Sign in to follow this  
RedSea

Banabax kadhacay Toronto.

Recommended Posts

RedSea   

Sorry folks the title of the thread should read 'banaanbax' and not 'bananbax'...lol

 

Thanks Castro, ufortunately the time to edit has elapsed..(:

Share this post


Link to post
Share on other sites

Banaanbax looga soo horjeeda xasuuqa Itoobiya ka wada Muqdisho oo ka dhacay magaalada Copenhagen

 

SL551654.JPG

 

k6.jpg

 

Waxaa maanta oo ay taariikhdu tahay 15/11/07 banaanbax ballaaran isugu soo baxay fagaaraha ka soo horjeeda safaarada Mareykankan ee Denmark , boqolaal Soomaaliyeed oo isugu jira dhalinyaro, Rag & Dumar-ba leh, Caruur & Haween, waxeyna dadkani ka banaanbaxayeen sida ay uga soo horjeedaan xusuuqa ay magaalada Muqdisho iyo guud ahaanba dalka Soomaaliya ka wadaan ciidamada Itoobiya oo cishooyinkii u danbeysay ku dilay Muqdisho dad rayid ah oo tiradooda ay ka badan tahay boqol qofood.

 

Banaanbaxayaasha ayaa watay sawiro & boorar ay ku sawiran yihiin tacadiyada ay wadanka Soomaaliya gaar ahaan magaalada Muqdishoka geysteen ciidamada Itoobiyaanka, waxeyna ku dhawaaqayeen hal ku dhigto lidi ku ah Itoobiyaanka, iyadoo ku qeylinayey Itoobiya ha ka baxdo dalkeena, Meles waa dambiile dagaal , & Soomaalidu ma aqbali doonto gumeysi. Maxamed Cabdulle Cariif oo ku magac dheer Carifsen oo ka mid ah dadkii ka qeybgalay Banaanbaxaasi ayaa sheegay in banaanbaxa maanta ay ku muujinayeen sida ay uga soo horjeedaan xusuuqa lagu hayo shacabka Soomaaliyeed guud ahaan gaar ahaana shacabka Muqdisho, waxuuna qoraal ku saabsan tacadiyada faraha badan ee ay regiimka tigreegu ka wadaan Soomaalia gacanta ka geliyay wakiil safaarada mareykanka ee dalka Denmark. Isagoo uu wakiilkuna sheegay in uu u gubdin doono dowladiisa qoraalkan.

 

"Waxaan ka damqaneynaa dhibaatooyinka ay Itoobiya ka wado dadkeena, waxaana adduunka ka codsaneynaa in wax laga qabto xusuuqa naxariis darrada ah ee ay geysanayaan Itoobiyaanka" sidaasna waxa yiri Aweys Sh. Yuunis.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Banaanbax looga soo horjeedo xasuuqa lagu hayo shacabka Soomaaliyeed oo ka dhacay Helsinki, Finland

 

Helsinki - Dad tiradooda kor u dhaafaysay 600 oo qof ayaa Jimcadii 16.11.2007 [Jimcadii] isugu soo baxay farasmagaalaha caasimada dalkan Finland ee Helsinki banaanbax weyn oo looga soo horjeedo xasuuqa bani�aadninimada ka baxsan ee ciidamada gumaysiga Itoobiya iyo kuwa Dowladda KMG ah ee la shaqeeya ay ka wadaan guud ahaan daka Soomaaliya, gaar ahaana magaalada Muqdisho.

 

Dadkaasi oo aad u xamaasadaysnaa ayaa sitay boorar waawayn ay ku qoran yihiin xasuuqa xun ee lagu hayo shacabka Somaaliyeed, iyo ereyo mujinaya in Itoobiya ay ciidameeda kala baxdo Soomaaliya, Maraykanka iyo Midowga Yurubna ay joojiyaan taageerada ay siiyaan dowlada KMG ah, maadama ay shacabkeeda u horseeday xasuuq iyo cadaalad daro, waa sida ay dadku ku hadaaqayeene.

 

Dadkaasi banaanbaxayay waxaa ay socod ka bilaabeen bartamaha magaalada, iyagoo tagay aqalka madaxweynaha Finland, xarunta midowga yurub iyo Baarlamaanka dalkan, waxaana meel kastoo ay tagaan loo gudbiyay waraaqo muujinaya waxa ay ku taamayaan ama la gudboon in jihooyinkaasi ay ka qabtaan xaaladda Soomaaliya.

 

Banaanbaxani waxaa soo qabanqaabiyay urur cusub o dhowaantan lagaga dhawaaqay Finland, kaasoo la magac baxay Ururka dib u dhiska Mustaqbalka Soomaaliyeed oo ka dhashay taageerda shacabku u hayaan ururka dib u xoranta iyo soo nooleynta Soomaaliya ee Asmara lagu aasaasay.

 

Ururkaan cusub ee Finland laga asaasay oo ay ku midoobeen qaar ka mid ah bulshada Soomaalyeed ee reer Finland ee taagersan ururka dib u xoraynta iyo soo nooleynta Soomaaliya ayaa ujeedooyinkiisa waxaa ka mid ah:

  • Ka qaybqaadashada xoraynta dalka
  • Soo nooleynta walaaltinimada dadka soomaaliyeed ee la kala dilay
Baabi'inta qabyaalada
Ka hortaga gobolaysiga iyo taageerista in la dhowro Soomaaliweynta
Mudaaharaadkaasi oo si wanaagsan u dhacay ayaa waxaa ay dadku ku dhawaaqayeen Bush ha dhaco, Meles ha dhaco. Waxaa ugu xiisa badnaa in dadku aanay soo hadalqaadin marnaba raga madaxda ka ah dowladda kmg ah ee la shaqaysa gumaysiga Ethopia, mar aan weydiiyay mid ka mid ah sababta ay ragaas ajnabiga u haystaan , kuwii Soomaaliyeedna ay u soo qaadi waayeen, ayaa hal mar dhowr qof oo aan is ogayn waxay ku jawaabeen isku eray ah : Kuwaasi qiimaba ma leh oo iyagu waa wakiilo fuliya wixii la soo faro, sidaas darted ayaanaan u soo hadalqaadin, mana istaahilan in la xusaba.

 

Ma ahan markii ugu horaysay ee Finland lagu dhigo banaanbax noocan oo kale ah, waxaa horaantii sanadkan ka dhacay banaanbax weyn oo looga so horjeedo dowladaha Maraykanka iyo Ithopia oo iyagu ka danbeeya dilka, xasuuqa iyo burburka Soomaaliya.

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this