Sign in to follow this  
General Duke

Clan courts honeymoon is over.....squeeze will begin.

Recommended Posts

bambo   

GENERAL DUKE stated ^^saxib, there are no angels ijn Somalia. But the worst are those who force themselves on other clans, the Mogadishu mafia or clan courts..

 

all somali clans are part of icu, we know that the majority's are southern tribes , which are xassan turki, barre hirrel , sheeq sharif ,dahir aweys tribes. The reasone is clear becuase it was south that was unstable in somalia therefore kaacanka has'ent reach those other regions yet.

 

General duke " those who force themselves on other clans are THE worst." yOU SHOULD TELL THAT TO ABDULAHI YUSUF ATTACKING BURHAKAB WITHOUT BEING WELCOMED BY THE LOCALS ,THANK GOD WITH HELP GOD LOCALS WERE ABLE TO GET RID OF AGGRESSORS .

 

icu dont force the people if they did , there would of been maxkamad in souther galkacyo ,but since people are not ready for it icu reatreated unlike kismayo were not even shot was not fired and the handover was smooth , mafias like barre ,gooble and sansor were told leave the city ,warlord era is done.

 

most people here thata againts icu have perception Abdiqasim and Indhacda are behind kaacnka xaamar which is not true, Indhacda lost only 13 men daagalka dhaam for xaamar he join the fight at the end . Abdiqasim has close ties with barre hirrle he favores barre over all other warlords . furthermore Indhacda is not considered warlord by the way ,where was indhacda in eldored meeting were all somalis warlord attended and was told there is no warlord left in somalia :eek: :eek: , Indhacd infact was in baraw controling the area , why was he not considered warlord in the eyes of somalis and international world.waa nin odaay oo geesi somali eh. MR Duke........... He was not factore , propagand of the drug factory and etc only came up once abdulahi yusuf was elected,Do you know who welcomed Pm Geedi to xaamar wallahi and portect him none other then sheeq indhaacde and sheeq cumar caadani when same warlords pm is hosting today in baydhawa where "tryin" to kill him what ironic eh.It was joke warlord were behind it, they were tryin to create cival war between two major clans in xaamar which thanks to all it dident work . This shows that TFG is joke they work , this was part of plan to set up loos warlord organization some sort of administstration because the world and somali people got fed with warlord , Igad came with idea TFG :eek: :eek: . The warlord where and are still playing games with us , they all know each other are in good terms with each other they all have one aim to destroy was called somalia. Do you wanna have INa caadiid as interior minister,Abdi qabdiid Police chief of somalia istaafurlaahha there will never be justes in somlia :D , Just less then year ago Qanyar , abdi qeer diid and max'ed dheerewere yelling tfg is abdulahi yusuf tribe trying to decieve the people into a cival war again. Maxed dheera even got to the point where called abdulahi tribe names tryin to great tension , thousand of people rally behind them because tribe is best to way decieve somali people , but when reality and truth came they hit road and run to baydhawa to the biggest warlord and commander of chief.

The somalian civilian has suffered alot under these ruthless warlord wallahi,

 

So please people dont wish more bloodshed on them were ever the region mybe,

Share this post


Link to post
Share on other sites
bambo   

Maxkamada Magaalada Bosaaso Oo Shan Sano Oo Xukun Aar-gudasho Ah Ku Riday Muwaadinad Reer Hargeysa Ah..

Somaliland.Org — Boosaaso, Soomaliya — 13 October, 2006

--------------------------------------------------------------------------------

 

Xaawa Xusen Xandule oo ah haweeney dhalinyaro ah oo reer Somaliland ah oo mudo haatan laga joogo sadex bilood booqasho ku tagtay magaalada Bosaaso oo ay degan tahay walaasheed ayaa lagu eedeyay in ay waday howlo shirqool ah oo ka dhan ah dadka ku nool magaalada Bosaaso.

 

Waxana lagu eedeeyay in ay Somaliland soo dirtay.

 

Xaawa Xusen waxa loo taxaabay xabsiga magaalada Bosaaso ka dib markii ay ciidanka magaaladu xabsiga u taxaabeen kuna soo eedeeyan in ay howlahaasi waday waxana la soo taagay maxkmad ku taalada magaalada Bosaaso ka dibna bishan bilowgeedii ayaa maxkamada magaalada Bosaaso waxa ay ku xukuntay shan sano oo xadhiga.

