Sign in to follow this  
Qudhac

Election Latest Kulmiye Hits Sool

Recommended Posts

Qudhac   

Xisbiga mucaarada ah ee Kulmiye ayaa saaka waaberigii qaaday kaambaynkiisii ugu cuslaa dhinaca gobolada Togdheer iyo Sool, kadib markii uu saaka magaalada Burco ka amba baxay wefdi aad u culus oo Kulmiye ah oo uu hoggaaminayo guddoomiyaha xisbiga Axmed Maxamed Siilaanyo ayna ka mid ahaayeen C/Raxmaan Aw Cali Faarax (Tolwaa), Maxamed Kaahin Axmed, C/lla Faarax Xarbi, Cismaan Abokor, Cali Maxamed Cabdille (Biikolo), Mudane Maxamed Jaamac, Xildhibaan C/Waaxid C/Qaadir, Musharax Ibrahim Axmed Raygal iyo masuuliyiin kale oo fara badan.

 

Guddoomiyaha iyo wefdigiisa ayaa khudbado ku aadan doorashada Baarlmaanka ka jeediyey 17ka magaalo ee u dhexeeya Burco iyo Laascaanood ee kala ah Yiroowe, Beer, Unuunley, Ina Dhakool, Ina Afmadoobe, Qoryaale, Gaatama, Kiridh, Wadaama-goo, Caynaba, Ceel-dhaab, Oog, Guumays, Yagoori, Tuulo Samakaab, Adhi-Caddeeye iyo Taliska ciidanka Qaranka ee Siixawle.

17 kaas gobood oo si la yaab leh loogu soo dhaweeyey wefdiga Kulmiye iyo guddoomiyahooda Siilaanyo ayaa ahaa kaambaynkii ugu cuslaa ee taariikhda Somaliland uu qaado xisbi siyaasi ahi.

 

"Weligay maan arag soo dhoweyn sidaa u baaxad weyn oo aan magaalona, magaalo ka dhicin, waxase aannu siinnay koobkii soo dhoweynta Magaalada Adhi-caddeeye oo 20KM u jirta Laascaanood, halkaas oo naloogu dabbaal degay fardihii nugaaleed ee caanka ahaa, magaaladana laga wada taagay calanka KULMIYE, dadkuna madaxa ku wada xidhay calanka KULMIYE, sidoo kale Caynaba, Qoryaale, Oog, Wadaama-goo iyo Yagoorina lagama sheekayn karo dammaashaadkii maanta ka dhacay" Sidaa waxa weriyayaasha u sheegay Cismaan Abokor oo caawa fiidkii shir jaraaid oo uu kaga war bixinayo socdaalkoodii iyo ololohoodii maanta ku qabtay magaalada Burco.

 

Wefdigan oo dadweynaha ku dhaqan gobolada Togdheer iyo Sool ku guubaabinayey in ay codkooda siiyaan xisbiga KULMIYE ayaa khudbadahoodii ku kasbaday taageero laxaad leh, kaddib markii ay dadka farta u saareen dhaliilaha iyo tabashooyinka jira, isla markaana ay u sameeyeen ballan qaadyo la taaban karo. Waxa kale oo wefdigu ku guulaystay in degaan kasta ay si gaar ah ula kulmaan madaxda iyo odayaasha dhaqanka. Tusaale ahaan Imaamka masaajidka Qoryaale ayaa ka mid ahaa dadka ku wacdiyey dadweynahooda in ay doortaan KULMIYE oo danta dalku ku jirto.

 

Mudane Siilaanyo ayaa 17 kaas goobood ee uu maanta kala hadlay dadweynaha Togdheer iyo Sool u sheegayey hal farriin oo ahayd in ay tijaabiyaan Xisbiga Kulmiye oo ay codkooda siiyaan, maaddama ay ku hungoobeen xisbigii talada hayey ee Udub, in ay nabad gelyo ku codeeyaan oo la ilaaliyo anshaxa iyo nidaamka doorashada iyo in Xisbigiisa Kulmiye Jamhuuriyadda Somaliland u horseedi doono haddii la doorto nolol iyo barwaaqo.

 

Wefdigii Kulmiye waxa ay isla caawa u baqooleen gobolka Sanaag iyaga oo berri subaxna khudbado ka jeedin doona degmada Gar-adag.

 

Axmed Maxamed

Burco, Somaliland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this