Sign in to follow this  
General Duke

Galkacyu: TFG Puntland sign agreement: PICS

Recommended Posts

hesshiisgaalkacyo13-300x225.jpg

Gaalklacyo: Dowladda Soomaaliya iyo Puntland oo heshiis kala saxiixday goor dhaw.

23. august 2009

 

Gaalkacyo(AllPuntlan d)- Wada hadalo maalmihii ugu dambeeyey ka socdey magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug una socday dowladda Puntland ee martida loo yahay iyo dowladda Soomaaliya ayaa goor dhaw lasoo xiray, waxaana wada hadaladaasi ka soo baxay heshiis ka kooban 15 qodob oo ay saxiixeen dhinacyada kala gedisan.

 

15-ka qodob ayaa khuseeya xaaladaha ay labada dhinac isku hayeen maalmihii ugu dambeeyey, isla markaasna hada ay si rasmi ah usaxiixen Madaxda dowladda Puntland iyo kuwa dowladda Faderaalka ee Soomaaliya.

 

Qodobada lasaxiixay waxaa ugu muhiimsan amaanka, Siyaasada, Awood Qeybsiga kala duwan ee ku saleysan Axdi Qarameedka dowladda Soomaaliya, Horumarinta Caalamiga ah oo ay qeyb hesho Puntland iyo arrimo kale oo ku saabsan Siyaasadaha dalka Soomaaliya.

 

Heshiiska oo hada lasa saxiixay waxaa saxaafada usoo bandhigay xubno ka tirsan dowladdaha Puntland iyo Faderaalka, ayadoo ay joogeen goobta Madaxweynaha Puntland Dr. C/rixmaan Maxamed Maxamuud iyo Raysalwasaaraha dowladda Soomaaliya Cumar C/rishiid Cali Sharmaake.

 

Puntland ayaa sheegtay in ay wada hadalo guul gaareen, ayna gaareen muhiimadii heshiiska, ayagoo sheegay in ay waqti badan ulumiyeen arrimahaasi, dhinaca kalena dowladda Soomaaliya ayaa shaacisay in ay ku faraxsan tahay heshiiska maanta la gaaray.

 

AllPuntland oo heshay nuqul ka mid ah qoraalada lasaxiixay ayaa goor dhaw idiin soo gudbin doonta qodobadii oo saxiixan.

 

F. C. Maxamed

AllPuntland

Share this post


Link to post
Share on other sites

Qodobada lagu heshiiyey wayaa waxaa ka mid ahaa:

 

1. Adkaynta midnimada iyo qaranimada Somaliya, iyada oo dawlada federaalka ahi ay u qoonsan tahay Puntland qayb ka mid ah Somaliya,

 

2. Dawlada federaalka ah ee Somaliya iyo Puntland waxaa ay ku heshiiyeen in la dardargeliyo dhamaystirka dastuurka federaalka ah, lana magacaabo guddigii aftiga iyo arrimaha federaalka,

 

3. Si arrimaha dastuurka iyo federaalka loo hirgeliyo, waxaa labada dhinac ay isku raaceen in guddiga dastuurka xarun looga furo caasimada Puntland ee Garowe; Puntland waxaa ay guddiga siinaysaa gacan si ay hawshooda u gutaan,

 

4. Iyada oo la tixraacayo ku dhaqanka axdiga ku meelgaarka ah, waxaa ay labada dhinac iska garteen in sida ugu dhakhsaha badan loo soo dhiso dawlad-goboleedyada harsan, isla markaana la taageero, lana dhiirigeliyo dawlada Puntland ee hadda dhisan,

 

5. Puntland waxaa ay maamul ahaan uga qayb galaysaa shirarka danaheeda gaar ahaaneed khuseeya,

 

6. Waxaa dawlada federaalka ku-meelgaarka ahi ay ballan qaadaysaa in ay Puntland dadaal kala gasho raadinta iyo dhamaystirka mashaariicda horumarineed ee qabyada ahaa ee hay'ada 'FAI' ee macaawinada dalka Talyaanigu ay ka waday gobollada Puntland ka hor dhicitaankii dawladii Somaliya 1991-kii,

 