 

Waxa kale oo Xaawa loo gaystay intii ay ku jirtay xabsiga magaalada Bosaaso jidh dil aad u xun kaasi oo dadkii arkay ay sheegeen in ay ka muuqdaan jidhkeeda dusheeda.

 

Xaawa Xusen oo aan waxba galabsan waxa ay dadka ku nool magaalada Bosaaso sheegeen in ay aad ugu faraxsan yihiin xukunka lagu riday maadama ayay yidhaahdeen ZamZam loogu aargudaayo. Waxana ay sheegeen in Xaawa la marsiiyo ayay yidhaahdeen wadadii la mariyay ZamZam.

 

Ehelada Muwaadinad Xaawa Xusen ayaa sheegay in ay aad uga warwarsan yihiin xaalka ay ku sugan tahay inantoodu. Iyo waliba sida ay u tahay qof aan dambi galin, waxanay sheegeen in ay dhowr jeer arrintaasi kala hadleen masuuliyiinta sare ee Puntland xaalkooda balse ay u sheegeen in ay ugu aarayaan ZamZam sidaasi daraadeedna ay nin walba markii tahay.

 

Sidoo kale ururada Xuquuqal Insaanka ee magalada Bosaaso ayaan war cad ka soo saarin sababta loo xidhay Xaawa Xusen Xandule iyo waliba jidh dila loo gaystay,

 

Tan iyo markii ay soo baxday sheekada ah in Xaawa Xusen Xandule lagu xidhay xabsiga magaalada Bosaaso waxa ay dadka ku nool magaalada Hargeysa aad isha ugu hayeen bal halka uu maro xaalkeedu. Hasa yeeshe waxa ay rajadu luntay markii lagu jidh dilay xabsiga dhexdiisa iyo waliba xukunkaasi lagu riday.

 

wixii warara ee ku soo kordha xaalka muwaadinad Xaawa Xusen waxa aad kala socon doontaan halkan, oo aanu si toosa idiinku soo gudbin doono kolba wixii ku soo kordha

 

 

These sign somali is done for ceeb wallahi,

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

^

^^^ I think you are getting too nervous. You even posted an article in an existing thread just to prove a point.

 

Give it up..

Ninka ku qafiifay Maxkamadaha ayaa saas oranaya cajiib. Not a single day passes without you posting 3+ articles about the ICU.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

The question is, can the "government" control Baydhabo city let alone the greater Bay and Bakool regions??

 

Baydhabo: Malishiyad isku horfadhiya

15 Oct 15, 2006, 16:23

 

 

 

 

Maliishiyo ka tirsan kuwa Aadan Saransoor iyo kuwa ilaalada Taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed Jen. Cali Madoobe ayaa qarka isku saaran inuu dagaal ku dhex maro magaalada Baydhabo oo xarun u ah dowladda KMG ah.

 

Taliyaha Booliska oo dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ayaa maliishiyada Saransoor waxay dalbadeen in banaanka loo soo bixiyo Cali Madoobe , taasoo ka careysiisay ilaalada Cali Madoobe.

 

Magaalada Baydhabo ayaa laga cabsi qabaa in dagaal uu ku dhex maro Malishiyaadka Saransoor iyo Cali Madoobe, iyadoo la sheegayo in arintan ay daba socoto dagaalkii ka dhacay garoonka diyaaradaha Baydhabo ee lagu dilay qaar ka mid ah maliishiyo isku heyb ay yihiin ilaalada Saransoor.

 

Wararkii ugu danbeeyay ee dhexdhexaadinta labadaasi kooxood ayaa la sheegayaa in uu soo kala dhexgalay ra’iisul wasaare Cali Maxamed Geeddi isla markaana Aadan Saransoor khadka isgaarsiinta xiriir uu kula soo sameeyay ku amray inuu ciidamadiisa kasoo daabulo meel aan ka fogeyn guriga Taliyaha Booliska oo dhufeysyo ay ka dhigteen.

 

Cali Muxayadiin Cali, Muqdisho

 

Garowe Online

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

 

Related / La Xiriira

 

Baydhabo: Malishiyad isku horfadhiya

Jubooyinka oo qarka u saaran dagaal

Share this post


Link to post
Share on other sites

LOL. That news is hyped up. As usual.

