Sign in to follow this  
Emperor

First batallion of peace keeping forces from Burundi arrive in Adden Adde Internation

Recommended Posts

Emperor   

Ciidamo hor dhac ah oo ka socda dalka Brundi oo maanta Muqdiso soo gaaray.

 

Maanta ayaa dhabaha diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada magaalada Muqdisho,waxaa soo caga dhigatay diaaradii ugu horeysay oo xambaarsan ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda dalka Brundi, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Afrikaanka ee AMISOM.

 

Maanta ayaa dhabaha diyaaradaha Aadan cadde ee magaalada magaalada Muqdisho,waxaa soo caga dhigatay diaaradii ugu horeysay oo xambaarsan ciidamo nabad ilaalineed oo ka socda dalka Brundi, kuwaas oo qeyb ka ah howlgalka nabad ilaalinta Afrikaanka ee AMISOM.

 

Afhayeenka AMISOM captain paddy Ankunda ayaa saxaafada u sheegay in ciidamada maanta soo gaaray Muqdisho ay hordhac u yihiin nabad ilaaliye yaasha Brundi ee ka qeyb qaadanaya hwolgalka nabad Ilaalinta Afrikaanka ee dalka Soomaaliya.

 

Afhayeenka AMISOM waxaa uu intaa ku daray in ciidamadani ay gaarayaan ku dhawad 100 askari oo ayna soo raaci doonaan ciidamo dhameystirkooda ah maalmaha insoo aadan.

 

Ciidamadan ayaa la dajiyay ex-xeradii Xalane,halkaas oo ay kusoo dhaweeyeen ciidamada Uganda ee horay u joogay.

 

Ciidamada ayaa dhabaha diyaaradaha Aadancdde waxaa kusoo dhaweeyay masuuliyiin ka tirsan dowladda federalka Soomaaliya iyo nabad ilaaliyeyaashii horay u joogay.

 

 

Xafiiska warqabadka shabakada wararka carmooyin.com ee magaalada Muqdisho.

 

Contact:carmooyin@hotmail.com or carmooyin@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Muqdisho: Cutubkii ugu horeeyay ciidamada Burundi oo Muqdisho soo gaaray

23. December 2007

 

 

Muqdisho(AllPuntland)- Cutubkii ugu horeeyay ee ciidamo ka socda dalka Burundi ayaa maanta soo gaaray magaalada Muqdisho iyagoo ka soo degay Garoonka caalamiga Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

 

Ciidamadan oo tiradooda gaareyso 100 askari oo iyadoo si diiran loogu soo dhoweyay garoonka diyaaradaha Muqdisho, waxaana halkaasi ugu hortegay saraakiil iyo ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho, iyadoo la filaayo in ciidamadan ay sal dhigtaan goobo horay loogu cayimay.

 

Saraakiisha ciidamada AMISOM ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ay ciidamadii ugu horeeyay ee ka qeyb qaadanaya nabad ilaalinta Soomaaliya ay soo gaareen magaalada Muqdisho, Captian Paddy Ankunda ayaa sheegay in ciidamadan ay howl geli doonaan marka ay sal dhigtaan, iyadoo aan sidoo kale la hubin xiliga iyo goorta ay soo dhameystirmi doonaan ciidamada Burundi oo horay u shaaciyay in ay imaan doonaan Muqdisho 1700 Askari.

 

Horay ayaa garoonka diyaaradaha magaalada Muqdisho looga soo dejiyay sahay iyo qalab milateri oo ciidamada Burundi ay leeyihiin, iyadoo ciidamadii ugu horeeyay ee dalka Soomaaliya soo gaara ay ahaayeen ciidamada Ugandha oo xiligan ku sugan Muqdisho kuwaasi oo aan dhaafin Garoonka DIyaaradaha, Dekadda Muqdisho, Xarunta Madaxtooyada iyo fariisinka ay ku leeyihiin duleedka garoonka diyaaradaha Muqdisho.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Ciidamada Dowladda burundi oo maanta ka soo degay muqdisho (Daawo Sawirada)

Sh, M network 23 Dec 07, 09:42

 

Mogadishu 23, Dec. 07 ( Sh.M.Network)-Diyaarad ay leedahay dowlda Burundi ayaa maanta askartaasi ka soo dajisay garoonka diyaaradaha ee Muqdisho waxaana ay yihiin qeybtii ugu horeysay ee ka tirsan askarta Burundi ee dowladoodu ay sheegtay inay imaanayaan bartamaha bishani dalka Somalia si ay qeeyb uga noqdaan ciidamda Amisom ee ku sugan Magaalada Muqdisho.

