Sign in to follow this  
ANWAR

sheekh Shariif Sheekh Axmed HAS NEW FRIEND

Recommended Posts

ANWAR   

sheekh Shariif Sheekh Axmed Madaxweynaha Soomaaliya iyo wafdi uu hogaaminayo ayaa gaaray dalka Liibiya, isaga oo lagu wado inuu saacadaha socda ka hadlo shir Madaxeedka Jaamacadda Carabta, waxa uuna Madaaxweynaha kulamo la yeeshay qaar ka mid Madaxda Carabta ee ka qeybgalaysa kulankaasi.

 

Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa xalay fiidkii gaaray magaalada Sirta ee dalka Libiya, halkaas oo uu Ku soo dhaweeyay Hogaamiyaha Jamaahiirta Liibiya Clonel Mucamar Al-Qadaafi.

 

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa kulamo la yeeshay madaxweynayaal Carbeed oo soo gaaray dalka Liibiya si ay shirkaan uga qeyb galaan, waxayna kulankooda uga hadleen arrimo dhowr ah oo ku saabsan xaaladda Murugsan ee Soomaaliya.

 

Hogaamiyayaasha carabta ayaa si wayn uga hadli doona xaaladda dalka Suudaan, gaar ahaan gobolka dhibaatadu ka jirto ee Daafuur, khalalaasaha ka taagan dalka Ciraaq, halganka ay shacabka reer Falastiin ugu jiraan xureynta dhulalkooda iyo dhibaatada ay Gaza ka geysanayso Israa’iil.

 

Sidoo kale waxaa kulankaasi looga hadlayaa arrimaha dalka Soomaaliya oo 16 qodob oo ka mid ah looga doodi doono sida uu ku waramay C/qani Maxamed Wacays oo ah Diblomasi ka tirsan safaaradda Soomaalida ee dalka Liibhiya oo la hadlaayay Radio Muqdishu , sidoo kale waxaa madaxda Carabta ka doodayaan sidii kaalmo dhaqaale loo siin lahaa Dowladda KMG ah ee Soomaaliya.

 

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa la filayaa inuu kulanka maanta furmaya ka jeedin doona Khudbad dheer oo ku saabsan xaaladda dalka Soomaaliya, iyo dadaalada ay Dowladdu ugu jirto nabadaynta dalka Soomaaliya.

 

Libiya_Sheekh_Shariif_1.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this