Sign in to follow this  
General Duke

Report: How they [Abdiqasins]Clan divided up Lower Shabbele.....

Recommended Posts

MARKO: Odayaal ka codsaday Maxkamadahainay sii dayaan odayaal ku xirxiran Xabsiga Degmada Baraawe

Posted to the Web Nov 27, 12:24

 

 

Marko (PP) – Odayaal ka tirsan Dadka Deegaanka Gobolka Shabeellada Hoose oo haatan k sugan degmada Marka ee Gobolka Shabeellada hoose ayaa waxay soo saareen maanta qoraal ay kaga codsanayaan Maxkamdaha inay sii dayaan xubno lagu haysto Degmada Baraawe.

 

 

 

Qoraalka oo ay ku saxiixnaayeen in ku dhow 10-odayaal oo isugu jira cuqaal iyo nabaddoonno ka soo jeeda beel ka mid ah beelaha ku dhaqan Shabeellada Hoose ayaa waxay qoraalkooda kaga codsanayaan Maxkamadaha in la sii daayo ku dhawaad 10-oday oo u xirxiran gacan ku dhiigle baxaday.

 

 

 

Sidoo kale qoraalka ayay ku sheegeen odayaashaas in raggaas loo xirxiray kaddib markii wiil gacan ku dhiigle ah oo ay isku hayb yihiin uu baxsaday markii uu dil ka geystay deegaan ku dhow Degmada Baraawe.

 

 

 

Odayaasha xirxiran ayaa la sheegay inay ku jiraan Xabsida Degmada Baraawe in ku dhow 10-casho, waxaana ay ka walaacsan yihiin sida ay qoraalkooda ku sheegeen odayaasha xaaladda caafimaad iyo midda nololeed ee odayaashaas ay ku sugan yihiin.

 

 

 

Caaqil Abuukar Sheekh Wacays oo ka mid ah cuqaasha ku saxiixan warqadda ay maanta soo saareen ayaa sheegay inay ka codsanayaan Maxkamadaha Mas’uuliyiintooda in ay wax ka qabtaan arrinta ay ka cabanayaan waxayna sheegeen in raggaas ay yihiin kuwo aan waxba galabsan.

 

Maxamed Xuseen Jantiile

Wakiilka Puntlandpost - Mogadishu

E-mail: puntlandpostmog@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Dhoofinta dhuxusha iyo Xaalufinta dhulka Koonfureed ee Soomaaliya oo weli si caadi ah u socoto

 

dhuxulweyn_01883wirethumb.jpg

 

Buur Weyn Oo Dhuxul Laga Dhisey Oo Ku Taalla Xeebta Baraawe Oo Lala Sugaayo Maraakiib Dhoofissa. 11/26/06

DMC News Center - DMC

Howlo dhuxusha lagu dhoofinayo ayaa weli waxa ay ka socdaan qaar ka tirsan dekedaha macmalka ah ee ku yaala goobaha ay ka taliyaan maxkamadaha Islaamiga ah xilli maxkamaduhu ay sheegeen in la mamnuucay dhuxul dhoofinta, iyadoo maalintii shalayna marsada macmalka ah ee degmada Baraawe uu ka shiraacday Markab sida 20.000 kun oo kiish oo dhuxul ah, waxaana isla shalay ku soo xirtay markab kale oo isna halkaasi loogu diyaariyey dhuxul fara badan oo lagu wado maalmaha soo socda in lagu raro.

 

Arintan ayaa u muuqata in Ganacsatada dhoofisa dhuxusha ay iska dhegatirayaan go'aankii ka soo baxay maxkamadaha islaamiga ah ee sheegayey in la joojiyey dhuxusha in loo dhoofiyo dalka dibediisa, iyadoo dhinaca kale maxaakiimtu ay iyana u muuqdaan kuwo aan dooneyn iney talaabo adag ka qaadaan ganacsatadan xaalufineysa dhirta oo mudadii labada bilood ah aheyd ee ay codsadeen in loo siiyo sidii ay u bixin lahaayeen dhuxul fara badan oo u tiilay ay horey u soo dhamaatay.

