Sign in to follow this  
Sophist

Waraysi Aanu La yeelanay Garaad C/salaan Xasan Max'med

Recommended Posts

Sophist   

Waraysi Aanu La yeelanay Garaad C/salaan Xasan Max'med

 

Laascaanood(RadioLascaanod)28-1-04(Arbaca):- Waxaanu waraysi la yeelanay Garaad C/salaan Xasan Maxmed, oo kamid ah Isimada Gobolada Sool, Sanaag iyo Cayn, warasigan oo dhinacyo badan taabanaya wuxuu u dhacay sida tan.

 

 

 

RadioLascaanod:-Garaad waxaad nooga warantaa, xaalada guud ee deegaanka sida aad idinku hada u aragtaan, siiba arimaha taagan hadeer?.

 

Garaad C/salaan:- waxaanu u aragnaa in ay jiraan xaalado colaadeed oo abaabulan, una baahan in la nabadeeyo, hadii nabadu shaqaynweydana , la is difaaco oo dalka iyo dadkaba la ilaashado.

 

RadioLascaanod:- Garaad Taas macnaheedu ma malayshiyada Somaliland ee hada deegaanka ku sugani, hanaga baxaan baa.?

 

Garaad C/salaan:- Haa, waa in ay naga baxaan Ciidamada Somaliland ka yimi , oo hada gudaha deegaanka ku jira in gaadhaysa 100km;Yagoori

 

RadioLascaanod:- Dhawaan waxay Isimada Gobolka qaarkood soo saareen Bayaan ay ku muujinayaan mawqifkooda ku aadan ciidamada Somaliland, waxayna sheegeen in uu maamulka Somaliland dusha u ridan doono wixii halkaasi ka dhacay, ma iskummawqif ayaad arrintaas ka tihiin.?

 

Garaad C/salaan:- Haa , waan ku raacsanahay Mawqifkaas ay Isimadu soo saareen, waxaana ugu baaqayaa Ciiidamada Somaliland in ay dhagaha u furaan baaqaasi oo ay ka baxaan dalka.

 

RadioLascaanod:-Wax Xidhiidh ah , mala yeelateen ,Salaadiinta Gobolada Waqooyi?Hadiise aad Xidhiidh yeelateen maxaad ka wada hadasheen?.

 

Garaad C/salaan:- Haa , waxaanu xidhiidh joogta ah lahayn Boqor Cismaan Maxmud (Buurmadow) iyo Salaadiin kale ,waxaanuna kawada hadli jirnay Ciidamadaas iyo dadka ehelka ahi sidii aysan isugu dhici lahayn, isla markaana colaad riiq dheer ugu fidin dadka deegaan wadaagta ah.

 

Radio Lascaanod:- Ma kala hadasheen sidii Ciidamada Maleeshiyada Somalind looga qaadi lahaa deegaanka?.

 

Garaad C/salaan:-Wallaahay annagu waxaanu nahay Hogaamiye dhaqameedyo, waxaanuna kawada hadalay sidii loo xoojin lahaa nabada, iyo wada noolaanshaha dadka walaalaha ah.

 

RadioLascaanod:-Boqor Buurmadow oo aad wada xidhiidhi jirteen, hadda xabsiguu ku jiraa, taas mala odhan karaa waxay ka turjumaysaa, in Maamulka la macagbaxay Somaliland aanu nabada diiyaar u ahayn?.

 

Garaad C/salaan:- Wallaahay Boqorka Si gaar ah ayaanu u wada xidhiidhi jirnay, isla markaasna nabada uga wada shaqayn jirnay, waana ka xumahay xadhigiisa , dadkuna hadeer maba jecla qofkii nabada ka shaqaynaya, maamulka Somaliland waxaad moodaa in aanu gacan ku siinayn cidii nabada ka shaqaynaysa, waxaana ugu baaqayaa maamulkaasi in Boqorka sida ugu dhaqsaha badan , loo sii daayo ,looguna soo celiyo sharaftiisii iyo maamuuskuu ku lahaa ummadda dhexdeeda, iyadoo lawada ogsoon yahay sidii qiimaha lahayd ee uu uga soo qayb qaatay nabadayntii Maamul goboleedka Puntland.

 

RadioLascaanod:- Hadda Ciidamada Maleeshiyada Somaliland ee ku sugan Yagoori maxaad u soo jeedin lahayd.?.

 

Garaad C/salaan:- waxaan u soo jeedin lahaa , sida lawada ogsoon yahay dalka Soomaaliya wuu bur buray, wuxuuna ukala Dhaqaaqay ,qabiil qabiil,soohdimihiisuna waa soohdimo beeleed,sidaas daraadeed waa in ay ku noqdaan soohdimihii u dhaxayn jiray beelaha walaalaha ah, ee daris wadaaga ah.

 

RadioLascaanod:- Sidee u aragtaan Hawlaha uu Maamul Goboleedka Puntland hadda ka wado Gobolka gaar ahaan guryaha ay baneeyeen iyo hawlha ay ciidanku boolisku ka wadaan deegaanka?.

 

Garaad C/salaan :- Si fiican ayaanu u soo dhaweynaynaa, lamana qarin karo hawlaha wanaagsan ee ay hada ka wadaan deegaanka ,waxayna soo celiyeen maamulkii , nabadgelyadii kala danbayntii iyo nidaamkii dawladeed oo dhan, waxa dhibaato oo ka dhacday deegaanka ma jiraan intii ay joogeen ciidamadu, taasina waxay cadaynaysaa oo ay ku tusaysaa sida ay dadweynuhu u taageersann yihiin , hawlaha ay ka wadaan gobollada.

 

RadioLascaanod:- Maxaad u soo jeedin lahayd dadka deegaanka u dhashay , gudo iyo dibadba?.

 

Garaad C/salaan:-Waxaan ugu baaqayaa in ay nabada Culayska saaraan sidii loo ilaalin lahaa, lana dhawro daris wanaaga , hadii la waayana lays difaaco.

 

Radio Lascaanod.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this