Sign in to follow this  
General Duke

Crushed confused.. anti-governemnt clan-groups

Recommended Posts

Kooxihii dagaalka kawaday Muqdisho oo la soo afjaray iyagoo ku andacooday inay heshiis xabad joojina la galeen ninka iskaleh Idaacada Hornafrik. :D

 

Dagaaladii ka socday mudada afarta maalmood ah ayaa la soo afjaray kadib markii guud ahaan deegaamadii ay kooxahaasi ku xooganaayeen laga sifeeyay iyadoo hada si toosa ay ugu sugan yihiin Ciidamada Dawlada iyo kuwa ethiopia oo iskaashanaya, Kooxihii dagaalka waday ayaa la xaqiijiyay inay firxadeen gabi ahaana isaga bexeen goobihii ay awal ka dagaalamayeen iyadoo inta badan gacanta lagu dhigay ragii hogaaminayay.

 

 

Ninka sheegta afhayeenka kooxaha dagaalada kawada Muqdisho Axmed diiriye ayaa waraysi uu siiyay idaacada BBCda ku sheegay arintii ugu yaabka badnayd isagoo halkii laga sugayay inuu kawaramo meeshay ku dambeeyeen kooxdii uu dagaalka galiyay yiri waxaanu heshiis xabad joojina la saxiixanay Ninka iskaleh idaacada Hornafrik.

 

Idaacada hornafrik oo uu leeyahay nin ka soo jeeda beesha dagaalada kawaday Muqdisho ahna kuwooda ugu dhaw kooxaha ka haray maxkamadaha ayaa lays wadiin karaa siday xabad joojin ula saxiixatay maleeshiyadii iyaga u dagaalamayay.

 

Dawladaha ethiopia iyo Somalia ayaan iyagu wax hadal ah dhankooda ka soo saarin iyagoo wali wada hawlo baaritaano looga samaynayo xaafadihii ay lawareegeen iyo kuwa kale oo horle oo ay ilaa shalay qabsadeen.

 

Xabad joojinta uu sheegtay Axmed diiriye ayaa u muuqanaysa mid uu isagu ka codsanayo dawladaha Somalia iyo Ethiopia inay xabada joojiyaan si loola xaajoodo balse ay dhagaha ka furaysteen marar badan oo loo soo jeediyay.

 

Afhayeenka kooxaha wax rabsha axmed diiriye ayaa la xaqiijiyay in gurigiisii ay burburiyeen ciidamada dawlada iyo saaxiibadood iyadoo sidoo kalana dhulka lala simay gurigii Culusow oo isna ahaa ninkii fidnada horay ubilaabay halka warar kalana sheegayaan in la qabtay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hoggaamiye yaashii qarandiidka iyo argagixisada oo xalay magaalda Ka baxsaday

 

Sida aanu ka ogaanay dad ku sugan deegaanka Ceel Macaan waxaa xalay saqdiii dhexe deegaankaasi ka gudbay in ka badan ilaa 20 Gaari oo ah kuwa dagaalka

 

Sida aanu ka ogaanay dad ku sugan deegaanka Ceel Macaan waxaa xalay saqdiii dhexe deegaankaasi ka gudbay in ka badan ilaa 20 Gaari oo ah kuwa dagaalka ee Tiknikada loo yaqaanno iyo gawaarida kale ee Runet-yada loo yaqaanno waxaana saarnaa hoggaamiye yaal baxsad ah oo ayka mid yihiin Aadan Cayrow,MacallinXaashi iyo Goobaale.

 

Hoggaamiye yaashaa baxsadka ah ayaa wararku sheegayaan in ay ku socdeen degmada Cadale ee xeebta ku taala si ay halkaa uga raacaan doonyo

Warar is khilaafsan ayaa ka soo baxaya sababaha ambabixidda Gawaaridaan dagaal iyo hoggaamiye yaasha baxsadka ah ee argagixisada Soomaaliya, waxaana Wararka qaar in ragga ka trisanaa hooganka argagixisada ay doonayeen inay doonyoka raacaan xeebaha Cadale.

 

Wararka ayaa intaa raacinaya in ay kusii jeedan dhanka dalka Eritrea gaarahaana magaalada Asmara,halkaasoo ay kusugan yihiin hoggaamiye yaal badan oo qaran diid ah,hase ahaatee sidhab ah looma garanayo ujeedka socdaalkooda iyo halka ay ku jiheysanyihiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Xubno ka tirsanaa Maxkamadaha oo ka baxsaday Muqdisho iyo Ciidamadda Dowladda oo sii dabagalay

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 02/04/07

 

Dowladda Federaalka KMG ah ayaa la sheegay in ciidamo xoogan oo ku hubeysan hubeysan gawaarida dagaalka ay u dirtay degmooyin ka tirsan gobolada dhexe, waxaana ciidamadaasi oo maray wadada xeebta ah ee isku xirta degmooyin ka tirsan gobolada dhexe iyo Muqdisho.

