Sign in to follow this  
General Duke

Somalilanders getting very nervous PT2

Recommended Posts

Somaliland getting very nervous P2

What follows are real accounts of somalilanders, I did not edit these texts in away as not to compromise the integrity of their accounts.

 

................................................................................................................

........................................

DHALIIL KUSOCOTA DOWLADA SOMALILAND.

 

Salaam,

 

waad salaamantihiin dhamaan,intaa kadib waxaan rabaa inaan si kooban uga hadlo waxyaalo aan ku dhaliilay Dowlada Somaliland waana kuwan;

 

1-waxaan u soo jeedinayaa dowlada (oo aanu had iyo jeer ku biirino aragtidayada hadaanu nahay debed-jooga somaliland)inay xilka ka wareejiso wixii wasiiro ah ee la ansaxinwaayay ku waasoo weli si xaqdaro ah ugu fadhiya kursigii maamulka taas oo meel ka dhac ku ah dadka iyo dalkaba

2-inay umada ka qabato wasiirkan baarqabaynaya ee Arimaha-gudaha,ninkaas oo runtii u dhaqmaya sidii keligii taliyayaashii Afrika,waxase la gudboon inuu ogaado umadan sharafta lihi inaanay marnaba ogolayn sida uu u socdo iyo weliba caqliyadiisa gaaban,anigu waxaan ka mid ahay dadka qawaaniinta bartay waxaanan ogahay in taliye boolis hoosyimaado Badhasaabka gobolka ee aanu ka madax banaanayn maadaana uu badhasaabku yahay Madaxweynihii gobolka.

dowladu hajoojiso xumaanta ay wado, iyo daandaansiga ay umada ku hayso,waa su'aale maxaa ilaa hada loo haystaa dhalintii doorashada loo xidhay iyo tuhun abuurka beenta ah,waxaa idinka codsaday wadani iyo ajnabiba,waxaa idinka codsaday axsaabtii qaranka ,waxa idinka codsaday safiirkii ingiriiska ee dalka soo booqday,waxa idinka codsaday xataa qoladii soo saartay baaqii ay somaliland ku taageeraysay ee ay lahayd sidaa sameeya oo xuquuqda banii aadamka hagaajiya kooxdaa oo belgim baaqa ka soo saartay oo lagu magacaabo ICG,yaabaye ma waxaa rabtaan kacdoon shacbi,ilaahay kamaanaan baryine.

golaha maamulka ee Hargeysa maaha inay yimaadaan wasiirka xafiiskiisa si ay uga codsadaan in amar lafuliyo ee waa in qoraal loogu gudbiyaa,isla markiina la fuliyaa amarkaa golaha la doortay ka soo baxay,hadii kale waxaa ee lagaga dhacayaa umada igmatay iyo iyagaba iyo weliba qofka fulinwaayay laftiisa.

 

3- waxa maahmaahi tidhaahdaa(albaabka dabayshu kaaga soo gelayso iska xidh oo ka raaxayso)taa waxaan uga jeedaa waxaa fajiciso igu noqotay in maanta uu c/laahi yuusuf afka soo mariyo ciida somaliland oo weliba caynaba iyo Buuhoodle ku darsado liiskiisa ,isaga wax danbi ah masaarayo ee waxaan dusha u saarayaa Dowladayada nagutidhi waxaan ilaalinaynaa ciidiina iyo nabadgelyadiina.Anigu waxaan ku dhashay Caynabo markaa hadaa tahay dowladaydii sidee degaankaygii loo soo cidhiidhyaa,waxaa kaloo iyana aan aad ula yaabanahay muranka lageliyay Gobolkii sanaag ee dadka degan min sanaag ilaa zaylac ay asal ahaan ka yimaadeen,waa inaan wax tanaasul ah marna loo samayn cida rabta inay inay dhul balaadhsi sameeyaan oo la xasuusiyo inay tahay sanaag asalkii iyo hoygii ay ka yimaadeen dadka ilaa ethiopia degani ay ka yimaadeen .

 

Waxaan dowlada iyo shacabkaba u soo jeedinayaa inay la socdaan in ay somaliland marayso heer aad iyo aad u xasaasi ah oo ay aad u dhowdahay xiligii Hargeysa iyo muuqadisho (waa sidaan u aqaanee,waayo waxay dishay muuqii somali lahayd oo dhan)u kala bixi lahayd Biyo iyo saliid,markaa waa in loo diyaargaroobaa, haday tahay Ciidan ahaan,Dhaqaale ahaan,wacyigelin shacbi oo loo diyaarinayo marxalada cusub oo aan anigu u bixiyay(life free or die) ,iyadoo ilaahay somaliland marwalba gargaari doono waayo xaqbay ku socotaa,wafdigan kenyatiga ahna loosheego mowqifkii horeba caalamka iyo iyagaba loogu sheegay,reer somaliana haday bacad sidaa u oolayaan iyo hadii ay Dowlad dhisanayaanba waa ikhtiyaarkood lakiin taasi anaga nagumaxidhna sida ay ragooda jibooday ay lawaasheen ee ay marba Hadraawi maradiisa somaliland ka ururinayaan.

 

waxaan hadal ku soo gebagebaynayaa weedh aan u jeedinayo w/kuxigeenka macdanta iyo Biyaha somaliland;

waxaan leeyahay maaha sidaad u hadashay ilbaxnimo,wasiirnimo,siyaasinimo,Qaranimo,reer somalilandna waxa aad sheegayso shirkii Booramay baal iska dhigeen oo hadaan taasi jirin Rag badaniba maanta kamay taliyeen somaliland,hadaba (taasi iyadoo aan ku tilmaami karo maangaabnimo oo aanay habayaraatee aanay mas'uuliyada laguu igmaday oo ay beelaha aad caadifada la jiidhay ay ka midyihiin kuwa aad uhayso)waxaan Madaxweyne Rayaale u soo jeedinayaa inuu ninkan kubilaabay ku bilaabayn gefka xilkiisii Qaranimo inuu meesha ka qaado isla markaana xaal uu kabixiyo madaxweynuhu waayo isagaa kursiga udoortee.

 

Raali iga ahaada Qormadii way iladheeraatee,balse aan ku soo gunaanado,weedhan waxaanan leeyahay MD.QEYBOW warka shaaca ka cadee oo dadku warbaykaa sugayaane mowqifkaaga ra'iis baarlamaanimo gudo dadka ku doortay ee yidhi (cafalaahu camaa salaf)na waa jibkooda iyo xilka aad u hayso uga soobax sida uu Dastuurku dhigayo,kana hadal;arinta majeerteeniya iyo tan gobolka soolba.

 

wasalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatu

 

SOMALILANDER - USA

Raabi qani

raabi_qani@yahoo.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this