Sign in to follow this  
Major-General Cawad

President Yusuf arrives in the interim capital of Jowhar

Recommended Posts

Jowhar(AllPuntland)- Madaxwaynaha Soomaaliya Mud: C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafdi ballaarn oo uu hor kacayo ayaa maanta ka dagay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

 

Socdaalka Madaxwaynaha ayaa waxaa kamid ahaa xubno ka tirsan golayaasha dawladda iyo taliyaha ciidanka Booliska Soomaaliyeed .

 

Xubno labada gole ka tirsan oo uu ugu horeeyo raysulwasaare Geeddi ayaa madaxwaynaha kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha magaalada Jowhar.

 

Dadwaynaha magaalada Jowhar ayaa qayb libaax leh ka qaatay soo dhawaynta madaxwayne C/laahi Yuusuf Axmed.

 

Wafdiga madaxwaynaha waxaa kasii horeeyay diyaarad sidday wafdi dawladda ka tirsan oo saacado uun ka horaysay wafdiga madaxwaynaha.

 

Madaxwayne Yuusuf ayaa lafilayaa inuu gudo galo hawlaha horyaalla oo sida lasheegay ay ugu horayso xasilinta dalka Soomaaliya .

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jowhar(AllPuntland)- Taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed Cali Maxamed Xasan Madoobe ayaa shaaca ka qaaday in gobollo ka tirsan koonfurta Soomaaliya oo uu maalmahan socdaal ku marayay ay aad usoo dhaweeyeen DFKGS.

 

Mud: Madoobe oo waraysi siiyay Radio Daljir ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay yihiin dad hamuun u qaba inay dawlad helaan isla markaana kasoo daalay dhibaatadii ay kusoo jireen 14kii sano.

 

Wuxuu xusay taliyaha ciidanka booliska Soomaaliyeed in hawlaha dawladda u xilsaartay u tagay laga bilaabo Kismaayo illaa dooloow , wuxuu sheegay maamullada deegamadaasi inuu kala hadlay inay is horumariyaan dawladdana lashaqeeyaan.

 

Mar wax laga waydiiyay hawlaha sida gaarka ah dawladdu ugu xilsaartay ee uu wax kaqabtay ayuu sheegay inuu u tagay gobollada jubada hoose , jubada dhexe iyo gedo inuu halkaasi ka diyaar gareeyo ciidamo boolis oo ammaanka dalka ka qaybqaata.

 

Hawshaasi ayuu sheegay inuu wax badan ka qabtay waxna ay udhimman yihiin , uuna ku dadaalayo inta dhimman inuu sida ugu dhaqsaha badan usoo dhammeyo.

 

Mud: Xasan Madoobe iyo xubno kale oo ciidanka Soomaaliya katirsan ayaa meelo kamid ah dalka kawaday hawlo lagu aruurinayo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed , waxaana masuuliyiintaasi kamid ah taliyaha ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed Gen: Ismaaciil Qaasim Naaji.

 

CCC Farayaamo

 

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha dowladda federaalka KMG ah ee Soomaaliya ayaa maanta 20:00 duhurnimo ka soo degay garoonka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Sh/dhexe

Jowhar

 

Wefdiga madaxweynaha ayaa waxaa garoonka ku soo dhoweeyey xubno ka tirsan labada gole dowladda ee Jowhar ku sugnaa, waxaana xubnaha wefdiga madaxweynaha soo dhoweeyey hor kacayey ra'isul wasaare Cali Max'ed Geedd, guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee baarlamaanka Prof. Max'ed Cumar Dalxa, waxaana madaxweynuhu markii uu ka soo degay garoonka uu salaan sharaf ka qaatay cutubyo ka tirsan ciidamada qalabka sida

 

Wafdiga madaxweynaha ayaa loo galbiyey meel loogu tala galay in uu ku nasto

 

Kala soco faahfahin intaa dheer dayniile com wararkiisa danbe

 

.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jowhar:- Madaxweynaha Dowladda FKMG-ka ee Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa abaarihii 2:00-duhurnimo oo qadar daqiiqado ah la'a uu maanta kasoo dagay garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Sh/dhexe.

 

Madaxweynaha ayaa waxaa si weyn garoonka ugu soo dhaweeyey Mas’uuliyiin uu ugu horeeyey R/wasaare Cali Maxamed Geeddi,Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamanka Prof.Maxamed Cumar Dalxa,Xubnaha labada gole ee Dowladda,Gudoomiyaha maamulka Gobalka Sh/dhexe Maxamed Cumar Xabeeb (Maxamed Dheere) iyo dadweyne kale oo kor u dhaafayey boqolaal ruux.

 

Madaxweynaha ayaa intii uu garoonka ku sugnaa waxaa uu salaan sharaf ka qaatay Wasiiradii iyo Xildhibaanadii halkaasi kusoo dhaweeyey isagoo ay markaasi garab socdeen R/wasaaraha Soomaaliya Mudane, Geedi iyo Gudoomiyaha Gobalka Sh/dhexe,waxaana uu sidoo kale uu salaan ka qaatay Ciidamadii Bambeyda ee halkaasi loogu diyaariyey in ay madaxweynaha kusoo dhaweeyaan.

