Sign in to follow this  
BiLaaL

Golaha Maxaakimta Islaamiga Soomaaliyeed oo soo saaray Bayaan dhiiragelin ah

Recommended Posts

BiLaaL   

BAAQA GOLAHA MAXKAMADAHA ISLAAMKA

 

MAWAAQIFTA GOLAHA IYO TALO SOO JEEDIN

 

Sanca,26,February-07 ( Qaadisiya.com)
Mahad ballaaran Allaah ayey u sugnaatey nabadgalyo iyo naxariisna rasuulkeennii muxammad dushiisa ha ahaato iyo aalkiisii iyo asxaabtiisii dhammaan.

 

Intaas ka dib, waxaanu aaminsanahey in soo ifbixii maxkamadaha Islaamiga ay aheyd deeq uu Allaah u hibeeyey shacabka Soomaaliyeed, taasoo soo nooleysey rajadiisii, loogana soo kabsadey dhibaatooyinkii dagaaladii sokeeye iyo barakicii , ayna caddaatey in laga gudbi karo mashaakilaadka gudaha , ayna ku qanceen Soomaalidu in ayagoon cidna kaashan ay awoodi karaan in ay dhibkooda xalistaan, hormarna ay ku tallaabsanayaan haddii ay helaan hogaan hagaagsan, niyadana la wanaajiyo, kalimadana allana kor laga yeelo, arinkaanoo ah kan cadowga sida dhabta ah u qalqaliyey kuna dedejiyey iney ku soo qaadaan duulaankooda qaawan ee gardarada ah. Hadaba maraxalladan taariikiga ah waxaa sharaf weyn ah inoo ah Islaanimada ka dib, inaan u nasab sheegano shacbiga Soomaaliyeed ee wanaagga badan kaasoo muujiyey biseyl iyo geesinimo qaabka uu ula tacaamulayo dhacdooyink.

 

Waxaan kalimadeena ku soo koobeynaa sidan soo socota:

 

1. Waxaan shacabka Soomaaliyeed la qeybsaneynaa xanuunka iyo dhibaatooyinka ka soo gaaraya cadowga qabsadey dhulkeena.

 

2. Waxaan tacsi u direynaa qoysaska shuhadda iyo dhibanayaasha ay waxyeelada ka soo gaartey cadowga Itoobiya ee soo duuley.

 

3. Waxaan ammaan aan la soo koobi Karin u soo gudbineynaa shacabkeena qeybihiisa kala duwan beelihiisa iyo qabaa’ilkiisa , waxaan u soo gudbineynaa mahad weyn sida ay nafta ugu hureen meel marinta dadaaladii Maxakamadaha Islaamiga ee lagu soo celinayey nabadgalyada iyo kala danbeynta , waxaanu si cad u qireynaa in guushii camalka islaamiga ah ay gundhig u ahaayeen - Alle fadligiisa ka dib – taageeradii shacabkeena muslimka ah ay siiyeen.

 

4. Sida aan ka dheehaney intii aan ku jirney hawlaha Maxkamadaha tilmaamaha wanaagsan ee shacabkena Soomaaliyeed uu leeyahey sida inuu diyaar u yahey naf-hurid iyo rabitaankiisa nabadgalyada iyo kala danbeynta, jaceylka uu u hayo diintiisa iyo dalkiisa, iyo naceybka uu u qabo kala qoqobka, barakaca, iyo qabyaaladda,
waxaan aragnaa in ay waajib tahey in uu sii jiro Golaha Maxakamadaha islaamiga lana sii wado u adeegga bulshadeena illaa dalka laga bixinayo marxaladdan qalafsan ee uu ku jiro
.

 

 

5. Anagoo ka faa’ideysaneyna waaya-aragnimadii aan ka kasbaney qaar ka mid hawlaheenii hore iyo aqoonta aan u leenahey xumaanta iyo dhibka ka dhalan kara dagaal sokeeye , waxaan ka digeynaa fitno gudaha shacabkeena ka qaraxda, waxaana ugu yeereynaa dadkoo dhan iney hubkooda ku jeediyaan cadowga ku soo duuley dalka, ee aysan isku jeedin, anagoo sidoo kale ugu yeereyna iney la yimaadaan feejignaan qoto dheer, oo lagu fiirinayo xajmiga uu leeyahey shirqoolka uu cadowgu maleegayo.

 

6. waxaan caddeynaynaa inaan diyaar u nahey wadahadal iyo wax kasta oo keenaya in dalka looga saaro godka mugdiga ah ee uu galey amaba la galiyey.

 

7. waxaan ku baraarujineynaa xukuumadda in albaabada tawbad keenku ay furan yihiin ilaa qiyaamaha, sidaas awgeed waxaa loogu baaqayaa in ay ka fiirsato oo ay saxdo hab-dhaqankeeda xun , ayna ahaato mid ka shaqeysa waxa shacabku ka sugaayo oo ah Xornimo, Midnimo , ilaalinta Jiritaankooda, iyo ka fogaashaha u adeegidda cadowga, ha na ogaato in karaamada madaxtimidu ay ku xiran tahey karaamada muwaadinka, iyo sidoo kale in kursiga xukunka oo la sii heystaana ay ku xiran tahey alle fadligiis ka dib in shacabku uu raalli kaa yahey.

 

8. Maraxaladan isbedelka ah ee qalafsan waxaan halkaan uga mahadcelineynaa shacabkeena noogu deeqey kalsoonidiisa, dhiiggiisa, iyo maalkiisa si ay u guuleystaan dadaaladeenii, waxaana si adag uga cudur daareyneynaa dhaliiliheenii ka yimid afraad ama Gole ahaanba , si looga fogaado iney dib u soo noqdaana waxaan aragnaa
ballaarinta ka qeybgalka arimaha siyaasadda dalka lagu gorfeynayo, ayadoo laga qeybgalinayo qeybha bulshada oo idil gaar ahaan aqoonyahanka, waaya-aragga, Hogaamiyaasha dhaqanka, Xubnaha bulshada rayidka, iyo hogaamiyaasha mu’asasaatka adeegga bulshada
.

