Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Somaliland Police Arrest the Former Vice Chairman of the Electoral Commission

Recommended Posts

HargeysaQarannews)-Ciidanka Booliska ee Gobalka Togdheer ayaa xabsiga u taxaabay gudoomiye ku xigeenkii hore ee Komishanka Doorashooyinka Qaranka Somaliland Md Xirsi Xaaji Cali Xasan, waxana uu ku xidhan yahay xabsiga dhexe ee magaaladda Burco

 

Sida uu xaqiijiyey Taliyaha Qaybta booliska ee gobalka togdheer waxay ciidanka boolisku ka qabteen Md Xirsi tuulada ina Afmadoobe oo lixdan kilo miter dhinaca bari ka xigta magaaladda burco isaga oo markaas watay gaadhi Landcruiser oo ay u saarnaayeen qori iyo baastoolad, waxayna si deg deg ah ciidanku ugu soo gudbiyeen xarunta gobalka ee magaalada Burco

 

Hase ahaatee wax faahfaahin cad kamuu bixin taliyuhu Qaybta boliska ee gobalka Togdheer Mr Axmed Maxamed Guutaale sababta dhab ah ee ka dambaysa qabashada gudoomiye ku xigeenkii hore komishanka doorashooyinka oo xilkaa dhawaan iska casilay.

 

Dhinaca kale wararka ka soo baxay saraakiisha ciidamada kale duwan ee gobalka togdheer ayaa sheegaya in guud ahaanba gobalka togdheer la galiyey heegan sare ciidamadaas.heegan oo laga dareemay guud ahaanba gobalka taas oo aan la ogayn sababta heeganka loo galiyey balse dadka qaar ayaa u fasishay arinta muranka ka dhex dhalisay xukumadda Somaliland iyo ganacsatadda dhoofka xoolaha taas oo ay xukumadda Somaliland kaga hortagayso dhamaanba wixii nabad galyadda gobalka iyo guud ahaan Somalilandba wax u dhimaya

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this