Sign in to follow this  
BiLaaL

Madaafiic lala beegsaday Suuq-bacaad

Recommended Posts

BiLaaL   

The following development doesn't suprise me. There have been rumours that Yey ordered major businesses whom he believes are aiding the insurgency to be hit hard. Today is Suuq-bacaad, tomorrow it will be Bakaraha, the biggest shoppingtown in Mogadishu. Neither life nor property will be save under Yey's (or should i say his master's) plans. Ilaahow Yey iyo gaalada uu wato masaakiinta ka qabo.

 

Madaafiic lala beegsaday Suuq-bacaad

 

Mogadishu 01, April.07 ( Sh.M.Network) Labo ruux ayaa ku geeriyootay inta la og yahay 4 kalena dhaawac ayaa ka soo gaaray markii madaafiic aan kala go' laheyn lala beegsaday Suuq Bacaad oo ah suuqa labaad ee magaalada Muqdisho.

 

Dadka geeriyooday iyo kuwa Dhaawacmay ayaa waxa ay ahaayeen dad garab rarato ah oo alaabo ka rarayay bakhaar ku yaala Suuq-bacaad oo madfac uu ku soo dhacay.

 

Goobjooge la yiraahdo C/laahi Axmed Diiriye ayaa shabelle u sheegay in dadkaan geeriyooday ay ku howlanaayeen rarista Saliid ku jirtey bakhaarkaasi, iyadoo dhaawacooda durba loola cararay Isbitaalada Muqdisho si loogu daweeyo.

 

Waxa uu sheegay in maanta madaafiic aan kala joogsi laheyn lagu garaacay Suuq-bacaad, waxaana ay keentay in dad badan ay ka cararaan halkaasi.

 

Sidoo kale waxa uu sheegay in madaafiic dhowr ah ay ku soo dhaceen xaafadaha, kuwaasi oo geeystay qasaaro naf iyo maalba leh, laakiin wali aan la ogeyn tirada rasmiga ah.

 

Nin ayaa ku geeriyooday madfac ku soo dhacay agagaarka wadada Baar ayaan, iyadoo marxuumkaasi sida la sheegay ii waday alaabo uu ka soo qaatey gurigiisa, isla markaana uu u waday ilmo uu kala qaxay halkaasi.

 

Madaafiicdaan lala beegsaday halkaasi ayaa intooda badan waxa ay ahaayeen BM laga tuurayay xarunta Madaxtooyada.

 

In ka badan 25 madaafiicda BM ka ah ayaa maanta ciidamada Ethiopia ay ka tuureen dhanka madaxtooyada, iyadoo madaafiicdaasi ay ku dhaceysay xaafadaha General Daa'uud, Suuqbacaad, Baar Ayaan iyo Towfiiq.

 

Dhinaca kale waxaa jira iska horimaadyo goos goos ah oo maanta ciidamada Ethiopia iyo kooxaha ka soo horjeeda ay ku dhex martay wadada Hotel Ramadaan, israsaaseyntaan oo sababtay dhimasho iyo dhaawac ayaan wali la ogeyn qasaaraheeda.

Share this post


Link to post
Share on other sites

It must be more than 25 BM rockets.Both the BM 21 which is 40 tubed and the 30 tubed north korean BM11 are being used.On top of it the modified D 30 Howitzer is also being used.Other pieces that are being used includes the 89 mm's rocket launchers,120mm heavy mortar,B10 and 106 recoilless rifles that are very effective in making enemy kills that are under a strong cover e.g buildings.So it got to be more than the said 25 and again,remember that this is a war that nothing was left un used.Check ur sources again sxb.

Share this post


Link to post
Share on other sites

LOL @ Bakaraha "the biggest shopping town in Mogadishu". Why make it sound like were talking about the lifeblood shopping center of Somalia? The place is a contaminated square were ppl sell timir and baasto next to ammunition and gasoline and other hazardous stuff. The sooner it gets closed and demolished the better - both for quelling the arms trade and for preventing an epidemic health disease.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xargaga   

Xildhibaan Cabdala Aadan Xasan: Wasiirada ****** waa inay si dhaqso ah isku casilaan haddii ay rajo ka qabaan mustaqbal siyaasadeed sidoo kale Cali Mahdi Maxamed waa inuu ku dadaalaa inuu helo raggii bedeli lahaa Cabdulaahi Yuusuf iyo Cali Geedi si wadanka loo dajiyo dagaalada hadda socda kadib la iskuna cafiyo

 

 

 

Xildhibaan Cabdala Aadan Xasan oo ka mid ah xubin ka mid ah xubnaha golaha deegaanka ee magaalada Gothenborg ayaa ugu baaqay in dhamaan xubnaha beesha ****** ee ku jira dowladda inay si dhaqso ah isaga casilaan xilalka ay hayaan waayo waxa dadka rayadka lagu xasuuqaayo waa magaca aya huwan yihiin taariikhdana ma soo mari waxa ka dhacay Muqdisho sidaa darteed in damiir bani aadanimo ah haba yaraatee ma ogolaan karo in xasuuq intaas le’eg iyo burbur loo geysto daaro iyo guryo aanan wax looga dan leeyahay aan la garaneyn.