7. Waxa ay labada dhinac ku heshiiyeen in xarumo tababar ciidan laga furo goobo ka mid ah Puntland, loona dhamaystiro agabka iyo qalabka ay u baahan yihin,

 

8. Iyada oo la iska gartay khatarka burcad-badeedu ku haysto gobollada Puntland, waxaa ay dawlada federaalka ah iyo Puntland ku heshiiyeen in xarun weyn oo ciidanka badda ah laga furo Puntland, loona dhamaystiro agabka ay u baahan yihiin ciidanku, iyada oo lala kaashanayo beesha caalamka,

 

9. Dawlada federaalka ah iyo Puntland waxaa ay ku heshiiyeen in si wadajir ah la isaga kaashado la dagaalanka burcad-badeeda iyo tahriibka, kuwaas oo khatar ku ah nabadgelyada guud ee Somaliya, iyo tan Puntland,

 

10. Waxaa ay labada dhinac ku heshiiyeen in deeqaha waxbarasho ee ay soo hesho dawlada federaalka ahi laga siiyo saami ah 25%; deeqda waxbarasho waxaa loo galayaa imtixaan, waxaana maamulaya wasaarada waxbarashada Puntland, wasaarada tacliinta sare ee dawlada federaalka ah ee Somaliya-na waxaa ay ku yeelanaysaa kormeer,

 

11. Waxaa ay wasaaradaha waxbarashada ee Puntland iyo dawlada federaalku ay yeelanayaan wadashaqayn iyo xiriir joogta ah, waxaana ay iska kaashanayaan tababarada macallimiinta iyo maamulayaasha, kana wadashaqaynayaan midaynta siyaasada, manaahijta waxbarasho ee Somaliya,

 

12. Waxaa ay labada dhinac isku af-garteen in dhammaan hay'adaha caalamiga ah xafiisyadooda u xilsaaran Somaliya ay u soo raraan gudaha dalka, meelaha ay nabadu ka jiro, sida Puntland,

 

13. Waxaa ay dawlada federaalka ah iyo Puntland ku baaqayaan horumarinta iyo ilaalinta diinta, dhaqanka, suugaanta, af-Somaliga, masxafyada, iyo goobaha taariikhiga ah,

 

14. Waxaa ay labada dhinac ku heshiiyeen in xiriir joogta ah lala yeesho jaaliyadaha dibeda iyo qurbajoogta, lagu dhiirigeliyo dhawrida dhaqankooda, diintoodai iyo afkooda, iyo weliba in lagu booriyo ka qayb qaadashada dib u dhiska dalka, iyo in ay sharaf iyo xushmad kula noolaadaan bulshooyinka ay la nool yihiin ee dalalkooda ku martigeliyey, dejiyeyna,

 

15. Waxaa ay labada dhinac isku af-garteen in wasaaradaha iyo hay'adaha dawlada federaalka ah iyo Puntland ay yeeshaan wadasahqayn iyo xiriir joogta ah.

 

Diiwaanka Wararka,

Idaacada Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Mogadishu is our capital adeer, remmeber we are part of the union. Its you who hates the capital & the flag. :D

 

This agrement if implemented will bring peace allot closer.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Poker   

Che,

 

 

Originally posted by General Duke:

dowladda Puntland ee martida loo yahay iyo dowladda Soomaaliya

According the statement above and contless articles posted here by certian people says it otherwise.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^It's just rethoric, but the game is for Puntland to be instrumental in re-establishing the Somali state, and acquiring enough power to influence any possible viable Mogadisho government.

Share this post


Link to post
Share on other sites

1. Adkaynta midnimada iyo qaranimada Somaliya, iyada oo dawlada federaalka ahi ay u qoonsan tahay Puntland qayb ka mid ah Somaliya...

 

Nothing wrong with that lad. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
NGONGE   

Who invents this rubbish? An agreement between a country and one of its states (when the two are not even at war)!

 

You know both guys KNOW that this agreement is not worth the paper it's typed on, don't you?

(does look like cheap paper too). :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Dont be jelous old man, the country has been in a civil war for along time, the two parties are ironing out their differences. Puntland got what it wanted and the TFG needs all the positive news it can get at the moment.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this