 

Intaa ka dib Madaxweynaha ayaa isagoo ay la socdaan istaaf qaas ah oo isaga loo diyaariyey inay amaankiisa sugaan ayaa u gudbay magaalada jowhar waxaana la dejiyey xarunta Gobalka. Madaxweynaha ayaa intii aysan garoonka soo caga dhiganin diyaaradii siday,waxaa soo degtay diyaarad kale oo siday ciidamo gaar ah oo laga keenay Gobalada Puntland,oo Madaxweynaha Ilaaladiisa qaas ka ah noqon doona, iyadoo ciidamadaasina ay wataan labis u gaar ah iyaga si loogu aqoon sado inay yihiin ilaalada Madaxweynaha .

 

Magaalada Jowhar oo ay horey ugu sugnaayeeen Mas’uuliyiin Dowladda ka tirsan oo uu ugu horeeyo R/wasaaraha Soomaaliya Cali M.Geedi oo maalmihi lasoo dhaafayba halkaasi ka waday diyaar garood xooggan oo ay ugu jireen Soo dhaweynta Madaxweynaha Soomaaliya Mudame C/laahi Yuusuf Axmed, Waxayna masuuliyiintii DFKS ka joogay magaalada Jowhar ay si fiican u adkeeyeen gabi ahaanba amaanka Gobalka gaar ahaan magaalada Jowhar ee uu soo gaaray Madaxweynaha lana filayo in ay fariisin kumeel gaar ah u noqoto.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jowhar:- (Puntlandpost) Wafdi uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamahuuriyadda Federaalka KMG-ka ah ee Soomaaliya Mudane C/llaahi Yuusuf Axmed ayaa muddo 40-daqiiqo ah ka hor; ka soo dagay garoonka diyaaradaha ee Degmada Jowhar, waxaana halkaas ku soo dhaweeyay madax uu ka mid Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya Prof. Cali Maxamed Geeddi iyo Guddoomiye ku xigeenka Golaha Baarlamaanka Prof. Maxamed Cumar Dalxa.

 

Diyaaraddii wadday Madaxweynaha ayaa waxaa in yar uu ka soo horreeyay diyaarad kale oo sitay Ciidammo sakuurad ah iyo alaabooyinkii madaxweynaha, waxaana madaxweynaha Safarkiisa ku wehliyay xubno uu ka mid yahay Taliyaha Ciidanka Booliiska Soomaaliyeed Gen.Cabdi Madoobe.

 

Madaxweynaha iyo wafdigii uu hoggaaminayay ayaa waxaa haatan la geeyay xarunta Dowladda FKMG-ka ku leedahay Magaalada Jowhar, waxaana la filayaa in marka uu nasto kaddib uu saxaafadda la'hadalo, sidoo kale Madaxweynuhu wuxuu hadal u jeedin doonaa xubnaha labada gole ee ku sugan Jowhar.

 

Amaanka magaalada Jowhar ayaa si weyn loo adkeeyay, iyadoo ruux walba oo doonaya inuu tago halka uu ku sugan yahay Madaxweynaha Soomaaliya C/llaahi Yuusuf iyo xubnaha kale ee dowladda si weyn loo baarayo.

 

Wixii ka soo kordha safarka Madaxweynaha dib ayaan idin kala socodsiin doonaa haddii RABBI idmo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Jawhar}26-07-05 kumanaan qof ayaa waxaa ay ku soo dhaweeyeen madaxweynaha Somalia gegida diyaradaha ee magaalada jawhar oo uu madaxweynuhu ka dagay daqiiqado ka hor

 

Sida uu ku soo waramayao wariyaha shabakada wararka ee WidhWidh Online ee Magaalada jawhar Siciid Xagaa waxaa uu hadau madaxweynaha iyo wefdigii la socday ay marayaan inta u dhaxeeysa gegida diyaaradaha iyo Magaalada jawhar oo ilaa 15 KM magaalada u jirta.

 

madaxweynaha iyo wefdigiisa ayaa waxaa si heer qaran ah u soo dhaweeyey Raysala wasaaraha Somalia Cali maxamed Geedi iyo golihiisa wasiirada oo intoodu badan ku sugan magaalada Jawhar.

 

Wrbixinta la xidhiidha Socdaalka Madaxweynaha kala soco WidhWidh Online

 

WidhWidh Online News Center

 

madaxweynahaiyogeedi.JPG

Share this post


Link to post
Share on other sites

• Madaxweynaha Dawlada Federaalka ah ee KM ah ee Somaliya Mudane Cabdilaahi Yuusuf Axmed oo saaka ka amba baxay Garoonka Diyaradaha ee Magalada Galkacyo ayaa maanta abaarihii 2:00 duhurnimo ka Degay Garonka Diyaradaha ee Magaladda Jawhar.

