Sign in to follow this  
Jabhad

Ruwaayada NRC and their Tigree directors exposed!!!

Recommended Posts

Jabhad   

Qaar ka mid ah Hay'adaha Warbaahinta Soomaaliya oo Lacag lagu siiyay buun buunida Shirka Dib u heshiisiinta Qaran

 

Inta badan Idaacadaha FM-yada ee ka howlgala Magaalada Muqdisho iyo telefishinka UNIVERSAL ee ay Soomaalida leeyihiin ayaa lacag ku qaatay tabinta wararka shirka dib u heshiisiinta Soomaalida sida ay inoo sheegeen qaar ka mid ah howl-wadeenada shirka.

 

Markii warkan soo baxay ayaa xiriir dhinaca Isgaarsiinta oo aan la sameeyay C/qaadir Walaayo oo ka mid ah qaban qaabiyaasha shirka ayaa waxa uu ii sheegay inay jiraan heshiis ay wada galeen Idaacadaha gudaha iyo Maamuliyaasha shirka, wuxuuna caddeeyay inay bixiyeen qarash ay uga talageen Idaacadaha.

 

In kastoo arrintaas si cad loo shaacinin haddana waxaa jirta warar sheegaya in Idaacadiiba la siiyay Lacag dhan 6400 oo Dollar, laakiin warkaas ma aha mid si dhab ah loo xaqiijiyay.

 

Afhayeenka shirka dib u heshiisiinta Soomaaliya C/raxmaan Shifti ayaa isna waxaa uu ii xaqiijiyay in ay heshiis dhinaca tebinta la galeen Telefishinka UNIVERSAL wuxuuna diiday inuu sheego qiimaha ku kacaya heshiiskaas.

 

Ujeedada laga leeyahay in qalabka Warbaahinta Lacag lagu siiyo tebinta wararka shirka dib u heshiisiinta beelaha Soomaalida ayaa waxay tahay in caalamka iyo bulsha weynta Soomaalida laga iibiyo waxyaabaha ka soo baxaya shirkaas.

 

Nuuradin Macalin Mukhtaar (Dinow) nuradiin007@hotmail.com

Xafiiska Midnimo ee Muqdisho Soomaaliya

Midnimo Information Center wararka@midnimo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Ma dhab baa in Warqadda Casuumaadda Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ay gaartay lacag dhan 100$?

 

 

Muqdisho, Talaado, Julaay 17, 2007 SMC

 

 

 

 

 

 

Talaado, July 17, 2007HOL): iyadoo ay maalmahan soo baxayeen Jufooyin ka cabanaya in Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ay uga qeybgelayaan xubno aysan soo xulan ayaa hadana waxaa soo baxaya warar sheegaya in Warqadda Casuumaadda ah ee shirka looga qeybgelayo uu qiimaheedu gaaray 100$ (Boqol Doollarka Mareykanka ah.

 

Jufooyin ka tirsan Beelaha Shiikhaal, Leel-kase, ******** iyo Digil iyo Mirifle ayaa xubno u hadlay waxay ka cabanayeen in ay shirka dib u heshiisiinta Soomaaliyeed u metelayaan xubno aysan soo xulin duubabka dhaqanka Beelahooda, kuwaasi oo sida ay yiraahdeen ay keensadeen Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Cusmaan Ibraahim oo ka mid ah gacan-yarayaasha Suldaanka Beesha ******** ayaa sheegay in Liis uu Suldaanka soo gudbiyay uu guddiga Qaban-qaabada Shirka Dib u heshiisiinta meel iska dhigay, isla markaana uu qaatay mid ay u soo gudbiyeen Xubno ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya.

 

Malaaq Maxamed Yacquub oo ka mid ah Golaha Guurtida Beelaha Digil iyo Mirifle oo isna shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in Xildhibaano ka tirsan Dowladda Federaalka Soomaaliya ay sida uu yiri gacma-gacmeeyeen xubnaha shirka ka qeybgelaya, halkii la rabay in Duubabka dhaqanka soo xulaan, wuxuuna sheegay in aysan shirka u fadhin xubnihii saxda ahaa.