 

Ciidamada maxkamadaha islaamiga ah ee ku sugan degmada Baraawe ayaa iyagu iska daawanaya dhuxushan laga dhoofinayo dalka ee horey ay maxaakiimtu u mamcuuceen, iyadoo wararka qaarkoodna ay sheegayaan in ciidamada maxkamaduhu ay lacago canshuur ah ka qaadaan ganacsatada dhuxusha, taasoo dad badan ay rumeysan yihiin iney qeyb ka tahay iska warqab la'aan badan oo weli laga dareemayo maxkamadaha Islaamiga ah, isla markaana dhuxul dhoofinta aysan ula dagaalamin sida ay ula dagaaalameen Qaadka oo isna ka mid ahaa waxyaabaha ay maxkamaduhu mamnuucida ku soo rogeen.

 

Arintan ayaa ku soo beegantay xilli Madaxa warfaafinta iyo dacwada ee maxkamadaha islaamiga ah Sheekh C/raxiin Cali Muudey uu maalmihii la soo dhaafay kaa dhawaajiyey in mudadii labada bilood aheyd ee loo qabtay dhuxul dhoofinta ay ku ekeyd 21-kii bishan, isla markaana maxkamaduhu aysan aqbali doonin wixii maalintaas ka dambeeya in jawaan dhuxul ah laga dhoofiyo dekedaha ku yaala goobaha ay maxkamdahuhu ka taliyaan, isagoo ugu baaqay ciidamada maxkamadaha iney soo qabtaan cid kasta oo ku xad gudubta go'aankaas.Xigasho: Dayniile

 

* Filed Under: Top Headlines

* add new comment »

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Originally posted by xox ogaal: che.....duke will never get that. like said if his qabill were powerfull in south they will do the same thing look cadde going after the people of sanaag to get the oil....

Xox ogaal, who told you that Cade is occupying people of Sanaag? smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites

Odeyaasha Baraawe oo Quus Ka Muujiyey Ashtako ay ugu Yimaadeen Midowga Maxkamadaha Magaalada Muqdisho

 

Somaliweyn - Muqdisho -Somalia 1/12/06

 

Aweys_Reer_Barawe.jpg

 

 

Nabaddoonno ka Socdey Degmada Baraawe ,ayaa waxay magaalada Muqdisho ku Sugnaayeen Muddo 22 Maalmood ah ,wuxuuna Socdaalkoodu ku saabsanaa, ashkato ay ka qabeen Ciidmada iyo maamulka halkaas qabsadey ,bal inay madaxda sare ee Golaha maxaakiimta la Socdaan iyo in kale .Waxgaradka ka socda Degamada Baraawe ayaa sheegey inay la kulmeen masuuliyiinta Golaha maxaakiimta u Sarreeysa qaarkood ,Sida Jinaqoow,iyo Indhacadde,waxayna noo sheegeen inaysan iyagu maamulkaas wax ka dhisin islamarkaasna aysan ogeyn,nabadoonnada oo ka faa’ideysanaya Jawaabtaas ayaa ku doodey in maamulka iyo ciidanka halkaas qabsadey aysan marnaba raalli ka ahayn sida ay wax u wadaan ,islamarkaasna masuuliyiinta ku boorriyey inay wax ka qabtaan.

 

Masuuliyiinta Baraawe ayaa waxay saxaafadda u sheegeen inay aad uga niyad jabsan yihiin waxqabad la’aanta arrinta ay u socdeen ,waxayna sheegeen inay aad hoos ugu dhacdey jaceylkii ay u qabeen Maxkamadaha .Waxgaradkan ayaa sheegey inay la kulmayaan masuulka u sarreeya maxkamadaha Isllaamiga ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed ,waxaan u gudbin doonnaa Bay Yiraahdeen dhammaan wixii Dacwad ah oo ay wadaan ,mar ay ka jawaabayeen so’aal ahayd maxkamadaha soow nabadgelyo idiin ma keenini ?waxay ku jawaabeen haa nabadgelyo way sugeen laakiin ma aha mid kalsooni lagu qabo maxaa yeeley wixii maamul ah ee dadku leeyihiin ayay si xoog ah u maroorsadeen dadkii shaqadaas iska lahaana marti ayay ka dhigeen .

