Sign in to follow this  
General Duke

Hargaysa states it will hunt down Attam militias on the run...

Recommended Posts

SL soo dhaweysay hadalkii Farole

6 Nov 6, 2010 - 6:47:38 AM

 

Wasiirka Gaashaandhiga ee maamulka Somaliland Md Axmed Xaaji Cali Cadami ayaa soo dhaweeyay baaqi Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxmaan Sh. Maxamed Faroole ee ku aadanaa in la iska kaashado wixii labada dhinac amni-xumo ka dhex abuuraaya iyo in Somaliland ay gacan weyn ay ka gaystaan soo qabashada hogaamiyaha hubaysan Max'ed Siciid Attam oo ku dhuumanaaya buuraha dhaadheer ee Gobolka Sanaag ka dib markii laga soo caydhiyay buuraha Galgala ee xiga dhanka Boosaaso oo uu ku dhuuman jiray.

 

Hadaba shir jaraa'id oo uu ku qabtay Magaalada Burco Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Mr Cadami iyo waxa uu ka ogyahay in kooxda Mr Attam ay soo galeen Somaliland waxa uu yidhi:

 

"Waanu oganahay in [kooxdii Attam] laga gacan sareeyey oo xidhiidh baanu ka lahayn dhinaca maamulka [Puntland], anaga laftayadu taxadar kayagaanu qabanay firxadkana waanu malaynaynay, dhinaac galbeed ama bari ayey u soo fakan lahaayeen firxadkaa oo waa laga sii gaashaantay," ayuu yidhi Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Mr Cadami oo jooga magaalada Burco.

 

Asagoo hadalkiisa sii wata wuxuu yidhi: "D alku [somaliland] waa balaadhan yahay oo meel walba askari ma joogo oo ma taagna, markaa dadkaa soo fakaday way dhici kartaa inay meelaha qaar ku dhuumalaysanayaan ama buurihiiba ku sii jiraan sida Madaxwaynuhuba [Farole] sheegay, laakin waxaa xaqiiqo ah anagu markii arrintaa la sheegayba talaabo talaabo ayaanu ula socnay ilaa Ceerigabo iyo Laascaanood badhitaan habeenimaa la sameeyey intaanan anagu waftigan u bixin waxaa la baadhay guri-guriba, waxa laga baadhayeyna waxay ahayd in dad dhaawaca oo meesha la keenay ay jiraan ama dadkii hubaysnaa oo la yidhi qoladaas ayaa jariimadii dhabarka ku sidata oo halkaa ku sugan jiraan."

 

Wasiirka Gaashaandhiga Somaliland Md Cadami oo la weydiiyay su'aal ah in ay xidhiidh fiican la yeelan doonaan Maamulka Puntland waxa uu yidhi:

 

"Walaahi Madaxwaynahayagu [silaanyo] waxa uu ku dhawaaqay markii Dowladda cusub la dhisay in dhamaanba Dowladaha dariska ah inaanu xidhiidh dhow la yeelan doono Puntland way ku jirtaa xidhiidh fiicana waanu rabnaa in aanu la yeelano," ayuu ku soo gabo gabeeyey hadalkiisa Md. Axmed Xaaji Cali Cadami oo ah Wasiirka cusub ee Gaashaandhiga ee dowladda Somaliland hormuudka ka yahay Madaxweyne Axmed Max'ed Siilaanyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this