Sign in to follow this  
Emperor

President Yusuf leave office and flied to peacefully retire in Garowe

Recommended Posts

Emperor   

C/laahi Yuusuf oo ku dhawaaqey in uu xilkii Madaxweyninimo iska casiley

Monday, December 29th, 2008 at 9:17 am

Cali Ilyaas

 

Horseed Media

 

Baydhabo

 

Madaxweyne C/laahi Yuusuf Axmed ayaa iska casilay xilkii uu hayay ee madaxtinimada dalka Soomaaliya.

 

 

Isagoo maanta ka qeybgalay fadhigii baarlamaanka ayuu C/laahi Yuusuf Axmed sheegay inuu iska casilay xilka.

 

 

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf wuxuu u ambabaxay dhinaca garoonka Baydhabo oo ay u fadhiday diyaarad diyaaradan ayaa u soo qadeysa Magaalada Garoowe.

 

 

Khudbad ku aadaneyd iscasilaadiisa waxa uu ku sheegay in la afduubay hannaankii dib u heshiisiinta, beesha caalamka oo laga waayay taageeradii looga baahnaa, ciidamadii qaranka oo goostay ka dib markii loo waayay gunno la siiyo iyo wax ay cunaan.

 

 

Haddaba iscasilaadiisa waxay timid xili aad u adag oo ammaan darrida ka taagan Baydhabo ay gaartay halkii ugu xumeyd.

 

Waxaa iminka u baxay Dhanka Garoonka Diyaaradaha Madaxweyne Cadde oo soo dhaweynaya Madaxweynihii Hore ee Soomaaliya Cabdullaahi Yusuf

 

 

Faah faahinta naga dhowr

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   
Khudbad ku aadaneyd iscasilaadiisa waxa uu ku sheegay in la afduubay hannaankii dib u heshiisiinta, beesha caalamka oo laga waayay taageeradii looga baahnaa, ciidamadii qaranka oo goostay ka dib markii loo waayay gunno la siiyo iyo wax ay cunaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Madaxweyne Yuusuf oo maanta hortegaya baarlamaanka & Garoowe oo laga sugaayo

Monday, December 29th, 2008 at 8:11 am

Horseed Media

 

Baydhabo

 

 

Madaxweynaha dowladda kmg ah ee Soomaaliya C/laahi Yuusuf Axmed ayaa maanta hortegaya baarlamaanka kmg ah ee Soomaaliya.

 

 

Ilo ku dhow dhow madaxweynaha waxay sheegayaan in uu baarlamaanka u gudbin doono iscasilaadiisa oo maalmihii ugu dambeeyay aad loo hadal hayay.

 

 

Waxaa aad loo adkeeyay ammaanka magaalada Baydhabo iyadoo la xiray wadooyinka taga xarunta baarlamaanka.

 

 

Dhanka kale waxaa ka socota Caasimada Puntland diyaargaroow lagu soo dhaweynaayo Cabdullaahi Yusuf, war aan ka helnay xarunta madaxtooyada Garoowe ayaa sheegaya in Madaxweyne Yusuf maanta gelinka danbe ka soo degaayo Garoowe

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Madaxweynaha DFKM C/laahi Yuusuf Ahmed oo ku dhawaaqay is casilaadiisa

Posted to the Web Dec 29, 08:48

 

Baydhabo:-Madaxweynaha DFKM Cabdullahi Yuusuf Axmed ayaa maanta is casilay waxaa uuna ka hor akhriyey is casilaadiisa Baarlamaanka DFKM waxaana uu warqada u dhiibay Gudoomiyaha Baarlamaanka Sh Aden Madoobe.

 

Madaxweynaha ayaa khudbad u jeediyey xildhibaanada waxaana hadaladiisa ka mid ahaa "Waxaan maanta idin sheegayaa inaan dib idinkugu soo celiyay xilkii aad ii doorateen 10-kii Octobar 2004 tii waxaan warqada casilaada u gudbiyey Guddoomiyaha Baarlamaanka maadama uu yahay Madaxweynaha KMG, waxaan idin leeyahay isku duubanaada oo ka shaqeeya sidii dadka iyo dalka loo badbdaadin lahaa"

 

Madaxweynaha ayaa isla maanta waxaa uu u baqooli doonaa magaala Garoowe ee xarunta maamul gobaleedka Puntland.

 

 

A/Cawale

Halgan.net

.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

War deg deg ah:C/laahi Yuusuf oo daqiiqado ka dib ka degaya Garoowe

 

 

Madaxweynahii hore ee Dawlada KMG ah ee Soomaaliya C;laahi Yuusuf Axmed ayaa lagu wadaa in uuu goor dhaw ka soo dego garoonka diyaaradaha Conoco ee magaalada Garoowe ee xarunta maamul Goboleedka Puntland.

 

Cabdulaahi Yuusuf ayaa saaka magaalada Baydhabo kaga dhawaaqay in uu iska casilay xilkii Madaxweynimo ee loo doortey sanadkii 2004-tii, waxaana socdaalkiisa uu ku soo aadayaa xili isbadal xoogan uu ka dhacay Soomaaliya, isla markaana jahwareer iyo qalqal ay gashey dawladii KMG aheyd ee lagu soo dhisey shirkii lagu qabtey dalka Kenya, sanadkii 2004-tii.