What happened to all the Ethiopians in the city, why did they not stop this happening?

 

Gen.Cali Madoobe oo Baydhabo soo gaaray

Last Updated::2006-10-16 12:28:03

 

Baydhabo:- Taliyaha ciidammada booliiska Soomaaliyeed Cali Xasan Looyaan (Cali Madoobe) ayaa shalay galab soo gaaray magaalada Baydhabo.

 

Jenanka ayaa in muddo ah ku maqnaa dalka Kenya, tan iyo intii uu iska horimaad ku dhexmaray ciidamada Booliiska iyo maleeshiyooyinka deegaanka 4tii bishii September Airporka Magaalada Baydhabo.

 

Iska horimaadkaasi oo ay ku dhiteen 7 ruux ayey eedeeda dusha uga tuureen qaar kamid ah mas'uuliyiinta beelaha Digil iyo Mirifle Taliyaha ciidamada Booliiska.

 

Xiisadaasi oo in muddo ah lagu jirey xalinteeda, ayaa waxaa lagu go'aamiyey in ciidamada maleeshiyada ee lagu dilay Airporka Baydhabo la bixiyo magtooda, isla mar ahaantaana amaanka Airporka lagu wareejiyo Booliiska kasoo jeeda deegaanka.

 

Taliyaha Booliiska ayaa asagu shalay dib ugu soo noqday, ayadoo horey loo sheegay inuu magaalada Baydhabo uga baxay arrimo la xariira amnigiisa.

 

Maleeshiyooyin kamid ah kuwii horey ugu sugnaan jiray Airporka ee ka amar qaata Wasiirka gaadiidka Maxamed Xaabsade ayaa ayagu shalay bilaabay shaqaaqooyin ay uga cabanayaan imaanshaha Taliyaha ee magaalada Baydhabo.

 

Arrintaasi ayaa hada weli degen ayadoo ay socdaan dadaalo lagu qaboojinayo xiisadan si uusan mardanbe dhiig u daadan.

 

Hussein Farah

HorseedNet.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka Gobolka Bay oo soo afjaray xiisado soo kala dhex galay Aadan Saransoor iyo General Cali Madoobe

 

 

Baydhabo, Maamulka Gobolka Bay ayaa ku guuleystay in ay soo afjaraan buuq aan sidaas u weynaynoo xalay ka dhacday Magaalada Baydhabo ee xarunta dowladda FS,kadib markii maleeshiyaad ka amar qaata Aadan Saransoor ay soo buuxiyeen ilinka hore ee Daarta magaalada Baydhabo uu ka degan yahay General Cali Madoobe.

 

Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Baydhabo ayaa sheegay in wadahadal dheer kadib ay isla garteen maleeshiyaadkii Saransoor ay kasoo baxaan deegaankii ay tageen,inkastoo wax war ah uusan kasoo bixin dhanka Generla Cali Madoobe oo ah Taliyaha Ciidamada Dowladda FS.

 

Shiino Macallim Max'ud oo kamid ah maamulka gobolka Bay ayaa tibaaxay in maleeshiyaadka Aadan Saransoor iyo kuwo Cali Madoobe ay isku hor fadhiyeen banaanka hore ee guriga Generaalka oo shalay dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo,waxaana maamulka Gobolka Bay uu sheegay in xiriiro kala duwan ay la sameeyeen labada dhinac.

 

Xaaladda magalaada Baydhabo ayaa saakay degan,inkastoo wali xaaladii u dhaxeysa labada dhinac si rasmi ah aan loo qaboojin,arrinta kasoo cusboonaatay Baydhabo ayaa lala xiriirinayaa dhacdadii ka dhacday garoonka diyaaradaha magaalada Baydhabo,halkaasi oo ay ku geeriyoodeen 7 kamid ah maleeshiyaadkii deegaanka markii Ciidamada Booliska ay gacanta ku dhigeen Air Porka.

 

Arintaan ayaa horay waxaa loogu saaray guddi uu madax ka yahay R/wasaare Cali Max'ed Geedi waxaana malayshiyaadkaas shalay lagu qanciyey in dhawraan heshiiskii horay loo gaaray taasi oo khasabtay inay meesha ka tagaan.

