Sign in to follow this  
Meiji

Somali Sea issue continued by PM Sharmarke

Recommended Posts

Meiji   

Apparently the foreign-created regime is seriously committed to push ahead the controversial Sea dispute despite the fact that the deal was dismissed by majority of Somalis in that entity.

 

-------------------- -----------

 

Cumar C/rashiid oo Qarammada Midoobay u Gudbiyey Waraaq Burinaysa Go’aankii Baarlamaanka, Kenyana u ogolaanaysa Badda Soomaaliya ee ay Cabiratay

 

Cumar C/rashiid oo Qarammada Midoobay u Gudbiyey Waraaq Burinaysa Go’aankii Baarlamaanka, Kenyana u ogolaanaysa Badda Soomaaliya ee ay Cabiratay!

 

•Warbixin, Faallo iyo Tarjumadii SomaliTalk.com | Sept 16, 2009

 

-------------------- -------------------- -------------------- --------------------

 

Website-ka Guddiga Qarammada Midoobay u qaabilsan Xadaynta Badaha ayaa lagu daabacay warqad ku taariikhaysan August 19, 2009. Warqaddaas waxaa ku cad in ay ka soo baxday Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha DFKMG, isla markaasna loo saxiixay (for) Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke. Inkasta oo magaciisa lagu qoray haddana saxiixa isagu ma leh.

 

Waa warqad si qeexan u muujinaysa in DFKMG ay si bareer ah u doonayso in ay dhul-badeedka Soomaaliyeed si toos ah muran u geliso, si markaas loogu sharciyeeyo Kenya akhbaartii ay u gudbisatey Qarammada Midoobay ee sida aan gabashada lahayn u cabiratay 116,000km2 oo ah dhul-badeedka Soomaaliyeed.

 

“Waxaa ah arrin aad looga yaxyaxo, looga xishoodo, isla markaana laga argagaxo, in qof sheeganaya mas’uul Soomaaliyeed uu qoro warqad noocan oo kale ah. Waana arrin aad looga xumaado.” Sidaas waxaa yiri aqoon yahan Soomaaliyeed oo akhriyey warqadda loo saxiixay Cumar C/rashiid..

 

Inta aynaan u gudbin tarjumaada warqaddaas, waxaan is-dul taagi doonaa macnaha ay xambaarsan yihiin dhawr qodob/xeer oo lagu xusay warqadda, sida:

 

 

Annex I, article 5(a): ee Nidaamka Guddiga QM waxa uu dhigayaa “Haddii ay jiraan dhul ama bad lagu muransan yahay, Guddiga (QM) ma tixgelin doono ama ma ansixin doono akhbaarta uu soo gudbiyey dal ka mid ah kuwa uu ka dhexeeyo murankaasi. Laakiin Guddigu waxa uu tixgelin siinayaa akhbaarta uu soo gudbiyo dal ama ka badan ee ku saabsan aagga lagu muransan yahay haddii uu jiro ogolaansho hore oo ay bixiyeen dhammaan dalalka uu muranku ka dhexeeyo.” Taas macnaheedu waxaa weeye haddii muran jiro waa in marka akhbaarta la gudbinayo lala socodsiiyo QM, haddii dalalkii murankaasi ka dhexeeye ay isla ogol yihiin muranka markaas Guddiga Xadaynta Badaha ee QM waxa uu ka gaari karaa go’aan. Arrintaas ayaa si qeexan loogu cadaynayaa warqadda hoose ee loo saxiixay Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya. (Tixraac halkan).

 

Annex II, article 9: ee UNCLOS waxa uu dhigayaa: Ficilka Guddiga (Qarammada Midoobay ee Xadaynta badaha) caqabad kuma noqon karo arrimaha la xiriira xuduudda u dhaxaysa labada dal ee deriska ka ah xagga badda. (Tixraac halkan).

 

Annex II, article 4: ee UNCLOS waxa uu dhigayaa: Dalka xeebta leh oo doonaya in ay kordhistaan cabirka qalfoofka qaaradda wixii ka durugsan 200 mayl badeed, waa in ay muddo 10 sano gudahood markii xeerku dhaqan galay, in ay Guddiga (QM) u gudbistaan akhbaarta la xiriirta xadka baddooda oo ay la socdaa farsamo cilmiyeed iyo saynis garab siinaya cabbirkaas. Waa in dalka xeerbta leh ay sheegaan magacyada xubnaha ka tirsan Guddiga (QM) ee dalkaas ka taageeray xagga farsamada ama siiyey talo.

 

 

http://somalitalk.co m/web/2009/09/16/cum ar-crashiid-oo-qaram mada-midoobay-u-gudb iyey-waraaq-burinays a-goaankii-baarlamaa nka-kenyana-u-ogolaa naysa-badda-soomaali ya-ee-ay-cabiratay/

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taleexi   

I believe a bad deal is still a bad deal irrespective of who exercise it...simply put it heshiiskaasii waa xaaraan,waana wax laga yaqyaqsoodi, aan la aqbali karin, inoona cuntamin... iga raali ahaada adjective-iskii baa iga dhamaadaye.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^Meiji: Lool. This is a silly deal regardless who signs it or supports it. Sharif Hotel the President of Villa Somalia & a few blocks, Sharmarke, Sharif Xasan and any other member of this entity should pay a heavy price for this action.

 

Now what was your point? The Puntland leaderships position is clear on this issue refer to President Faroole's stance.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this