 

Arrintaas ayaa timid kadib markii ciidamo la sheegay inay ka tirsan yihiin ciidamadii dagaalka kula jiray Dowladda Federaalka kana dagaalamayay magaalada Muqdisho ay maalmo kahor halkaasi u dhaqaaqeen iyagoo wata gaadiid dagaal oo ay ku buufsadeen astaanta ay leeyihiin ciidamada Booliska iyo raxan gawaarida loo yaqaan Homey oo ku xiran samaacado dhaadheer, kuwaasoo la sheegay inay ka gudbeen tuulada Caaraga-ceelle, kuna sii hoyday degmada Cadale.

 

 

 

 

Sarkaal sare oo ka tirsan xafiiska Ra'iisal Wasaaraha oo ka gaabsaday in magaciisa la shaaciyo ayaa sheegay inay arrintaasi jirto, dowladda Federaalka ahna ay il gaar ah ku eegeyso isla markaasna ciidamada la diray lagu amray inay soo qabqabtaan si loo hor geeyo sharciga.

 

Warar kale oo aanu ka helnay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in ciidamadan firxadka ah ee u dhaqaaqay dhinacaas ay suurtagal tahay inay la socdeen wadaadka sida weyn ay u doon doonayaan dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya iyo Aadan Maxamed Xaashi Ceyrow, Sheekh Fu'aad Maxamed Xaashi, halka warar kale ay sheegayaan in Saraakiil Ereteriyaan ah ay ka dhoofinayaan degaanada Xaradheere iyo Hobyo.

 

Warar kale oo aanu ka helnay ilo muhiim ah ayaa sheegaya in ciidamadan firxadka ah ee u dhaqaaqay dhinacaas ay suurtagal tahay inay la socdeen wadaadka sida weyn ay u doon doonayaan dowladaha Mareykanka iyo Itoobiya iyo Aadan Maxamed Xaashi Ceyrow, Sheekh Fu'aad Maxamed Xaashi, halka warar kale ay sheegayaan in Saraakiil Ereteriyaan ah ay ka dhoofinayaan degaanada Xaradheere iyo Hobyo.

 

Somaliweyn Media Center

Somalia - Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Guddi ay iska dhex magacaabeen odayaasha Beelaha ******

Click here to find shabelle-news in english

 

Mogadishu 02, April.07 ( Sh.M.Network) Odayaasha Beelaha ****** ayaa maanta magacaabay guddi la xaajooda saraakiisha ciidamada Ethiopia, xilli maanta xaaladda magaalada Muqdisho ay aheyd mid dagan oo aanu dhicin wax dagaalo ah, inkastoo israsaaseyn goos goos ah ay jirtey.

 

Iyadoo odayaasha dhaqanka Beelaha ****** ay maanta magaalada Muqdisho ku yeesheen kulamo ay kaga doodayaan qaabkii looga qeyb qaadan lahaa kulanka ay la yeelanayaan saraakiisha ciidamada Ethiopia ayaa odayaasha waxa ay xuleen guddi ka qeyb qaata wada hadaladaasi, iyadoo gudiga ay xuleemn uu isugu jiro aqoonyahano, waxgarad iyo odayaal.

 

Nabadoon Axmed Diiriye oo ah afhayeenka Beelaha ****** oo ka qeyb qaatay kulankii maanta ayaa shabelle u sheegay in maalinta berrri ah ay la kulmayaan saraakiisha ciidamada Ethiopia.

 

Shalay ayay aheyd markii odayaasha Beelaha ****** ay soo saareen qodobo ka kooban 6 oo ay ugu muhimsan tahay xabad joojin iyo waliba in ciidamada Ethiopia ay muddo 5 saac ah uga baxaan goobihii ay soo galeen.

 

Dagaaladii ka dhacay magaalada Muqdisho ee socda mudada 4ta maalmood ah ayaa waxa ay galaabteen nolosha dad kor u dhaafaya 150 ruux halka tiro ku dhow 400 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

 

Wali waxaa jira meydadka dad rayid ah oo ku go'doonsan goobaha iska horimaadka uu ka dhacay, kuwaasi oo madaafiic BM ah ay ka dul dhaceen.

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites

They are again running, again asking for a ceasefire on the new clashes they started.

The funniest thing is they signed a ceasefire agreeent with themselves..Classic.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^ Drop the blue flag for a clan court supporter? What is this world coming too. Conventional war will mean they have no place to hide, no women to shelter them and no kids to use as shields.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Conventional war is not their aim, they wanted to hide behidn the children and women, anyhow they are on the run again..

 

So much for taking over villa Somalia, it was villa Horn Afrik & Culusow which got trashed.

Share this post


Link to post
Share on other sites

As known,even guerrilla warfare concentrates on its objectives being combatants only.They do not hide behind women and children,they hide in the bushes and strike whenever possible,maneuver and make their kill,then go hiding again.Aah but today,we have a new class of guerrillas who changed the whole norms of the art.They claim to be warriors when in fact they are some mere selfish assassins whose objectives are not genuinely to pursue their Goals and damage the enemy army,but the whole populace,both civil and the military.Then we have the potatoes who hail that and call it a fight.Its a cowards fight if u ask me.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this