Sign in to follow this  
QabiilDiid

Ciidamo ka tirsan Maxaakiimta Islaamiga oo ku dhow Xudur.

Recommended Posts

Let us see how Amxaaro have to swim out of Somalia…..DUKE INA SEED make a case for them..

 

Wararka naga soo gaaraya Degmada Xudur ee Gobalka Bakool waxay sheegayaan in Ciidamo Maxaakiimta Islaamiga ah oo wata 35 Tikniko ah ay ku dhawaadeen Degmada Xudur ee Gobalka Bakool, waxayna shalay duleedka Magaalada Kulamo kula yeesheen odoyaasha iyo waxgarada iyo culima'udiinka degmadaasi.

 

Ciidamada Maxaakiimta oo doraad qabsaday Magaalada Tiyeeglow ayaa halkaasi si weyn loogu soo dhaweeyey waxaana la sheegay in ciidamadaani ka qayb-qaataan hareereynta lagu hayo Degmada Baydhabo oo ay si aad ah ugu sii siqayaan Ciidamada Maxaakiimta Islaamiga ah, kuwaas oo weeraro ka wada deegaanada Iidaale iyo Daynuunaay.

 

Ciidamada Maxaakiimta oo wata hub aad u xoogan ayaa waxaa la sheegay in ay doonayaan inay jaraan wadada keliya ee ay isticmaalaan Ciidamada Itoobiya, gaar ahaan Degmada Bardaale, waxaana lagu waramay in ay isku qaybiyeen labo qaybood oo ay qayb u dhaqaaqday dhinaca Degmada Qansax Dheere iyo kuwo u dhaqaaqay dhinaca Degmada Xudur. source:Somalitalk

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Comedian my evidance is Ibrahim Suuley himself.

 

Ciidamada Maxkamadaha oo kasoo baxay Deegaanka Buur-hakaba iyadoo DF ay gacanta u gashay halkaasi.

 

Muqdisho, Tuesday December 26, 2006 Radio Simba

 

Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ayaa la sheegay iney gabi ahaanba kasoo baxeen Degmada Buur-hakaba oo fariin adag u ahaa Maxkamadaha Islaamiga.

 

Sheekh Max'ud Ibraahim Suuleey oo ah Xoghayaha Golaha Shuurada ee Maxkamadaha Islaamiga oo saxaafada la hadlay sheegay in Ciidamada Maxkamadaha Islaamiga ay kasoo baxeen Deegaanka Buur-hakaba xeylad dagaal.

 

Suuleey aya ku goodiyay iney Ethiopia eedi doonto dagaalka ay kusoo qaaday Dalka Somalia, isagoo sheegay in Ciidamada Maxkamadaha ay ku kalsoon yihiin Ummada Soomaaliyeed isla markaana ay difaaci doonaan Dalka iyo Dadka.

 

Ugu dambeyntii, Suuleey ayaa sidoo kale sheegay in Ciidamada Ethiopian-ka ay dalka ka biixn doonaan.

 

Dhinaca kale, Tv-ga Al-jazeera ayaa sheegay in Ciidamada DF ay saakay gacanta u gashay Degmada Buur-hakaba ee Gobalka Bay.

 

 

 

Simba Media Center , Mogadishu

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sad Nayruus, belived his own hype.

 

Maxkamadaha islaamka oo isaga baxay Buur-hakaba

 

Buur-hakaba 26, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Ciidamada maxkamadaha islaamka Somalia ayaa sida ay sheegeen waxa ay xeelad dagaal uga soo baxeen degmada Buur-hakaba ee gobolka Baay.

[

b]Maxkamadaha islaamka oo si xeeladeysan uga baxay Cadaado, C/waaq iyo Buur-hakaba

 

Nairobi 26, Dec.06 ( Sh.M.Network) – Ciidamada maxaakiimta islaamka Somalia ayaa waxa ay ku sheegeen in qaab xeeladeysan ay isaga baxeen magaallooyinka Caabud waaq iyo Cadaado ee G/ka Galgaduud.
[/b]

Share this post


Link to post
Share on other sites

DUKE INA SEED, I asked you where is the video? We can discuss theories and kutiri-ku-teen.But when somethings like happens and history good or bad is made there are hard evidence? where is yours before you claim that high commission chair?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this