Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Somaliland: Vice chairman of the House of Lords resigns

Recommended Posts

Gudoomiye ku xigeenkii Guurtida oo Iscasilay iyo Fadhigii Maana oo Deg deg Loo Xidhay

 

Hargeysa (Somalilandpress)- Gudoomiye ku xigeenkii Golaha Guurtida Somaliland, Md. Sh. Axmed Sh. Nuux Furreh ayaa iska casilay xilki Gudoomiyenimo, isaga oo warqada iscasilaadiisana maanta farta kaga saaray shirgudoonka Golahaasi kulankii ugu balaadhnaa ee ay yeeshaan intii ka dambaysay khilaaf soo kala dhex-galay oo hadheeyay.

 

Sh. Axmed Sh. Nuux Furreh ilaa hada lama oga, mana jirto cid ka hadashay waxa ku kelifay inuu iska casilo xilkaasi, hase yeeshee fadhigii maanta ugu balaadhnaa oo ay kasoo xaadireen 61 Mudane ayaa shirgudoonku ku naxay warqada iscasilaada ee uu usoo gudbiyay gudoomiye ku xigeenka.

 

Md. Saleebaan Maxamuud Aadan waa Gudoomiyaha Golaha GUurtida’e waxa uu Mudaneyaasha la socodsiiyay inay soo kordhay arrin culus, sidaa daraadeed waxa uu mudaneyaasha kuwar-geliyay in Goluhu xidhan yahay si loogu maaro helo arrinta soo korodhay.

 

Sh. Furreh oo aanu isku daynay in aanu wax ka waydiino nuxurka ay xambaarsan tahay iyo waxa uu ku sababeeyay warqada iscasilaada ee uu u gudbiyay Golaha ayaa afka ka xidhay oo yidhi “Waydiiya Saleebaan.”.

 

Sidoo kale, Gudoomiyaha Golaha Guurtida Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa isaguna dhinaciisa sheegay in aanu wax faahfaahin ah wakhtigan ka bixin karin, kana hadli karin iscasilaada Gudoomiye ku xigeenkiisa oo fiintu kala dhex-maraysay mudooyinkii u dambeeyay.

 

illo xog-ogaal ah ayaa Somalilandpress u sheegay inkasta oo aan la ogayn nuxurka iyo waxa ku qornaa warqada uu Gudoomiye ku xigeenku u gudbiyay shirgudoonka inay ahayd inuu ku codsaday in laga aqbalo iscasilaad xilkii Gudoomiyenimo iyo waliba xubinimadii Golahaas.

 

Iscasilaada Gudoomiye ku xigeenka Golaha Guurtida ayaa ku soo beegan tahay fadhigii u horeeyay ee ay si wada jir ah uga soo qayb-galaan xildhibaanada Guurtidu intii ka dambaysay khilaafkii soo kala dhex-galay ee qaybiyay, kaasoo ka dhashay isku shaandhayntii uu gudi hoosaadyada Golaha ku sameeyay Md. Furren wakhtigii uu Gudoomiyaha Goluhuna safar dibadeed dalka uga maqnaa

Share this post


Link to post
Share on other sites

guddoonka20guurtida.jpg

 

War Deg-deg ah:Guddoomiye ku-xigeenkii 1aad ee Golaha Guurtidda Sh. Axmed Sh. Nuux oo is-casilay

Written by Qaran News

Jan 30, 2010 at 06:25 AM

Hargeysa (Qaran news) -Guddoomiye ku xigeenka kowaad ee Golaha Guurtidda Somaaliland ayaa maanta Shirguddoonka Golaha uu hogaaminayay Guddoomiyaha Golahaasi Saleebaan Maxamud Aadan ugu Gudbiyaya Qoraal la sheegay inuu iskaga Casilayo xubinimadiissi Shirguddoonimo.

 

Fadhiga maanta oo ay ka soo qaybgaleen dhamaan Shirguddoonka Golaha Guurtida iyo Shan iyo konton xildhibaan ayaa isagoo guddoomiyaha Goluhu ka warbixinaya khilaafka soo dhexgalay Shirguddoonkooda iyo xalka ay arrintaasi u hayaan oo uu sheegay inaan wali wax xal ah aanay isla gaadhin uu Guddoomiye ku xigeenku u dhiibay Qoraal kaasi oo markii uu u dhiibay Guddoomiyaha hakad galiyay hadalkii Guddoomiyaha waxaana markaliya uu Guddoomiyuhu ku dhawaaqay inuu xidhan yahay Goluhu isagoo intaa ku daray inay soo gaadahy arrin ka culus tii hore ee ay kawada hadlayeen balse Guddoomiyaha Golaha Guurtiddu muu sheegin qoraalkaasi la dhiibay waxa uu ka hadlayo inkastoo uu ka madoobaaday arrinta ku soo korodhay.

 

 

Warar aanu ka helay madasha Shirguddoonka markii uu Guddoomiyuhu xidhay ayaa sheegaya qoraalku inuu yahay iscasilaad uu Guddoomiye ku xigeenku qoray waxaanay sheegeen inay arrintani markale cirka ku sii shareerayso khilaafka Golaha ka dhex jira in ka badan muddo bil ah kaasoo aan xal loo haynin.

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Xigasho: Waaheen

Share this post


Link to post
Share on other sites
juma-nne   

This is all games by the house of elders.

war yaa usheega ummaddu doorashadii madaxtooyada oo hirgasha ayaiy idinkasugaysaa ee wanjalaadan ka daaya.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this