Sign in to follow this  
Garaad Bari

Siciid Qoorsheel oo Raisalwasaare u Sharaxan ayaa Muqdisho Lagu soo dhaweeyay +Sawiro

Recommended Posts

Siciid Jaamac Ali Qoorsheel oo ahaan Xilal kala Gadisan ka soo qabtay PL iyo Dawladii dhexe ee Somaliya ayaa Maanta Si Heer Qaran ah loogu soo dhaweeyay Caasimada Muqdisho, Mr Siciid Qoorsheel oo Warbaahinta War Kooban ku Siiyay Garoonka Muqdisho ayaa sheegay inuu aad ugu Kalsoonyahay in loo Doorto Raisalwasaaraha Somaliya Madaama uu yahay Nin Khabiir ah oo in badan Siyaasada dhex Muhshaaxayay.

 

 

Saciid Jamaca Qorsheel oo manta dalka dib ugu soo laabta ayaa shaaca ka qaaday in uu u sgharaxan yahay jagada uu baneeyey raiisal wasaarihii hore ee Cumar Cabdi rashiid Cali Shar’ma arke uu dhawan iska casilay ka dib markii uu khilaaf xogan soo kala dhexgalay isaga iyo madaxweyne Sheekh shariif Sheekh Axmed .

 

 

Saciid Jaamac Qoorsheel oo ah siyaaasi si weyn looga yaqaano deegaanada Puntland horeyna uga haan jirey wasiirka Sportiga iyo dhalinyada balse markiisii hore ahaa cayaartooy heer qaeran ka gaaray sportiga ayaa shegay in ay kula taliyeen rag ay saaxiibo yihiin jagadaan .

 

 

Saciid wuxuu shaagay in uu aad ugu faraxsan yahay jagada Raiisal wasaare nimada uu manta shaaciyey in uu ka mid yahay raga u sharaxan isla markaana lagu soo dhaweeyo magaalada Muqdisho oo uu mudo safar dibada ah uga maqnaa.

 

 

Saciid qorsheel ayaa ku sifeeyey waayadii uu kooxda qaranka ugu safan jiray iyo gulihii uu soo hoynjireen cayaartooydii uu ka mid ka ahaa oo qaarkood ay ka mid yihiin dadkii ka soo qeyb galay soo dhaweyntiisa manta .

Saciid qorsheel musahraxa raiisal wasaaraha dowlada KMG somaliya ayaa u mahadceliyey dhamaan intii ka qeybqaadatay soo dhaweyntiisa oo ay ka mid ka ahaayeen saaxiibadii ,bahda isportiga ,isamada ,xildhibaanada ,bulshada qeybaheeda kala duwan ,saxaafada saeraakiisha ciidamada qeybahoda kala duwan ,dadweyne farabadan oo ka socday 16-ka dagmo ee uu ka kooban yahay Gobolka baandir ,qaar ka mid ah qoyskiisa oo ay hormud ka tahay marwadiisa Ubax Tahliil warsame iyo wiilashiisa waxaana meesha ka marneyn 9 ka mid ah ardayda Gobolka Banadir kuwaas oo iyaga oo baalashlayaal ah uu ka aruuriyey gudaha garoonka geeyeyna school hadana ay dhigtaan dugasiga dhexe kuwas oo sheegay in ay iska daayeen shaqadiisii ayna waxbartaan isaguna u ka bixiyo qarashka dugaiga ay dhigtaan .

 

 

Wuxuuna sheegay in ay manta u tahay saciid ahaan maalin taariikh ah iyada oo loogu luuqeynayeysaciidow nadaadihi iyo ereyo kale .

 

 

Sacid jaamac wuxuu shegay in uu kalsooni ka heysto jaaliyada somaliyeed ee dagan dalka mareykanka gaar ahaa reer Minneapolis isla markaana ay isku arkeen madaxweyne Shariif Sheekh Axmed Mgaalada New York ee isla dal weynaha maraykanka wuxuuna intaa raaciyey Saciid Jaamaca qoorshel in uu u gudbiyey codsigiisa gaar ahaaneyd ee jagada Raisal wasaaraha dowlada KMG Somaliya .

 

 

doorasho wax bey ahaan laheyd ee tani waa magacaabid waxayna ku haboon tahay rag jogo dalka Gudihiisa sidaa ayaan ku doortay in aan imaado isna soo sharaxo aniga oo Gurigayga Joogo Magaaladana aan ka mid ahay dadka dagan “Ayuu Yiri Siciid

 

 

Madaxweyna SHeekh SHariif Sheekh Axmed QOskasta oo uu magacaabo waan la shaqeynayaa ,aniga xaaskeyga ayaa dagan caruurtayda ayaa ii dagan muqdisho waxaana ku abtirsadaa bahada sportiga”Ayuu Yiri Siciid Qoorsheel

 

 

Sacid Jaamac Qoorsheel ayaa sheegay in uu Muqdisho intaa kula soo ekaaday ,wax ku bartay ,ciyartoy ka noqday,magic qaran ku matalay,ku guursaday ,caruur iyo xaas ku yeeshay ,xamar

Saciid qorsheel “waan ku noolan jiray balse manta dareenka ay I galisay waa ka duwan yahay dadka somaliyeedna manta waji cusub beysiineysaa

 

 

Siciid Jaamac Ali Qoorsheel Aabihiis Alla Naxariistii ha Geeyee wuxuu ahaa Taliyihi Guud ee Booliska Dawladii Maxmed Siyaad Bare, sidoo kale wuxuu ka mid ahaa Shantii Golaha Sare ee Kacaanka.

