Sign in to follow this  
MoonLight1

Alshabaab talk hard.

Recommended Posts

dibadda ee Beesha ****** inay ahaayeen matoorka ku dhaqaajiyay Sh. Axmed inuu weeraro Kismaayo

 

 

KN:Sheekh Cabdiqani Kabojecel oo Paltalk-ga muxaadaro ku qabtay asagoo ku sugan magaalada Kismaayo ayaa eedda dagaalkii Kismaayo ka dhacay dusha ka saaray Axmed Madoobe, Faarax Dawaare, Yuusuf Xaaji, dawladda Kenya, tan Shariifka iyo wadamo kale oo Maraykanku kamid yahay.

 

Sheekh Cabdiqani wuxuu sheegay in magaalada Kismaayo oo shareecada lagu dhaqayay 13-kii bilood ee ugu danbeeyay inay soo weerareen Caanoole iyo Kaambooni oo ku bahoobay sida uu hadalka u dhigay beesha Kablalax taasoo magaaladii ku celiysay fowdadii iyo fasahaadkii bari hore laga saaray.

 

 

Kabajecel wuxuu sheegay inay rag qaali ah ku waayeen sida uu hadalka u dhigay jihaadkii ay la galeen maleeshiyo beeleedka ****, uuna rajaynayo inay shahaadadooda helaan.

 

 

Beesha ***** ayuu u digay khaasatan Beesha ****** oo uu yidhi laf ahaantaydaa ku abtirsada, wuxuuna sheegay in hadii ay Kitaabka ay raaci waayaan oo Mujaahidiinta u gargaari waayaan ay cawaaqib xumo kala kulmi doonaan. Wuxuu yidhi wali waad nabdoontihiin oo tuulooyinkiina iyo magaalooyinkiinu way idiin dhaqanyihiin, xaqa ood u gargaartaan baa la idinku yaqaanay ee ogaada hadii aad Mujaahidiinta isku taagtaan in la idin abaalin doono sidii loo abaaliyay beelo badan oo idinka horeeyay.

 

 

Kabojecel wuxuu tusaale fiican u soo qaatay beelaha ay abaaliyeen Beesha ********* oo uu ku sheegay inay 70 ka dileen, in ka badan 100 ka dhaawaceen markay magaalada ka qabsanayeen, hadana beeshii ********* ay noqotay lafdhabarta Mujaahidiinta. Bare Hiiraale markuu dab ku guray wiilashoodii ayay fahmeen oo iska qabteen sidaana xaqa ugu gargaareen ayuu yidhi Sh. Cabdiqani.

 

 

****, **** iyo **** ayuu sidoo kale ku sheegay inay Mujaahidiintu abaaliyeen oo hadda xaqa garab taaganyihiin. Mar uu ka hadlayay jaaliyadaha dibadda ee beesha uu ka soo jeedo ayuu yidhi waan ogahay inaad la cag ku soo harqinaysaan Axmed Madoobe ee waxaan idin leeyahay lacagta aad digaagga iyo doofaarka ka soo shaqaynaysaan yayna noqon mid lagula dagaalamo Kitaabka Alle ee joojiya wiilashiinana ceshada, hadii kale waxaad maraysaan tubtii Beesha *********. Wuxuu yidhi ********* kama fiicnidin, kama geesisanidin bal ee ayagaa idinka fiican oo hal mawqif qaadan kara.

 

 

Kabojecel wuxuu ku dooday inay cadaymo u hayaan in Axmed Madoobe ay dabada ka soo riixeen Faarax Dawaare iyo Yuusuf Xaaji, kuna dheheen Kismaayo gacanta ku dhig oo maamul aan taakulayno halkaasi ka yagleel sidaasna uu Axmed weerar noogu soo qaaday asagoo hogaaminaya Beesha ****.

 

 

Wuxuu yidhi asagoon ****** waligii wax ku tarin Xasan Tukri ayaa markaan Bare Hiiraale magaalada ka caydhinay ay dheheen Sheekh Xasanoow boqol kun oo doolar ($100,000) ayaan kuu soo diraynaa ayaa maalinkii uu maamulka ku dhawaaqay ay dheheen waan kaala noqonay hadii aad nin ***** ah magaalada u dhiibtay, anigana jifadayda hoose ee **** intay ila soo hadleen bay i yidhaahdeen baabuur baan kuu gadaynaaye soo qiimayso, kadibna waxay i dheheen buu yidhi waan kaala noqonay mar hadii aad baydhay. Wuxuuna intaasi ku daray inuu hadda baabuurkiina ku socdo rag Mujaahidiin ah oo qabiil kasta lehna uu badhtanka ugu jiro.

 

 

Asagoo ka hadlaya dagaalkii Kismaayo ayuu yidhi Jihaadka waxaa ka qayb galay Mujaahidiin nooc kasta leh; kuwo Maraykan iyo Yurub ka yimid oo cadaan ah, kuwa Kenay ka yimid oo Jareer ah kuwo Bay kayimid iyo kuwo Shabeele kayimid kuwaasi oo jihaadka Kismaayo uga yimid gobollo fogfog iyo meelo durugsan.

