Sign in to follow this  
Naxar Nugaaleed

Haragysa idinma rabto ee waxaa ay rabaan dhulkiina Afqudhac in Xudun

Recommended Posts

Xasan Daahir”Soomaaliya 4.5 Ayaa Wax Loogu Qaybiyey ,Wax Idinka Jira Hargaysa Oo Danbe Ma Jiro

 

 

Jan 20, 2007 By:C/casiis Saleebaan AXmed

 

Xudun(Jidbaale);-Kulan Baladhan oo ay soo qaban qaabiyeen Maamulka Degmada Xuddun,ayna ka soo qayb galeen ,Isimo,Cuqaal, Wagarad,Ururada Bulshada iyo dadweyne Boqolaal gaadhaya, ayaa waxaa halkaasi ka hadlay madaxweyne xigeenka Puntland Xasan Daahir Max’ud.

Ugu horaytii waxaa shirkaasi ka hadlay maamulka degmada,Cuqaasha deegaanka qaarkood iyo xubno ka socday Ururada bulshada,kuwaasi oo ku dheeraaday sida ay ugu faraxsan yihiin imaantinka madaxwene ku xigeenka iyo waftigiisa,waxaana ay dhamaantood xuseen baahiya ka jira Degmada Xudun,sida Caafimaadka,Biyaha iwm

Garaad Saleebaan Garaad Max’ed oo isaguna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in Bulshada deegaanka looga baahan yahay iskaashi iyo mawqif midaysan,taasi oo u horseedi karta horumar,waxaanu garaadku maamulka ugu baaqay in ay bulshada kasbadaan waxqabad la taaban karan muujiyaan,balan qaadyadoodana ka dhabeeyaan.

 

Intaasi kadib waxaa hadalkii lagu soo dhaweeyey Madaxweyne ku xigeenka Puntland Xasan Daahir Max’uud,waxaanu madaxweynahu ka hadlay ujeedada safarkooda,isagoo sheegay in ay degmada u yimaadeen sidii ay u indha-indhayn lahaayeen xaalada degmada.

 

Wuxuu madaxweyne ku xigeenku sidoo kale ka hadlay Ciidamadii maamulka la baxay Soomaaliland ee deegaanka soo galay,waxaanu sheegay in ujeedaddoodu ahayd in ay ka hor istaagaan degmada Mashaariicda sanadka loo qoondeeyey,waxaanu intaas ku daray madaxweynahu in 16kii sano wixii ay bulshada SSC ka cunayeen laga soo wareejiyey oo uu isagu gacanta ku hayo.

Madaxweyne Xasan Daahir isagoo arimahaasi ka hadlayana waxaa uu yidhi”waxaan ka mid ahaa masuuliyiintii Puntland uga qayb galay dhismihii Dawlada Federaalka,waxaana Soomaaliya loo qaybiyey 4.5 qabiil waliba meeshiisa ayaa deeqaha caalamiga ah loo soo mariyanaa,waxaan markaa u sheegayaa qolyaha Hargaysa u sii yaacaya,wixiinii maanta laga bilaabo anaa haya,Haragysa idinma rabto ee waxaa ay rabaan dhulkiina,xilli kala guur ah ayaa lagu jiraa ee dhulkiina ilaashada”

Madaxweyne ku xigeenku waxaa kale oo uu ka hadlay Mashaariicda sanadkan Degmada Xuddun Loo Qoondeeyey,waxaase uu xusay in haddii aan Golaha deegaanka lagu heshiin lana dhisin in aanay Hay’adduhu wax mashaariic ah fulin doonin,waxaanu bulshada deegaanka ugu baaqay in ay maanta liisaskooda soo gudbiyaan ,si loo dhiso Golaha deegaanka ee Degmada Xuddun.

Madaxweyne ku xigeenka ayaa waxaa uu maanta galinka danbe si gooni gooni ula kala shirayaa Cuqaasha iyo Odayaasha Beelaha Degmada Xudun,si layskula meel dhigo,dhisida Golaha deegaanka ee Degmada Xuddun oo in badan is marin waa ka jiray.

C/casiis Saleebaan Axmed

Xudun G/Sool

Jidbaale.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

From Widhwidh.com

Wararkii Ugu Danbeeyay Ee Degmada Xudun

 

(Degmada Xudun}20.1-07

Madaxweyne Ku xigeenka Puntland Xasan Daahir Maxamuud oo meel fagaare ah kala hadlay dadka Reer Xudun ayaa khudbadiisii goor dhoweyd soo geba gebeeyay.....................................