 

Dhanka kale wararka aanu ka helay magaalada Baydhabo ayaa sheegaya inuusan shaqo ku lahayn oo uusan arintan ka danbayn Adan Saransoor.

 

Si kastaba ha ahaatee arita ayaa hadda u muuqata mid degan oo, waxaa magaalada Baydhabo u muuqataa mid degan oo shaqadedu caadi u kala socoto.

 

Jibriil Nuur

Waayaha.net,Baydhabo,Soomaaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^ Waxaan la yaabanahay waxa aay Cali Madoobe uraad-raadsanayaan inta ka soo leexdeen dadkii wax dilay. Ismoog, they playing with the fire yaa la taliya oo u sheega in Cali Madoobe tolkiisa meesha ka fogeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Shir ay isugu yimaadeen Ra'iisul-wasaare Cali Maxamed Geedi, Malaaqyada (oday dhaqameedyada), Wasiirada, Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada [qabiil] oo laga soo saaray go'aan wadajir ah oo faraya in Taliyihii Booliiska dawlada oo lagu magacaabo Cali Madoobe oo mas'uul ka ahaa xasuuqii dhalinyaradii lagu laayay Garoonka Dayuuradaha Baydhabo uu muddo 24 saac ah gudahooda kaga baxo Baydhabo [Baydhabo.com]

 

---------------

 

(Oct 16, 2006):- Shir Jaraa'id oo uu maanta ku qabtay Magaalada Baydhaba Aadan Saransoor ayaa waxa uu ku sheegay in aysan u dulqaadan doonin iin Taliyaha ciidamada Booliska Jeneraal Cali Madoobe in uu sii joogo Magaalada Baydhaba isaga oo ku eedeeyey in uu xasuuqay dadka Deegaanka.

 

Aadan Saransoor Shirkiisa jaraa'id waxa uu ku sheegay in Rwasaaraha Dowladda Federaalka uu ka codsaday in la siiyo mudo 24-saac ah, isla markaana xal laga gaari doono, isaga oo ku celceliyey wixii afar iyo labaatan saac ka dambeeya in ay talaab cad qaadan doonaan, mana uusan cadeyn talaabadaasi waxa ay noqoneyso.

 

shir gaar ah ayaa waxaa isugu yimid Rwasaaraha Dowladda federaalka iyo Xubno ka tirsan Wasiirada ka soo jeeda Beelaha [qabiil], waxaana looga hadlayey qaabka ugu haboon ee loo damin karo xiisadan ka taagan magaalada Baydhaba.

 

Jeneral Cali Madoobe ayaa maalintii shalay aheyd soo gaaray magaalada Baydhaba waxaana xalay illaa saakay gudaha magaalada isku hor fgadhiyey maleeshiyooyinka deegaanka iyo ciidamada Booliska, kuwaas oo si weyn maanta looga cabsi qabay in ay isku fara saaraan, hase yeeshee waxaa markii dambe lagu guuleystay in la kala qaado.

 

Jeneral Cali Madoobe ayaa waxaa lagu eedeynayaa in uu lahaa amarka lagu laayey qaar ka mid ah maleeshiyooyinka deegaanka ee ku sugnaa Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Baydhaba, waxaana horay u hanjabay Xidlhibaan Maxamed Ibraahim Xaabsade mana jirto illaa iyo hada wax talaab ah oo uu qaaday. [Idaacadda Banaadir]

_____________

 

Ninka indho adkaa. Muxuu u maleeye that haduu bil ka maqnaado meesha in uu dadka uu laaye iska iloowaayaan? Hollandtiis haa iskaga noqdo, muxuu naftiisa ugu qamaaraa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

BAYDHABO: Gen. Cali Madoobe oo fariisin ka dhigtay Madaxtooyada Somalia diidayna inuu ka baxo Baydhabo isagoo jago haya

Posted to the Web Oct 17, 08:32

 

 

Baydhabo (PP) - Gen. Cali Madoobe oo ah taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed ayaa fariisin ka dhigtay Xarunta Madaxtooyada Soomaaliya kaddib markii uu ka biyo diiday inuu isaga baxo Baydhabo.

