Sign in to follow this  
Cowke

Wasiirka Ganacsiga Puntland: Wax Xiriir ah Lama Lihin Wasaarada Ganacsiga DKMG

Recommended Posts

Cowke   

wasiirka-ganacsiga1-300x225.jpg

 

Wasiirka Ganacsiga Puntland: Wax Xiriir ah Lama Lihin Wasaarada Ganacsiga DKMG

 

(Garowe) RBC: Wasiirka Wasaaradda GanacsigaWarshadaha Puntland Xasan Farax Jaamac ayaa ka dhaawaajiyay xili waraysi gooniya uu siinayay Warbaahinta RBC in uusan jirin wax xariir ah oo wasaaradiisa haba yaraatee kala dhaxeeya Wasaaradda ganacsiga DKMG ah ee soomaliya.

 

Waxuuna sheegay in arintaa uusan garanayn hasa ahatee asaga qudhiisa isku dayay in uu xariiro la sameeyo Maamulka wasaraadda Ganacsiga DKMG ah waxuuna sheegay in taa aysan u suurgalin islamarkaana uusan arag wax fariin ah oo uga yimid wasaaradda ganacsiga DKMG ah.ee Soomaaliya.taana ay tahay mid muujinaysa in Wasaaradda ganacsiga DKMG ah ay ka gaabisay kaalinteedii.

 

Xasan Faarax jaamac ayaa sheegay in Puntland ay tahay qab ka mid ah Soomaaliya waxuuna sheegay in loo baahan yahay in Wasaaradda ganacsiga DKMG ah ay xariiro kala duwan la soo samayso Wasaaradda ganacsiga Puntland si la iskaga kaashado sidii loo hormarin lahaa ganacsiga guud ee Soomaaliya.

 

Wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha Puntland ayaa intaa sii raaciyay in ganacsiga Soomaaliya uu haatan yahay mid aad u wanaagsan islamarkaana waxa uu sheegay in badeecadaha dalka dibadiisa ka imaanaysay ay badatay halkii tii gudha laga soo saari jiray ay yaraatay.

 

Wasiirka ayaa arintaa wax soo saar yaraanta gudaha dalka Soomaaliya ku sababeeyay bur burka dalka ku dhacay wixii ka danbeeyay xiligii ay bur burtay Xukuumadii dhexe ee Dalka Soomaaliya sanadii 1991 waxuuna sheegay in loo baahn yahay in wax soo saarka gudaha dalka kor loo soo qaado.

 

“ Runtii waxaan aamnisanahay in Wasaaradda ganacsiga DKMG ah uu hugaanka u hayo Wasiir aad u wanaagsan, oo aan filayo in Puntland ka oo jeedo waxaan u jeedinayaa in heeshiisyada ganacsiga la xariira ee dalalka dibada dalka ka ah lala soo galo qayb laga soo gaarsiiyo Puntland maadama xaq u leedahay wax kasta oo Soomaali dan u ah”.sidaawaxa yiri wasiirka ganacsiga Puntland .

 

Wasiirka ganacsiga iyo Warshadaha Puntland Xasan Faarx jaamac ayaa ka mid ahaa tira wasiira ah uu soo magaacaabay muda shan bilood laga joogo Madaxwaynaha Puntland Cabdi raxmaan Maxamed Maxamuud Farole xili isku shaadayn ku samaynayay Golahiisa Xukuumada Puntland.

 

RBC NEWS

 

Xafiiska Garowe

 

C/raxmaan ilkacase

Share this post


Link to post
Share on other sites
Cowke   

“ Runtii waxaan aamnisanahay in Wasaaradda ganacsiga DKMG ah uu hugaanka u hayo Wasiir aad u wanaagsan, oo aan filayo in Puntland ka oo jeedo waxaan u jeedinayaa in heeshiisyada ganacsiga la xariira ee dalalka dibada dalka ka ah lala soo galo qayb laga soo gaarsiiyo Puntland maadama xaq u leedahay wax kasta oo Soomaali dan u ah”.

Now that wasn't necessary of the puntland commerce minister the clan factor sheekada maqaahiyada yusan soo dhaafin:D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this