 

 

Waxaan ku soo koobeynaa dardaaranka ku aadan Shacabka Soomaaliyeed qodobada soo socda:

 

1. Alle in laga cabsado, hawlahana si ikhlaas ah loo qabto, lana adkeysto, hawlaha la qabanayana la sugo, is-maqal iyo is-adaacna lala yimaado, iyo in laga dheeraado khilaafaadka.

 

2. Ilaalinta midnimada, isku xirnaanta, isu-gargaaridda, is-cafinta, isjeclaanta iyo adkeynta walaaltimada Islaamka.

 

3. Ka fogaashaha qabyaaladda, iyo kuwa dadka ugu yeeraya dabadhilifnimada iyo shisheeye kalkaalka.

 

4. Isu-uur fiyoobaanshaha iyo isku xirnaanta dhammaan qeybaha bulshada iyo in hawlaha loo kala hormariyo sida ay u kala mudan yihiin iyo ka qeybgalka hawlaha wanaagsan ee socda.

 

5. Qiimeynta marxaladda la marayo iyo waxyaalaha ay u baahan tahey.

 

6. In la garto in cadwoga dalka qabsadey uu mar un bixi doono, sidaas awgeed in iskaashi loo muujiyana ay tahye danbi weyn iyo ceeb foolka uga taalla cid kasta oo gacan u fidisa, hawlaha iska-caabinta (muqaawamada) waa arin Alle loogu dhowaanayo, sharaf ay helayso cid kasta oo ka qeybgasha, iyo taariikh uu uga tagayo jiilalka ka danbeeya.

 

7. Waa in mudnaanta koowaad la siiyaa iska caabinta fiyow ee lagala hor imaanayo cadowga.

 

8. Mideynta aragtida iyo mawaaqifta ku aadan cadwoga dalka qabsadey, waayo qabsashada dalka cid, qabiil iyo beel ay dani ugu jrto ma jiraan waana dhib dadkoo dhan taabanaya.

 

9. Waa in hiil iyo hooba lagu bixiyaa sidii dalka lagu xoreyn lahaa, dadkoo dhamina ha ogaadaan in masiirkoodu isku mid yahey.

 

10. Waxaan adkeynaynaa in ay xaaran tahey dhiiga Muslimku, maalkiisa iyo sharafkiisa in lagu xadgudbo, waana in laga fogaadaa dagaal hoosaad shacabkeena ka dhex dhaca.

 

Allaa weyn, guushuna waxey u danbeyn doontaa kuwa la dulmey
.

 

Golaha Maxkamadaha Islaamka

Sanca – Yemen

25/02/07

Share this post


Link to post
Share on other sites

I think the so called 'somali mujahideens' should be very careful in their tactics, especially the jihadist founded ones. I'm thinking of the opening of the following Hadith which brings to mind how some 'mujahids' might end up, looking at how violent acts towards both foreign, governmental and civil people are encouraged;

 

Hadith Qudsi 6:

 

On the authority of Abu Hurayrah (may Allah be pleased with him), who said: I heard the Messenger of Allah (PBUH) say: The first of people against whom judgment will be pronounced on the Day of Resurrection will be a man who died a martyr. He will be brought and Allah will make known to him His favours and he will recognize them. [ The Almighty] will say: And what did you do about them? He will say: I fought for you until I died a martyr. He will say: You have lied - you did but fight that it might be said [of you]: He is courageous. And so it was said. Then he will be ordered to be dragged along on his face until he is cast into Hell-fire.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by TheSomaliEconomist:

I think the so called 'somali mujahideens' should be very careful in their tactics, especially the jihadist founded ones. I'm thinking of the opening of the following Hadith which brings to mind how some 'mujahids' might end up, looking at how violent acts towards both foreign, governmental and civil people are encouraged;

 

Hadith Qudsi 6:

 

On the authority of Abu Hurayrah (may Allah be pleased with him), who said: I heard the Messenger of Allah (PBUH) say: The first of people against whom judgment will be pronounced on the Day of Resurrection will be a man who died a martyr. He will be brought and Allah will make known to him His favours and he will recognize them. [ The Almighty] will say: And what did you do about them? He will say: I fought for you until I died a martyr. He will say: You have lied - you did but fight that it might be said [of you]: He is courageous. And so it was said. Then he will be ordered to be dragged along on his face until he is cast into Hell-fire.

The hadith is about the sincerity of martyrdom. It's about a distinct type of martyrs; those who fight to die a martyr so that people would say he was courageous. As long as your martyrdom is for the cause of Allah, then you're fine.

 

The hadith is about martyrs and the sincerity of martyrdom, but you're talking about mujahideens, jihadists and tactics. If what you're telling Somali mujahideens and jihadists is to fight the occupiers and collaborators for the cause of Allah, not because of fame-- then, your point is well taken. If, however, you're trying with this hadith to convince Somali mujahideens and jihadists not to fight the occupiers and collaborators-- then, you have failed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

These guys they have to figure who their enemies are, locate them and face them directly,,, what is his clear here is that any1 who causes the death and destruction of innocent pple will end up in HELL. And insha allah they wont see the mercy of Allah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by Garaad:

,,, what is his clear here is that any1 who causes the death and destruction of innocent pple will end up in HELL. And insha allah they wont see the mercy of Allah

Correction; anyone who "intentionally" causes the death and destruction of innocent people.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this