 

waftigii madaxweyne ku xigeenka puntland ee labadii maalmood aanu kasoo gudubnay ku sug naa degmada xudun ee gobolka sool ayaa maanta fagaaraha dugsiga hoose dhexe ee degmada xudun waxay kula hadleen boqolaal dad ah oo katirsan qaybaha bulshada .

 

ugu horeynba waxaa halkaasi ka hadlay qaar katirsan wax garadka degmada waxayna sheegen in baahiyaha ay qabaan iyo sida ay u baahan yihiinba in maamulka uu wax ka qabto .

 

sidoo kale waxaa halkaas ka hadlay gudoomiyaha gobolka sool ibraahim jaamac daad oo isagu sheegay in ay ku farax sanyihiin imaatinka waftiga madaxweynaha wuxuuna sheegay in dadka reer xudun ay u tafa xaytaan sidii ay ula shaqayn lahaayeen waftiga.

 

sidoo kale waxaa halkaasi garab fadhiyay madaxweyne ku xigeenka Garaad Saleebaan Garaad Maxamed oo isaguna dad weynihii halkasi isugu soo baxay lahadlay wuxuuna ku dheeraaday arimaha amaanka iyo nabad galyada deegaanka isagoo soo jeediyay in maamulka si wada jir ah loola shaqeeeyo.

 

Madaxweyne ku xigeenka maamul goboleedka puntland xasan daahir afqurac ayaa ugu danbayntii khudbad dheer oo dhinacyo badan taabanaysa uusoo jeediyay wuxuuna ku dheeraaday sidii gole deegaan oo midaysan loo samaysan lahaa wuxuuna balan qaaday xasan daahir xagiisa lacago kabadan 15,000 shaniyo tobankun oo daalar oo uu wax ugu qabanayo dugsiyada xudun.

 

sidoo kale wuxuu yidhi madaxweynuhu" Xudun waa magaaladaydii waxaan ka codsanayaa dadkeeda inay wax qabsadaan anana aanu gacan qabano"

 

xasan daahir afqurac waxaa kale oo uu balan qaaday in uu udhisi doono degmada ceel isla markaana guud ahaan degmada uu galin doono biyo nadiif ah wuuxna sheegay in haatanba ay la socdaan Ijnireedadii hawshaas qaban lahaa durbadiibana lagu dhaqaaqi doono.

 

isku wada soo duuduboo xasan daahir afqurac ayaa markii ugu horaysay wax qabad intaas le'eg usoo ban dhigay dadka deegaanka SSC gaar ahaan degmada uu kasoo jeedo ee xudun waxaadna moodaa in haatan uu madaxweynuhu sigaara ugu soojeestay wax qabadka degmada xudun halka ay jiraan deegaamo badan oo aan lahayn wax iskuulad iyo agab wax barasho toona.

 

Liibaan Maxamed Nuur Jordan

 

Degmada Xudun

Share this post


Link to post
Share on other sites

for reasons that are not clear to me, out of the four districts of Sool, somaliland has set its sight on Xudun. Puntland has focused on las Anod. its speaks a lot about rer xudun wadaninemo that they have resisted Somaliland this long despite President Abdullahi and Xashi negligence. It seemed for a moment that president Cade and VP Afqudhac would repeat that but its very good to finally see the admiistration being more involved with that district.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Indeed, it was a mistake not to take these districts security seriously. I think its ahigh time more troops are recruited and trained from the local areas so they can secure every inch of SOOL, SANAG & CAYN.

Share this post


Link to post
Share on other sites
AYOUB   

^^ Why not call the Ethios to secure it for you?

xilli kala guur ah ayaa lagu jiraa

Whatever that means smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
RedSea   

"Nothing In Hargeysa for anyone"? by Duke.

 

You sure about that....how bout Addis?

 

NN, sure yeah "wadanimo".Afqudhac was there to recruit young men, later to put them on harms' way in Muqdisho along side the Xabashis,but big up to reer Xudun,they refused to allow it,stating they werent' daba dhilifs.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Lake   

Originally posted by AYOUB_SHEIKH:

[QB] ^^ Why not call the Ethios to secure it for you?

Double post

Share this post


Link to post
Share on other sites
Lake   

Originally posted by Tone:

quote:Originally posted by AYOUB_SHEIKH:

[QB] ^^ Why not call the Ethios to secure it for you?

Well said....

 

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this