 

Kadib markii ay askartaasi yimaadeen ayaa afhayeenka ciidamada midawga afrika ee ku sugan Somalia captain paddy ankunda waxaa uu shabelle uga waramay askartaasi tirade ay yihiin iyo imaanshaha askartaasi.

 

“Ciidamdadni waa 100 askari oo ay u dhanyihiin qalabkooda milatari waxaan ay Somalia u yimaadeen in ay wax bada ka qabtaan nabada ku soo dabaalida dalka ay la dageen colaadaha baahasan” ayuu ku jawaabay afhayeenka ciidamda Amisom ee jooga somalia.

 

Waxay shabelle sidoo kale ay weydiisay tirade guud ee ciidamadaasi Burundi ee imaanaya Somalia waxaana uu ku jawaabay in ay rajeeynayaan in ay dhawaan soo gaaraan dalka ciidamo gaaray ilaa 850 askari oo Burundi ah

 

Imaanshaha ciidamadani ayuu sheegay inay suurto galinayaan bixitaanka ciidamada Ethiopia ee ku sugan dalka Somalia.

 

 

Iyadoo dowladaha qaar ay balanqaadeen inay bixin doonaan qalabka askarta Burundi ayuu afhayenku sheegay in ciidamadaasi ay qalabeysanyihiin isla markaana ay diyaar yihiin oo ay soo dhameystirmayaan dhawaan.

 

 

Dhowr wadan oo kale ayaa iyagu sidoo kale waxa ay balanqaadeen ciidamo keenida Somalia waxa uuna captain paddy uu sheegay inay jiran wadamo waqtiyadii ugu dambeeyay balanqaaday ciidamo keenida Somalia.

 

 

Sidoo kale dolwada mareykanka ayaa iyadu sheegtay inay taageeri doonto ciidamada Amisom ee iyagu ku sugan Somalia.

 

 

Safiirka dowlada mareykanka ee dalka Kenya Michel rebnanbargar aya shabelle usheegay inay taageero buuxda siin doonaan ciidamada midawga afrika ee ku sugan dalka Somalia iyo kuwa imaan doona.

 

 

Imaanshaha ciidamada Burundi ee soo gaaray Somalia ayaa ku soo beegmeysa xili ilaa 1,800 oo askar Uganda’s ah ay ku suganyihiin Somalia waxaana y la kulmeen weerar kaga yimi kooxaha dagaalada kula jira dowlada Somalia iyo ciidmada Ethiopia ee ku sugan dalka Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

It is not important whether they are brown or black, they are here for another hugely important reason, to help the nation...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Where are those who said there was an "occupation" now we are occupied by the AU correct?

 

Uganda, Ethiopia and now Burundi have arrived the rest are comming and Somalia's security will improve insha Allah.

 

Its our country and we want to be a normal country one again.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Ciidamada Burundi oo soo gaaray Muqdisho

-

 

Muqdisho, Somaliya (Calanka.com) 23-Desember-2007

 

 

Cutub horu dhac ah oo ka socda ciidamada nabad ilaalinta Burundi ayaa waxa ey maanta duhurnimadii kasoo dageen garoonka diyaaradaha Muqdisho ee Aadan Cadde.

 

Cutubkan ugu horeeya ee soo gaaray dalka ayaa lagu sheegay in ey yihiin 100-askari, kuwaasoo qalabkoodii waaweynaa horay looga soo dajiyaay garoonka Muqdosho.

 

Ciidamo ka socda Midowga Afrika oo gaaraya 8000 oo askari ayaa la go`aamiyay in ey soo gaaraan Somaliya, waxaana horay ugu sugnaa magaalada Muqdisho mudo sanad ah ciidamo gaaraya 1700 oo askari kana socda Uganda.

 

Ciidamadan gaaraya 8000-kun ayaa markii ey soo dhameystirmaan waxaa lagu wadaa in ey meesha ka baxaan ciidamada Itobiya ee ku sugan gudaha dalka Somaliya.

 

Waxaa sidoo kale lagu wadaa in ey kusoo biiraan howlahan nabad ilaalineed amaba la wareegaan ciidamo ka socda Qaramada Midoobay, balse waxaa socda dadaalo loogu jiro arintaas.

 

Calanka.com: - Isha wararka xaqiiqda

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

100 additional foreigners cannot change a single thing. The resistanc`e will continue its fight against the occupation until feasible conclusion. You know it.

 

 

Keep dreaming though otherwise.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this