Sign in to follow this  
Liibaan

Jaaliyadda S/land ee Minnesota oo ku Baaqday in ciidanku la Wareegaan talada dalka

Recommended Posts

Liibaan   

BAAQ KU SOCDA SARAAKIISHA QAYBAHA KALA DUWAN EE CIIDANKA SOMALILAND

 

Minnasota ( Sooyaalnews ) 12/09/09 :- Aniga oo ah Gudoomiyaha Jaaliyadda S/land ee Minnesota kuna hadlaya magaca Gudida fulinta iyo ka Jaaliyadda labada , Waxaan ugu baaqayaa Dhamaan saraakiisha iyo ciidanka qaranka oo ay kow ka yihiin masuuliyiinta hoos ku qoran in aan loo adeegsan shacabka S/land , Ciidanku waa ciidan qaran waxaad ilaalisaan dalka iyo dadka , waa inaad fahantaan inaad tihiin ciidankii qaranka ee aydana ahayn Ciidan qof iyo mid qabiiltoona.

 

 

Waxaan idiinku baaqayaa in aad dalka iyo dadka badbaadisaan lana wareegtaan waajibaadka aad xaqa u leedihiin kana samatabixiaan dalka duruufaha qalafsan ee soo wajahay iyo colaadaha siyaasadeed ee uu hogaaminayo Kelidii Taliye Dahir Riyaale iyo Wasiirkiisa arimaha guduhu.

 

 

Baaqani wuxuu si toos ugu socdaa Taliyaha Ciidanka Qaranka Nuux Taani, Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Mudane Dhabdhable , Taliyaha Ciidanka Jiida hore Mudane Dhancade iyo dhamaan saraakiisha ciidanka qaranka.

 

 

Karaamada , sharafta , jiritaanka iyo badbaadadinta dimoqradiyada S/land waxaa waajibkeeda koobaad saaran yahay waa idinka , Sharaftiina iyo karaamadiinuna waxay ku jirtaa sida aad u gudataan masuuliyaadkiina idinaka oo aan cidna uga haybaysanayn shacabkiinuna wuxuu idinku ixtiraami doonaa kolba sida aad u gudataan waajibaadkiina qaran sidaa aawadeed waxaan mar labaad , sadexaad iyo afraadba diiinku baaqayaa inaad sida ugu dhakhso badan u gudataan waajibaadkiina ulana wareegtaan masuuliyada dalka iyo awooda qaranka isla markaana aad qabataan doorasho xor ah ..

 

Mar labaad wuxuu baaqani si toos ah ugu socdaa dhamaan masuuliyiinta ciidanka qaranka oo ay hurmood ka yihiin masuuliyiintani:-

 

 

Taliyaha Ciidanka Qaranka Mundane Nuux Taani

 

Abaanduulaha Ciidanka Qaranka Mudane Dhabdhable

 

Hawl gelinta Ciidanka Qaranka Mudane Shiine ******

 

Hogaanka Madaafiicda Qaranka Mudane Yusuf

 

Hogaanka Baaqyada Mudane Husein Osman

 

Hogaanka Gaadiidka Ciidanka Mudane Abdi Abdilahi

 

Hogaanka isgaadhsiinta Mudane Ahmed Karaaciin

 

Hogaanka Tawaangida Mudan Cabdi Odowaa

 

Taliyaha Qarbta 31 aad Mudane Indha Balac

 

Abaanduulka 31aad Mudane Xasan Caqli

 

Hawl gelinta 31aad Mudane Ismacil Dable

 

Taliyaha Guutada 1aad Mudane Guled Gabaarey

 

Taliyaha Guutada 2aad Mudane Ahmed Dahir Dudub

 

Taliyaha Guutada 17aad Mudane M. Iman Geele

 

Taliyaha Guutada 18aad Mudane Gahayr

 

Taliyaha Guutada 24aad Mudane Ahmed Indhayare

 

Taliyaha Guutada 26aad Mudane M.M Shulaac

 

Taliyaha Guutada 99aad Mudane Nasir M. Omar

 

Taliyaha Guutada 114aad M. M. Qalinle

 

 

Taliyaha Qaybta 12aad Mudane AFQurux( Af-DH)

 

Abaanduulka Qaybta 12aad Mudane Deeq Afcad

 

Hawl gelinta Qaybta 12aad Mudane Sardheeye

 

Taliyaha Guutada 8aad Mudane Mahad Abdi Egeh

 

Taliyaha Guutada 9aad Mudane Ahmed Aar

 

Taliyaha Koofiyad Casta Mudane Faysal Abdi Bootaan

 

Taliyaha Tawaangida Mudane Ahmed Hurre Haariye

 

Taliyaha Guutada Madaafiicda Mudane Ciise Liba

 

 

Special Forces

 

 

Taliyaha Koofiyad Casta Ahmed Ali

 

Taliyaha Guutada Tawaangida Mudane Ali Jaakuli

 

Taliyaha Guutada 12aad A. A. Qaasaali

 

Taliyaha Guutada 6aad Mudane Xaashi Dheere

 

Taliyaha Guutada keydka Mudane Cabdi Cali

 

Taliyaha Guutada Gurmadka Mudane Abiib

 

 

Baaqani wuxuu ku socdaa askari kasta , masuul kasta iyo nin kasta oo maanta dalka iyo dadka u haya masuuliyad Qaran hana ogaadaan in dalkii meel xun marayo iyo in aan loo adeegsan dadkooda oo aan dhiig faraha loo gelin aan masuuliyadiisa aakhiyo iyo aduun midna lala wadaagayn

 

 

Saeed Suleiman

 

Gudoomiyaha Jaaliyadda S/land

 

Minnesota

 

 

Saeed Suleiaman

Minnesota

Share this post


Link to post
Share on other sites

see when i told you they are all hallucinating, i wasn't wrong.

 

since 4 travellers who happened just to be a certain clan have been slaughtered

with the blessing of then Taliyaha Ciidanka Qaranka Mundane Nuux Taani.

 

The geezer gacan ku dhiglay (Nuux Taani) have lost his job!

 

but then how will they know reality cause fantasy is name of the game in my neighbourd marfash

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this