 

Socdaalka Col. Yuusuf ayaan laga bixin wax faahfaahin ah hase yeeshee waxaa lagu macneeyey in uu ku aadan yahay la tashi uu la sameyn doono qaybaha bulshada Puntland ee uu ka soo jeedo Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, C.laahi Yuusuf, sidoo kale safarka Mr.Yuusuf ayaa ku soo aadayaa xili xildhibaano fara badan oo ka mid ah Baarlamanka KMG ah ee Soomaalida ay shaley soo gaareen magaalada Gaalkacyo, iyadoo la filayo in ay xildhibaanadan iyo C;laahi Yuusuf ku dhawaaqaan mawqif aan la ogeyn waxa uu ku aadan yahay ama la saadalin Karin.

 

Dad badan oo siyaasada Soomaaliya rog roga ayaa aaminsan xiligan in Soomaaliya ay lugaha la gashay marxalad aad u adag oo aan la ogeyn halka ay saldhigan doonto.

 

Magaalada Garoowe ayaa waxaa laga dareemayaa qaban qaabo ku aadan soo dhaweynta Cabdulaahi Yuusuf, waxaana si weyn deegaanada Puntland iyo guud ahaan Soomaaliya laga hadal hayaa iscasilaada Cabdulaahi Yuusuf uu iska casiley xilkii Madaxweyninmo iyadoo la aaminsan yahay in iscasilada Col.Yuusuf ay ku timid cadaadis uga yimid beesha caalamka gaar ahaan wadamada iyo ururo goboleedyada sida weyn isha uga haya xaalada qalafsan ee Soomaaliya.

 

Su’aashuse waxay tahay muxuu noqon doonaa ambaqaadka Cabdulaahi Yuusuf iyo xildhibaanada taageersanaa fikirkiisa ee xiligan ku sugan Puntland.

 

Fartuun Cali Axmed

SBC International Jabuuti

fartunali@gmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Norf, you are right, the President had to leave, as in his last speech he stated that he had to resign or was pressured to work with Nuur Ade by the international community with a peace initiative that's not going to work or bring any fruitful result to Somalia, hence he opted to resign.

 

You are just saying good riddance mate, because of your hate and envy, however we agree with you and are happy that he finally resigned and left, thank god he did....

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Adeer Yusuf Yey si sharaf leh ayuu kaga dhagay xukunka isaga ayaana iska casilay markuu lashaqayn waayay Nabad diidyada iyo international community-ga oo qasaaya Somalia, we are waiting for the rosy peace to shape soon. Adigase sidii nin cuqdadaysan kadaba hay, good riddance! Talo kale iyo tabar meesha kuma haysid... As a secessionist you just hope the Somalia burns to achieve your recognition

 

Abdulahi haduu dhibka ahaa wuu idinka soo tagay ee talo meesha la imaada, very simple...

Share this post


Link to post
Share on other sites
N.O.R.F   

Should I take the above as the official Tolka line?

 

Yeey failed miserably saxib. We all know and see that. Take the blinkers off.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Dhubad.   

^^lol@ isaga ayaa iska casilay. Malahubaa taa? Soo tii Airportka lagulakulmay oo waraaq sanka laga giliyay asagoo ay sheekadu meel fiican u marayso oo New PM soo magacaabay?

 

 

When Geedi was asked to leave the office by the Ethiopians he came back saying "He is resigning to save his people " so its a normal for Yey supporters to twist the reality on the ground.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Norf, he did say that, I do understand he failed and thus resigned from the top post, can't we all live with that truth... very simple really

 

We are looking forward to bring future, I hope everything works good for all of Somalia and not only the secessionist fiefdom alone as you wish...

 

Khayr insha'alaah

Share this post


Link to post
Share on other sites
Thierry.   

Emperor I hope you support the new President who ever he might be as you supported Ina Yusuf and put this he went to bed with this or that group to rest (for the sake of peace and stability).

Share this post


Link to post
Share on other sites

Originally posted by Emperor:

^

Abdulahi haduu dhibka ahaa wuu idinka soo tagay ee talo meesha la imaada, very simple...

^ One will hear this Quate a lot in the next few weeks/months by Yeey supporters to somehow prove a point.

 

With time i guess people will say Yeey was better than whomever comes after him just like we said all agree Former President Barre was better than all that came after him. Is the nature of things these days.

And yes the same people that supported the government and lauded the International Community + plus the Ethos to get their ways will accuse the new regime of selling out the nation and will long for its faiulure.

 

Inshallah one day the time will come when all Somalis will want peace and rebuild the nation together rather than being divided into small parts each wanting their own way and exclusive power.

 

This resignation now means all us Somalis will look towards the International Community ( Ms Frazer ) and see who they prefer to lead this frigile nation ( as they call it ) untill then we can only speculate as to who will get the role and watch the small battles that will no doupt increase betweenn Shaabs, Courts, Ethos, Alsunah ( allahu waclum who is using this as a mask ) and the Former Yeey fans who will start to create spin after spin till the south burns itself and then claim we told u can't manage urself.

 

May Allah bring about peace amongst us.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this