Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Melez Warns Qatar ................ what is goin on ?

Recommended Posts

Raysal wasaaraha dalka Ethiopia atto melles zenawi ayaa waxa uu ka hadlay xaalada dalka Somalia isagoo jooga caasimada dalkiisa una waramayay wargaysayka lagu magacaabo The Guardian isagoo ka hadlay xaalado badan oo ku saabsan dalka Somalia.

 

 

Senawi ayaa ugu horayn waxa uu ka waramay ciidamada dalkiisa ee ku sugan gudaha dalka Somalia iyo xilliga ay kasoo baxayaan waxaana uu sheegay inaysan dalka Somalia ka soo baxayn inta la helayo ciidamada midawga Africa oo ka hawlgala gudaha dalka Somalia.

 

 

 

Sidoo kale waxa uu sheegay in dawlada dalka Somalia ay hadda marayso meel wanaagsan oo ay hanatay hawleheedii ayna ka taliso dalka Somalia intiisa badan wallow ay ubaahan tahay ciidamada midawga Africa oo ka hawlgala gudaha dalka kuwaas oo wax badan ka caawin doona.

 

 

 

Raysal wasaaraha ayaa waxa uu ciidamadiisa ku amaanay sida ay umuquuniyeen xoogagii kasoo horjeeday dawlada KMG ah ee Somalia kuwaas oo lamid ahaa Daalibaantii Afghanistan waa siduu hadalka udhigaye waxaana uu sidoo kale weeraray Dawlada Qatar oo ku eedeeyay inay caawiso dalka Eritrea kana caawiso xaga dhaqaalaha si ay qas uga wado Dalka Ethiopia iyo guud ahaan geeska Africa taas oo uu sheegay inaysan waxba ka dhimayn oo ay og yihiin una toog haynayaan.

 

 

 

Isku soo wada duuboo hadalkan kasoo yeedhay raysal wasaaraha dalka Ethiopia ayaa waxa uu kusoo beegmay xilli uu maalmo kahor yimi dalka Somalia Said Djinit oo ah sarkaalka ugu sareeya dhanka nabada iyo amaanka midawga Africa kaas oo u kuurgalayay xaalada dalka Somalia iyo sida ciidamo loo keeni karo.

 

 

 

 

 

Afnugaal News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this