna har iyo habeen kugu soo dhaweynayaan MARXAB MARXAB YAA MADAXWEYNE,

 

MARXAB MARXAB MUDANE YUUSUF.

 

YATIINTA MISKIINKA,

 

AGOON LA YADAAYO,

 

YAXAASKA CUNAAYA,

 

MIDKAAN KA YUREEYEY.

 

MAS’UULKI DADKEENNA,

 

MADAX U MUDNAAY,

 

MUJTAMACU AMMAANAY MIYAA CABDULLAAHI?.

 

MARXAB MARXAB YAA MADAXWYNE,

 

MARXAB MARXAB MUDANE YUUSUF.

 

 

Ha guuleysato dowladda Fedaraalka KMG ah ee Soomaaliya,

 

Ha noolaadeen Madaxweyne Cabdullaahi Yuusuf iyo Ra’iisul Wasaare Geeddi,

 

Allaha soo hanuuniyo Iimaankana ha geliyo kuwa marin habawsan.

 

Ha dhaceen Gaadleyda iyo laba naflayaasha.

 

 

Waxaa Qoray:

 

Maxamed Muxiyaddiin Cali

Tifaftiraha Wargeyska Panorama

Panorama100@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Castro   

^ He means you're the ********, charlatan. :D

______________

 

Kastaro, brother, easy, baliis. I know it is too much, laakiin in la isdhaamo ayaa fiican, though.

 

[ January 11, 2007, 03:01 AM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^CC, why do you even bother?

 

 

quote:

--------------------------------------------------------------------------------

quote:

 

Originally posted by Castro:

Homosexuality is natural.

 

:eek: --------------------------------------------------------------------------------

 

Subxanallah. :mad:

 

Here is SOL members condemning the confused one.. ;)

source

Share this post


Link to post
Share on other sites

URURKA HORUMARINTA GOBOLKA JUBBADA HOOSE EE WAAMO.

 

 

UHGJHWAAMO/G-6/07

08/01/2007

 

 

KU: MADAXWEYNAHA DOWLADDA FEDERAALKA SOOMAALIYEED

MUDANE CABDULLAAHI YUSUF AXMED =MUQDISHO=

KU: XUBNAHA GOLAHA BAARLAMAANKA SOOMAALIYEED =MUQDISHO=

KU: XUBNAHA GOLAHA WASIIRADA D. FEDERAALKA =MUQDISHO=

OG: DADWEYNAHA SOOMAALIYEED EE JECEL NABADA&DOWLANIMADA

 

UJEEDDO: BAAQ HAMBALYO IYO TALO SOO JEEDIN.

 

Mudane, Madaweyne waxaa sharaf i noo ah in aan halkan idiinku soo gudbinno Adiga iyo dhammaan Xubnaha Golaha Barlamaanka Soomaaliyeed iyo dhammaan Xubnaha Golaha Wasiirrada Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo dhammaan Dadweynaha Soomaaliyeed ee jecel nabada iyo dowladnimada, Salaanta Eebbe ee Naxariista iyo Nabadgeliyada leh.

 

Mudane, Madaxweyne haddii aynnu nahay Xubnaha Golaha Ururka Horumarinta Gobolka Jubbada Hoose ee Reer Waamo iyo dadweynaha Gobolkaba. Waxaan idiin soo diraynaa Hambalyo iyo Boogaadin ku saabsan guusha taariikhiga ah ee aad gaarteen Adiga iyo Dowladaadaba. Iyo sida aad u badbaadiseen dadka Gobolka Jubbada Hoose oo muddo lix iyo toban sanno ku jiray; Dil, Dhac, Kufsi, Gumaad iyo Barakici laga barakicinaayay gurtahooda iyo deegaannadoodaba. Waxaa intaa u dheeraa shacabka Reer Waamo ayadoo ay isku bedelaayeen Gobolka maamullo kala duwan oo u geysanaayay dhibaatooyin naxariis darro leh iyo xasuuq aan loogu aabayeelaynin haweenka, waayeelka iyo caruurtaba.

 

Mudane, Madaxweyne ma doonaynno in aan qoraalkani uga hadalnno maamuladii foosha xumaa ee soo maray Gobolka Jubbada Hoose waxaan arrimahaasi u deynaynaa Dowladda Federaalka Soomaaliyeed iyo maxkamadaheeda. Waxaanse talo ku soo jeedinaynaa in aan lagu deg degin dhismaha maamul u samaynta Gobolka Jubbada Hoose iyo degmooyinkiisa iyo weliba guud ahaan Gobolka Jubbada Dhexe iyo Gobolka Shabeelada Hoose. Waa in la tixraacaa sida ku qoran Dastuurka Qaranka iyo in lala tashado dadka u dhashay Deegaannadaasi ee leh aqoonyahanno, waxgarad, odayaasha nabadoonnada, culumaa’udiinka iyo dhalinyarada iyo haweenkaba oo iyagu ah kuwa mudnnaanta koowaad leh. Waxaan ku talinaynaa in laga fogaado wax yaabihii hore u soo maray Gobolka ee lahaa xukun boobka, awood maroorsiga iyo tixgelin la’aanta loo geystay dadka u dhashay Gobolka.

 

Mudane, Madaxweyne waxaan idiin rajaynaynaa Adiga iyo Dowladaadaba Eebbe in uu idin gaarsiiyo guul waarta iyo dowladnimo sinnaan iyo cadaalada leh oo ay mahdiyaan Ummadda Soomaaliyeed meel kasta oo ay joogaan. Waxaan u soo jeedinaynaa dadweynaha Soomaaliyeed in ay iscafiyaan, midoobaan, kana tashadaan sidii loo dhisi lahaa dalka Soomaaliyeed.

 

Mahadsanidiin.

 

Afhayaynka Ururka

M. Abshir

uhgjhwaamo@yahoo.co.uk

Share this post


Link to post
Share on other sites

TFI are being praised by many from a far and wide. Yet we have men who condone homosexuality and think their higher then thou perspective is even tolerable, let alone NORMAL.

 

THE TFI WILL SUCCEED INSHALLAH.

Share this post


Link to post
Share on other sites

He thinks Abdullahi yusuf and THE F(DEROGATORY TERM FOR THE CLAN) Rhymes with Ish is coming for his summer home in burco by force. I guess thats were the tension arises.

 

The TFI is coming with an olive branch and will be willing to discuss it's territorial integrity with any players like they have with the warlords, former president(s) and the like thereof.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Taako Man:

TFI are being praised by many from a far and wide. Yet we have men who condone homosexuality...

There is no one who is condoning labeebnimo iyo qajacnimo on here.

 

Condoning, praising and cheering for Xabash invasion of Soomaaliya, on the other hand, is the worst kind, offensive and ultimate insult to Soomaali psyche, damiir, and as far as sane, damiirqabe majority Soomaalida are concerned, that person Soomaali waa ka baxay, oo waa qashin iska socda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^No one is cheering for Amxaro in fact the Ethiopian state is no longer run by Amxaro, just correcting you saxib, we are rooting for the state of Somalia and its government that has a right to get support from any where even our old Somali passport holder Melez Zanawi, Uganda, Kenya the US, China and the UN security council.

 

Even you admited that many officers of the Ethiopian armed forces are Somali includingone you mentioned, thus what we have here is a new reality. This is not the 1960s when through ignorance we lost NFD, and before that the Western Somali state..

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this