 

Mardhow oo ay xiriir dhanka is gaarsiinta ah ay la samaysay Idaacada Radio Garowe dhanka Magaaladda Jawhar ayaa waxaa naloo sheegay in Madaxweyanah Dawlada Federaalka ah ee Somaliya halkaas si weyn ugu soo dhoweeyeen xubnaha labada gole ee dawladda federaalka Soomaaliyeed, maamulka gobolka Shabeellaha Dhexe iyo dadweyne aad u fara badan.

 

Sidoo kale, Waxaa naloo sheegay in amaanka Magaaladda si weyn loo adkeeyey ilaa iyo saakana ay xirnayeen wadooyinka iyo dhamaan goobaha loo sii cayimay in Madaxweynaha la dejiyo.

 

Waxaana Madaxweynaha uu haatan degan yahay Gurriga Madaxtooyada ku meel gaarka ah ee Magaaladda Jawhar halkaas oo si weyn loo sugayo amaanka Madaxweynaha waxaana la sheegayaa in Ciidamada halkaas ku sugan ay yihiin kuwo aad u tiro badan oo ka kooban Ciidamada Ilaaladda Madaxweynaha iyo Ciidamada qaranka Somaliya ee dhawaan la ururiyey.

 

Madaxweynaha iyo Wafdigiisa ayaa markii ay garoonka diyaaradaha ee Galkacyo ka dhoofayeen wuxuu saxaafadda u sheeegay in hawlaha ugu horeeya ee uu qaban doono ay ka mid yihin dib u soo celinta amaanka Somaliya

 

Axmed Maxamed

Radio Garowe-Puntland/Somaliya

Share this post


Link to post
Share on other sites

O.k

 

The little twins (who I think are the same person:rolleyes: ) are really flooding the place by posting the same article (just from different sites) over and over, really getting pathetic now.

 

 

:cool:

Share this post


Link to post
Share on other sites

lol, two Generals representing the new Somali nation at your service...

 

Keep them coming Major General Cawad....

 

Negative activist at least comment on the article, dont get metional now.. What do you think of Jowhar, the fact that most Ministers and MP's are there, that the President got another huge welcome????

Share this post


Link to post
Share on other sites

What do you think of Jowhar, the fact that most Ministers and MP's are there, that the President got another huge welcome????

Whats so significant about Yey going to jowhar and making it the interm capital after 10 months in power? :confused:

 

How many pms are there? Please do mention, since you stated that "most" ministers and mp's are there.

 

Huge welcome huh, :D afar hablood iyo sedex nin oo sawir abdullahi yusef ah kor iyo hoos u wareeyjinayaan miyaa waxaa weeyn kula ah walal?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Madaxweynaha Dowladda FKMG-ka ee Soomaaliya Mudane C/laahi Yuusuf Axmed iyo wafti balaaran oo uu hogaaminayo ayaa abaarihii 2:00-duhurnimo oo qadar daqiiqado ah la'a uu maanta kasoo dagay garoonka Diyaaradaha Magaalada Jowhar ee xarunta Gobalka Sh/dhexe.

 

This is great News for all Madaxweynaha Dowladda FKMG ee Soomaaliya is in Jowhar. what's next?

 

I see things are going with the plan. which is also great.

 

I could tell by looking in the people faces how much they want their Dowladd to work and that's what i love to see. That's why every where any person from the Government goes inside the country they get an Huge welcome.

Share this post


Link to post
Share on other sites

--------------------------------------------------------------------------------

 

http://www.hiiraan.org/2005/july/somali_news26_2.htm

 

Somalia's Transitional President Abdullahi Yusuf has arrived in the town of Jowhar, where he plans to set up a temporary base for his new government.

 

He was met by hundreds of people, including the prime minister, after flying in from his northern stronghold. Earlier this month, President Yusuf told the BBC he would be bringing troops and militia with him.

 

Warlords from the capital Mogadishu have threatened to attack Jowhar if he establishes the government there.

 

"I came to Jowhar and operate from here," the president said, after meeting Prime Minister Mohamed Gedi, who has been in the town since June 18.

 

They set up the transitional government last year, while in exile in Kenya.

 

President Yusuf has been based in Bossaso in his home region of Puntland since leaving Kenya last month, in preparation for moving to Jowhar.

 

Confrontation fears

Somalia has not had a functioning government since the overthrow of President Siad Barre in 1991, and 13 previous attempts to end the anarchy have failed.

 

But the new Somali government has been divided since May.

 

The speaker of parliament, Sharif Hasan Shaykh Adan, is operating from Mogadishu. But President Yusuf - who has little support in Mogadishu - has refused to move there while it is still under the control of his rivals. The Mogadishu warlords were named as ministers in Mr Yusuf's cabinet but soon fell out with him, siding with the speaker. Last month, President Yusuf met Mr Adan in Yemen's capital, Sanaa, but they failed to agree on where the government should be based.

 

Correspondents say that unless foreign powers, or Somali elders, intervene, the stage is set for a confrontation between the president and his former associates in Mogadishu.

 

Source: BBC, July 26, 2005

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this