 

Gen. Cali Madoobe ayaa sheegay inuusan ka baxay Magaalada Baydhabo inta ay dowladdu daggan tahay balse uu ka baxayo markii ay ka guurto ama laga qaado jagada uu ka hayo dowladda Federaalka Soomaaliya oo ah taliyaha ciidanka Booliiska Soomaaliyeed.

 

"Waxaan ka baxayaa Baydhabo anigoo ah shibil balse kana baxayo anigoo jago ka haya dowladda federaalka Soomaaliya, taasna waa go'aan aan anigu gaaray" ayuu yiri Gen. Cali Madoobe oo gaashaanka ku dhuftay inaysan dhici karin ka bixitaankiisa Baydhabo isagoo jago haya.

 

Aadan Saransoor iyo xubno kale oo ka soo jeeda Digil iyo Mirifle ayaa qaba in Gen. Cali Madoobe uu isaga baxo Baydhabo muddo 24-saac gudahood ah, balse waxaa jirta in kulammo ay la leeyihiin xubnahaas Ra'iisul wasaaraha iyo xubo ka tirsan dowladda si ayuga dhaadhiciyaan inuu Saransoor ka tanaasulo mowqifkiisa.

 

Madaxweynaha Soomaaliya oo haatan ku sugan Addis Ababa ayaa la sheegay inuu arrinta soo farageliyay isla markaana uu ka codsaday labada dhinac inay qaboojiyaan arrinta inta uu dib ugu soo laabanayo Baydhabo.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Miskiin-Macruuf-Aqiyaar:

Ninka indho adkaa. Muxuu u maleeye that haduu bil ka maqnaado meesha in uu dadka uu laaye iska iloowaayaan? Hollandtiis haa iskaga noqdo, muxuu naftiisa ugu qamaaraa. [/QB]

Caku caqli *****, Ina Caydiid Jr. ayaa magaalada idinla jooga the ppl behind the City of Death crimes, raggii nimankaas airportka lagu laayey xabadda ku dhuftayna magaalada iska joogan markaa waxaan garan la ahay waxa aad ukala jeceshihiin ragga ku dila. Ragna waad ka baqaysaan ragna waad ku soo ordeysan. Weliba Ali Madoobe tolkiisa jambiga idinku hayaan. Dont play with the fire. Ciidamo tolkiisa waa la joogaan kuwa badan waa soo gaarayaan ee ha la arko waxad suubisaan bal.

 

Alloow yaa talo idin siiya!

Share this post


Link to post
Share on other sites
Paragon   

MMA: N.B, I still don't understand why you are early cheering the guy who fuleynimo ugu cararay Kismaayo, wanting him back, but at the same time against his cohorts of Seeraar and Goobaale. Maxaa Goobaale, Seeraar iyo Indhamadoowaba ugu soo horjeedaa oo aad kan kale ula jirtaa maadaama afartoodaba isku meel ka wada yimaadeen?

MMA, I don't know in aad xasuusato early 1990s markii dad aad u badan oo Moorgan hogaamiyo Kismaayo kusoo jabeen. Waxaa dhacday in xitaa Kismaayo laysaga dabayimi oo ay kabtey meeday ka dhacdey. When Morgan was ousted, I remember how so many hallucinated of his come back: Morganaa afmadow gaareey, Morgan wuxuu u jiraa Kismaayo in yar - Xitaa heer waxey gaartey nalagu yiraahdo Morgan baa Kismaayo kolonyo Dameero ah ku qabsan doona. Waa sidey inoo sheegeene, Dameero xiin maleh sidaa darteed, saqda dhexe ayuu Morgan Kismaayo qabsanayaa - iyagoo ku heysta gama'sanyihiin. If stories and fantasies of those who support Warlords teach us anything, they teach us that their fantasies get more bizare by the year.

 

The point here is that Warlord waa ku daayey; waa la cirib gooyey. The misfortune here is that the filth that has been rid of Somalia, Baydhabo ayey isku urursadeen. Since the Warlord Parliament was relocated to Baydhabo, around 58 locals have been killed by the troops loyal to the president and now reer Baydhabo have been made a target of the UIC by C/Yussuf's intentional invitations of Ethiopians and Warlords to Baydhabo. I hope in aan reer Baydhabo waxba soo gaarin, magaaladana burbur hor leh helin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this