Sign in to follow this  
Saalax

Muj: Xasan Ciise Jaamac Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Dhagax Dhigay Xaruntii Halganka Ee

Recommended Posts

Saalax   

Muj: Xasan Ciise Jaamac Iyo Faysal Cali Waraabe Oo Dhagax Dhigay Xaruntii Halganka Ee SNM.

 

Hargaysa (CRBO) June 15, 2010 - Guddoomiyaha ururkii SNM Mujaahid Xasan Ciise Jaamac iyo Murashaxa Madaxwayne ee Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa maalintii shalay dhagax dhigay taalo laga dhisayo xaruntii halganka SNM ee magaaladda Baligubadle.

 

Mujaahid Xasan Ciise oo goobtii ay dhagaxa dhigeen hadal yar oo kooban ka jeediyey ayaa sheegay in halgankii SNM uu sabab u noqday in dib loo xoreeyo dalka Somaliland, laguna soo caliyo xoriyadii ka luntay lixdamaadkii, waxaanu u duceeyey Mujaahidiintii ku geeriyootay halgankaas oo uu inay qayb ka jiraan taariikhda Somaliland.

 

Guddoomiyuhu waxa kale oo uu Ilaahay uga baryey in Mujaahidiinta inuu Ilaahay ciseeyo, isagoo dhinaca ku amaanay Murashaxa Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe fikirka wanaagsan ee uu la yimid, kaas oo uu sheegay inuu mar walba isticmaalo kalmada Isha Allaah.

 

 

“Mujaahidiinta aan magacooda ku hadlayaa waxa ay ku jiraan Saddexda Xisbiba, qaarkoodna saddexda Xisbi midna kuma jiraan, waxanan Ilaahay ka baryeyaa inuu ciseeyo meelkasta oo ay joogaan intii Dhimatay Ilaahay u naxiirto.” Ayuu Mujaahid Xasan Ciise Jaamac oo ahaa Madaxwayne Ku xigeenkii ugu horeeyey ee Somaliland.

 

Dhinaca kale waxa isna meeshaas ka hadlay Murashaxa Madaxwayne ee Xisbiga mucaaridka ah ee UCID Faysal Cali Waraabe oo Ilaahay ka baryey in aanu dhagax dhigani noqon kii Madaxwayne Daahir Rayaale, waxaanu carabka u adkeeyey in taariikhda Mujaahidiintii dalka xoreeyey lagu

 

aruurin doono taaladan marka ay dhisanto, waxaanu yidhi “Ilaahay waxaan ka baryeyaa in aanu dhagax dhigani noqon kii Madaxwayne Rayaale ee uu noqdaa mid Ilaahay nagu guuleeyo.

 

 

Ummad kastaaba taariikh ayay leedahay, markaa walaalayaal waxaanu doonaynaa in goobtani noqoto meel lagu aruuriyo taariikhdii Mujaahidiintii dalkan u shihiiday Isha allaah hadii Ilaahay ka dhigo, waxaanu sheegay in hadii ay dalka ku guulaystaan uu Xasan Ciise Jaamac noqon doono dadka ugu horeeya ee nala shaqeeya.”

 

Ceerigaabo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Well done mujaheed xassan ciise jamac and musharax faisal cali xuseyn, and also good for reer baligubudle. Libaahe can u post the pictures there were pictures of the event.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this