Mar aan odeyaasha weydiyey Masuuliyiinta Golaha maxaakiimta iyo maamulka ay ka dacwoonayaan inay iska warqabaan iyo inkale ?Waxay noo sheegeen bay yiraahdeen inaysan waxba kala socon maaulkaas ,arrintaasna ay iyaga ka warsugaan.

 

Odeyaasha ayaa saxaafadda u sheegey inay ujeedada ay magaaladan u yimaadeen ay tahay laba arrimood oo kala ah:

 

1-Ashakato ay ka qabeen Ciidanka iyo maaulka iska Magcaabey degmadooda oo diidey inuu la tashado dadka Deegaanka, Bal in ay og yihiin Masuuliyiinta u sarreeysa maxkamadaha .

2-Inay ogaadaan Maxkamaduhu inay u baahan yihiin taageerada Beesha Baraawe iyo in kale .Nabaddoonada ayaa waxay ciidanka iyo maaulka halkaas ka arrimiya ku eedeeyeen inay ka horjeedaan jiritaanka Dadka degan Degmada Baraawe,waxayna dooneyeen inay hubsdaan masuuliyiinta Sare ee ‘GMIS’.

 

Dhinaca kale waxgaradkan ayaa waxay eedeyn kale u jeediyeen ciidamada halkaas ka Taliya ,waxaya ku eedeeyeeen inay khaladaad fara badan ka galeen degmada ,waxayna Tusaale u soo qaateen Wiil dhalinyaro ah oo maalin soon ah oo uu wax Cunaayey darteed loo diley kaas oo magaciisa la oran jirey”Xasan Maxamed Cabdi Ilkacase ,Eheladii wiilka dhashey wax illaa hadda la hadlley oo qanciyey ma jirto iyo iyagoo handadaya bay yiraahdeen Culumada Magaalada iyo waxgaradka Degmada iyo iyagoo weli dhoofinta dhuxusha ka wada Degmada ,iyadoo magaalooyinka kale oo dhan laga joojiyey,iyo ayagoo dib u billaabey canshuuraadkii marka hore la joojiyey markii la Eryey C/llaahi Xalane.

 

Intaas ka dib waxaan odeyaasha la weyddiyey dhowr so’aalood oo kala ah:

 

Saxaafadda :Waxaad noo sheegteen inaad la ballasan tihiin shariifka ,kuwii hore ee aad la kulanteenna waxaad sheegteen inaydan ku qancin jawaabaha ay bixiyeen ,haddii shariifka jawaabaha aad ka heshaan idin qancin wayso maxaa idiin Qorsheysan ?

Nbaddoonnada:Wax badan ayaa inoo qorsheysan laakiin waxaan jawaabta la sugaynnaa shariifka oo ka hordhaci meynno waxa laga yaabaa inuu shariifka ilaahey waafajiyo.

Saxaafadda:Maxkamadaha meelaha ay Qabsadeen nabadgelyo buuxda ayaa laga heley ,ninkii mudada dheer halkaas xoogga ku haystey haddii la idin ka qabtey ,maxaad weli kalsooni u heli la’dihiin?

Nabaddoonnada :Waa run nabadgelyo waa jirtaa ,waxaan islahayn haddii ninka sida xaqddarada nagu haystey meesha laga qaado in la nagu wareejinaayo maamulkeeda, balse arrintu waxay noola muuqatey bay yiraahdeen Barakaad u dhiibo Barakaad ka Qaado ,waxaan taas ku xaqiijineynnaa bay yiraahdeen waxaa hadda meeshiisa Fadhiya oo magaalada Maamulaya wiil uu adeer u yahay,Mr Dhuxuloow .

 

Si kastaba xaalku ha ahaadee odeyaasha Baraawe ayaa rajo beel ka sheegey ujeedada Socdaalkooda haddii uu ilaahey wafaajinin Guddoomiaya Golaha Maxaakiimta Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sheekh Axmed .

 

dadka bayaanka Soo saareyna waxay magcyadoodu kala yihiin:

 

Aweys Sheekh Muumin –Guddoomiyaha arrimaha Siyaasadda ee Beesha Tunni

 

Abuukar Cumar Maxmad’Gaammeelle’-Nabaddoon Sare ee Beesha Tunni

 

C/raxmaan Maxamed Nuur’Guulwade’.

Mahamud Ahmed Hassan

xuurshe114@hotmail.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this