 

 

Muxaadarada oo dheerayd ayaan intaasi idiinku soo koobaynaa nuxurka iyo dulicdii ay xanbaarsanayd.

 

kismaayonews.com

 

[ October 04, 2009, 11:44 PM: Message edited by: Miskiin-Macruuf-Aqiyaar ]

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Moonlight there is actually an audio of this Kabojaceel going around. Do you by anychance have it ?

This is a smack in the face of those that claim that Shabab is clean from tribalism.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by Juje:

This is a smack in the face of those that claim that Shabab is clean from tribalism.

This same man is from Ahmed Madoobe's clan and according to him all the Shabaab commanders who commanded the fight against Madoobe were from Ras Kambooni. Rather this is a smack in the face to those who claim Shabaab is not clean from tribalism.

 

In the audio he asks, what are Kambooni and Caanoole, who has ever heard of mucaskars made of single clans?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Gabbal:

This same man is from Ahmed Madoobe's clan. Rather this is a smack in the face to those who claim Shabaab is not clean from tribalism. [/QB]

The eradication of clannism, warlordism and injustice has begun. The process will take a long and arduous course and it will be subjected to a prolonged campaign of terror by those who prefer the status quo. But nevertheless the evolution of it is fully visible, and InshaAllah the ultimate objectives will be reached without a major derailment.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Juje   

Originally posted by Gabbal:

This same man is from Ahmed Madoobe's clan and according to him all the Shabaab commanders who commanded the fight against Madoobe were from Ras Kambooni.

:D

Are you serious sxb or is it you are smirking at the whole issue and find satisfaction in seeing Ras-Kamboni clique pushed around. Kabo-Jaceel is in the same category as the Gedo boys who were on the side of Shabab when Barre Hirale was running barefoot.

 

L-S

The eradication of clannism, warlordism and injustice has begun.

I fail to understand how you see this guys as new dimenssion or even as a better option. But then again maybe you have yet to comprehend the affects they have on the society.

They are new dimenssion , right, but not in the sense of eradicating all previous ills but rather adding more and complicated conflicts in the whole picture. They are far and the utter opposite of being labeled as a Solution.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Gabbal   

Originally posted by Juje:

Kabo-Jaceel is in the same category as the Gedo boys who were on the side of Shabab when Barre Hirale was running barefoot.

And you have just reiterated my point. Men willing to go after their own cannot be accused of tribalism.

Share this post


Link to post
Share on other sites
The Zack   

War degdeg ah: Degaal ka bilawday Guba-Kibir

 

KN:Warar hadda ku soo dhacay xafiiska warsidaha KismaayoNews ayaa sheegaya inuu dagaal ka qarxay Deegaanka Guba-Kibir oo u dhaxaysa Kismaayo iyo Janaa Cabdalla oo fadhiisin u ahayd ciidamadii Xizbul Islaam ee laba maalmood ka hor laga soo saaray magaalada Kismaayo.

 

Xabaddu way socotaa, wuxuuna dagaalku bilawday 5:30 galabnimo ee saacada geeska Afrika ilaa iyo haddana ma hayno wax tafaasiil ah oo intaasi dheer.

 

Xalay ayay ahayd markaan soo tabinay inay xoogagga Alshaab ku sii jeedaan oo kuluf ku bixiyeen fadhiisimaha ciidamadii Xizbul Islaam ee ay kaga adkaadeen dagaalkii Kismaayo.

 

Waxaan sidoo kale soo tabinay inay masuuliyiinta ugu saraysa labada Xarako ee Alshabaab iyo Xizbul Islaam ay isku afgarteen inaan labada qolo midna duulaan ku bixin midka kale, shaqaaqadana lagu xaliyo wada hadal.

 

Guba-Kibir Kismaayo waxay u jirtaa qiyaastii hilaada 30km, waxaana laga yaabaa in dagaalka uu ku fido illaa iyo Kismaayo xilli ciidamada Xisbul Islaam ay magaalada kaga wajahanyihiin 3 meelood

 

Dagaalka oo bilaw ah faahfaahintiisa iyo halka uu ku biyo shubto kala soco KismaayoNews.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Asagoo ka hadlaya dagaalkii Kismaayo ayuu yidhi Jihaadka waxaa ka qayb galay Mujaahidiin nooc kasta leh; kuwo Maraykan iyo Yurub ka yimid oo cadaan ah, kuwa Kenya ka yimid oo
Jareer
ah...

Jihaad xuu ka ogyahay jaahilkaan. Jaahiliinta kale ka imaadeen dalalkaas shisheeye iigu sii daran.

 

And did he really say 'jareer' mise kuwaan warkaan qoray afka u giliye?

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Libaax-Sankataabte:

quote:Originally posted by Gabbal:

This same man is from Ahmed Madoobe's clan. Rather this is a smack in the face to those who claim Shabaab is not clean from tribalism.

The eradication of clannism, warlordism and injustice has begun. The process will take a long and arduous course and it will be subjected to a prolonged campaign of terror by those who prefer the status quo. But nevertheless the evolution of it is fully visible, and InshaAllah the ultimate objectives will be reached without a major derailment. [/QB]
So you like the shift from tribalism to ideological one ..... but u have to keep in mind which one is easier to solve.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this