 

Haddaba maadaamaxubnaha golaha wasiirada ee beesha ****** ay iyagu sheeganayaan inay magaca dadka rayadka ee Bmka lagu garaacaayo ay matalaan isla markaana aysan waxba ka qaban karin sidaa darteed waxa ugu yar ee ay sameen karaan waa inay is casilaan xataa hadii ay kalifeyso inay naftooda ku waayaan iscasilaadaan ayuu yiri Cabdala Aadan Xasan oo la soo xiriiray webstika Dayniile maantay.

 

Xildhibaan Cabdala Aadan Xasan ayaa intaas ku daray in ay foolxumo iyo ceeb ma hadho oo taariikhi ahiyadoo magaalada Muqdisho ay ka socoto xasuuq la mid ah midkii ciidamadiii dowladdii Siyaad Bare ay ka geysatay caasimada Somaliland iyo qaabkii loo burburiyey sidaa darteed waxaa u sharaf badan inay iska casilaan xilka wasiirnimo ay ahaayaan waayo mansabka waa mid la heli karo mid walba hadii qofku uu sii noolaado laakiin magaca iyo sharafta lama soo iibsan karo qof walba oo adduunka jooga oo damiir lehna sidaas ayuu sameen lahaa.

 

Sidoo kale Xildhibaan Cabdala Aadan Xasan ayaa ka codsadey Cali Mahdi Maxamed inuu isku dayo inuu helo rag wax gal ah oo ka dhashay beelaha ay ka soo jeedaan Cabdulaahi Yuusuf iyo Cali Mahdi oo lagu bedelo labadaas nin marka dagaalada Muqdisho ay dhamaadaan cidii doonta guushu ha raacdee waayo iska cadaan in nabad waarta ay adag tahay in la helo hadii labadaas nin ay kursiga ku fadhiyaan umana eka rag iskood isku casilaya oo kursiga ka tagaya sida muuqata sidaa darteed waxaa haboon in si niyad wanaag loo helo oo Soomaali ay isku cafiso in bal wajiyo cusub la keeno meesha dagaalada kadib si looga badbdaado haddana kacdoon kale iyo dhib kale mustaqbalka waayo dadk la laynayaa dhulka kama aysan soo bixin oo dad ayay ka dhasheen dadkoodana si fudud maku iloobi karaan xaquus intaas le’eg iyo in la iska BM lagu garaaco xaafado iska nabad ah oo wax kacdoon uusan ka jirin haba yaraatee ujeedada laga leeyahayna waa wax qof walba oo caqli leh waxaana muhiim ah in dadka reer Muqdisho ay hadda garowsho ka dhiibaan sababta keentey reer Somaliland inay go’aansadaan inay Soomaaliya ka go’aan ileen xanuunkii dadkaas gaaray iyana waa arkeene. Haddaba maadaama Cabdulaahi Yuusuf iyo Cali Geedi ay ka baxeen balantii aheed inay nabad wax ku raadinayaan oo ay dagaal foolxun galeen oo ay geysteen xasuuq iyo burbur ka daran midkii xamar ka dhacay 20kii sano ii u danbeeyey waa in Cali Mahdi uu u sheegaa inaysan ka gadmi karin ummadda Soomaaliyeed oo aan dib danbe loogu aamini karin inay matalaan magaca ummadda Soomaaliyeed maadaama Maxamed Siyaad iyo hogaamiyekooxeedyadii ka danbeeyeyba ay noqdeen i qarso marka loo eego dhibka ay dagaalada hadda socda ay geyteen ayuu yiri xildhibaan Cabdala Aadan Xasan.

 

 

 

Xildhibaan Cabdala Aadan Xasan ayaa sheegay inuu aad uga xun yahay waxa ka socda Muqdisho iyo xasuuqa iyo burburka la gaysanayo waxaana uu sheegay inay tahay wax laga xishoodo in dad magac qaran huwan ay ku dhaqaaqaan aargoosi qabiil iyo in BM lagu garaaco xaafado aanan wax iska hor imaad ka jirin maadaama la lahaa Soomaali way heshiisay oo waa la is cafiyey haddii la is cafiyey maxaa saraha cidlada ah ee laga qaxay loo duqeynayaa maxaa Suuq Bacaad Bmka loogu garaacayaa, Maxaa suuqa Bakaaraha loo duqeynayaa , Maxaa Albaraka iyo Black sea iyo Gubta madaafiicda loogu garaacayaa ma ciidamo kacdoon wada jooga goobahaas ? Waa su’aal jawaabteeda looga baahan yahay qofka ujeedada gaarka leh ee xaafadahaas madaafiicda iyo Bmka ku duqeynaayo haddaba sidee ayuu qofkaas beri ku qabanayaa masuuliyad qaran marka dagaaladu dhamaadaan yuuse xukumayaa? Sidaas ayuu kusoo gabagabeeyey Xildhibaan Cabdala Aadan hadalkiisa.

 

News Update in English www.dayniileone.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this