 

 

source

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thankful   

Good news, I hope he gets it.

 

I have met Mr. Qoorsheel in Puntland and his sons a few times, I visited a store that he had in Toronto as well. He's a good and honest man!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Saciid-Jaamac-Qoorsheel-5.jpg

 

Siciid Jaamac Ali Qoorsheel oo ah Musharax ugu Cad Cad Jagada Raisalwasaaraha Somaliya ayaa la sheegay inay Shacabka Somaliyeed aad ugu Hanqal taagayaan Magcaabista Siyaasigaasi, Boqolaal Ruux oo ah Arday iyo Shacab kale ayaa isa soo dhoobay Garoonka Muqdisho ilaa Wadada Hawlbowlaha u ah ee Gashay Gudaha Muqdisho.

 

 

Dadkaasi Ujeedkooda ayaa ahaa inay Dareenkooda Caalamka Tusaan sida ay u Doonayaan Isbedel iyo Nin ku Yimaada Kalsoonida Shacabka Somaliyeed balse Meesha laga Saaro Fara Galinta Wadama Shi Shiyee ee doonaya inay in Ruux ay Rabaan Xafiiskaasi loo Magcaabo.

 

Siciid Jaamac Cali Qoorsheel ayaa Isla Markii uu Muqdisho ka soo Degay Kulamo Gooni Gooni ah la qaatay Xildhibaanada iyo Bulshada qaybaheeda kala Gadisan Waxana la sheegay inuu Taageero Buuxda ka Helay Baarlamaanka intiisa badan.

 

Warka ayaa intaasi ku daray in Qoorsheel uu Safarkiisa Muqdisho Kulan Wareed Saxaafada u qabtay uu ku sheegay inay is arkeen Madaxwaynaha Somaliya Wakhtigii uu Maraykanka safarada ku Marayay, isaga oo Qeexay in Isu Taagida Jagada Raisalwasaaraha ay Kula Taliyeen Rag u Arkay in Somaliya uu Isbedel ka dhalin Karo.

 

Arinta aadka Dadka Dareenkooda u Kicisay ayaa ahayd Markii ay Garoonka Soo dhawaynta Yimaadeen Arday badan oo Maray Heerka Waxbarasho ee Dugsiga Sare waxana ay Warbaahinta u sheegeen inuu iyaga oo Baalash Layaal ah uu Siciid Qoorsheel Garoonka ka Uruuriyay oo Geeyay Iskuulada Aqoonta”Waxana ay ku Hal qabsanayeen“Siciidkii Bulshadu u Sinaydoow Soo dhawoow.

 

Wararka Muqdisho laga Helayano waxay Tibaaxayaan in Siciid Jaamac Ali Qoorsheel uu aad ugu dhow dhow yahay Xafiiska Madaxwaynaha isla markaana uu Madaxwaynihu Helay Fariimo badan oo ka imanaya Dibada dalka iyo Kalsoonida ay Shacabka Somaliyeed siiyeen Siyaasigaasi ay Lagama Maarmaan u tahay in Raisalwasaare loo Magcaabo Ruux Shacabka Dhexdiisa Sharaf ku Leh.

 

Siciid Jaamac Ali Qoorsheel wuxu ka mid ahaa Kuwii Dawladii Somaliya u Soo Hooyn Jiray Biladaha iyo Sumacda isaga oo ka mid ahaa Kooxdii Kobada Kolayga ee Dalka Somaliya, sidoo kale Aabihii Qoorsheel ayaa ahaa Taliyihii Booliska Somaliyeed aadna Looga Yaqaanay Somaliya.

 

Qoorsheel ayaa Laba Jeer Wasiir ka Noqday Gobolada PL oo uu ka soo Jeedo waxana uu Kobciyay oo Dhisay Wasaaradihii uu qabtay oo kala ahaa Wasaarada Xanaanada Xoolaha iyo Beeraha iyo Wasaaraada Isporitga iyo Dhalinyarada oo uu Mar ahaa, Dadka Reer Puntland ayaa Laga soo xigtay inuu ahaa nin Shaqadiisa ka Adag oo Meel Sare Gaadhsiiyay Wasaaradaha uu Maamuli Jiray.

 

Wararkii Ugu Danbeeyay Kala Soco GalGalanews

 

Jama.Feyte@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Another Sakhir/ or August 1st SSDF clown, gate keepers of hypocracy. It amazes me how one can create a character to appease Makhiri's and yet another to nail scratch. Adeer haduu laangaab yahay xamar saa loogumasoo dhaweeyeen, Xamar laangaab masoo dhawayso, aabihiina madaxweyne kuxigeen ma noqdeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

A man of integrity with great leadership quality. I hope he wins..

 

I recall having my 1st exchange with Sophist on possible premier candidates. I randomly picked Qorsheel and here he is running for the post.

 

Here is HorseedMedia pic of the former national basketball star hosting delegates from U.A.E and OMAN in Bosaaso.

 

UAE_Airporkabosaso_2.jpg

 

 

The whole family are into politics. His young son, Jama S. Korshel was running for the 2007 Ontario Election.

 

 

And his father was a well known Somali leader, held the VP (second most powerful post up until 72 after the 1969 coup...check major political personalities, parties and Groups).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this