 

Ugaas Ibraahim Ugaas C/llaahi oo sheegay in uu yahay Ugaaska Beesha Reer Aw-Xasan ee Shiikhaal ayaa sheegay in ay qaadaceen Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, wuxuuna qaadacaadooda ku sababeeyay in aanan cadaalad lagu maamuleynin shirka Dib u heshiisiinta Beelaha Soomaaliyeed.

 

Haddaba iyadoo ay cabashooyinkaas jiraan ayaa hadana waxaa maanta la maqlay in warqadaha Shirka looga qeybgelayo (Invitations) la kala iibsado lacag dhan 100$, taasi oo la siinayo qofkii la imaan kara boqolka Doollar, “Waxaan ogaaday in qofkii aanan Boqol Doollar heysan in uusan shirkaas ka qeybgeleynin, anigana waxaan gartay in haddii aanan lacagtaas heysan in ay ii kheyr-roon tahay in aan shirka banaanka ka joogo” ayuu yiri C/qaadir Abaabul.

 

C/qaadir Maxamuud Maxamed (Abaabul) oo ka soo jeeda Beesha Daacuud ee Wacbuundhan ****** ayaa maanta shaaca ka qaaday in Beeshiisa ay shirka u metelayaan Wiil iyo Adeerkiis, kuwaasi oo uu sheegay in aan la soo magacaabin.

 

“Hadana waxaan ogaaday in ay shirka u fadhiyaan Beesha Daa’uud 30 Xubnood, kuwaasi oo markii aan weydiiyay sida ay ku yimaadeen la ii sheegay in ay keensadeen C/raxmaan Shifti iyo C/llaahi Shiikh Xasan, waxaa kale oo aan soo ogaaday in Warqadda Invitation-ka ah ee shirka looga qeybgelayo in qofkii raba uu ku heli karo 100$, “Waxaa la igu yiri hadda ma heysataa boqol Doollar waa lagu siinayaa Warqadda ka qeybgalka shirka”ayuuna hadalkiisa ku sii daray C/qaadir Abaabul.

 

C/qaadir Abaabul waxaa uu sheegay in ay arrintaas tahay mid weji gabax ku ah Guddiga Qabanqaabada Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, isagoo ku baaqay in wax laga qabto maamul xumada ka dhex jirta Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Ergooyinka ka qeybgelaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed ayaa waxaa loo qoondeeyay sida aan ka soo xiganay dad ku dhow-dhow howl-wadeenada shirka Lacag habeen dhax ah oo cadadkeeda uu u dhaxeeyo 40-50 Doollar maalintii, taasi darteed ayaana la rumeysan yahay in ay keentay in ay Jufooyinka Beelaha Soomaaliyeed u tartamaan gudbisashada Liiska Xubnaha Shirka uga qeybgelaya, isla markaana ay isku mucaaradaan.

 

Dhanka kalena, Golaha Dhaqanka iyo Midnimada Beelaha ****** ayaa maanta hadal saxaafadeed uu soo saaray wuxuu Beesha Caalamka ugu baaqay in ay kalsoonida kala laabato Guddiga maamulaya Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed, kaasi oo ay sheegeen in uu wax u wado qaab aan wanaagsaneyn, iyadoo ay xusid mudan tahay in Golaha Baaqan soo jeediyay ay ka soo horjeedaan qaabka loo qabanayo Shirka Dib u heshiisiinta Soomaaliyeed.

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qaar ka mid ah Hay'adaha Warbaahinta Soomaaliya oo Lacag lagu siiyay buun buunida Shirka Dib u heshiisiinta Qaran

I certainly know one in SOL who got money for that purpose above. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Allamagan:

quote: Qaar ka mid ah Hay'adaha Warbaahinta Soomaaliya oo Lacag lagu siiyay buun buunida Shirka Dib u heshiisiinta Qaran

I certainly know one in SOL who got money for that purpose above.
:DYou are over-estimating sxb... :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this