Sign in to follow this  
Xaaji Xunjuf

Puntland soldiers defect

Recommended Posts

Ciidamo ka soo goostay C/samed Cali Shire iyo Puntland oo soo gaadhay Sarmaanyo.

Warkii 13-Aug-2010 iyo Qormadii: NEWS

Ciidan gaadhaya 150 askari oo ahaa kuwo ka soo jeeda degmada Taleex ee gobolka Sool,oo qayb ka ahaa ciidanka ka dagaalamaya buuraleyda Galgala,oo uu C/samed Cali Shire u kaxaystay dagaalkaas ayaa soo gaadhay tuulada Sarmaanyo ee degmada Taleex ee gobolka Sool,iyaga oo ku hubaysan gaadhi iyo hub kala duwan,kuwaasoo ka mid ahaa ciidanka Puntland.

 

 

Ciidankan ka soo goostay jiida hore ee Puntland ayaa sheegay in markii hore loo sheegay in lacago badan la siin doono,oo ilaa iyo hada aan mushahar la siin,oo dagaalka loo sheegay in Alshabaab lala dagaalamayo,balse markii danbe uu noqday dagaal u dhexeeya laba beelood oo deegaankaas wada dega.

 

Ciidankan oo maanta afur loogu sameeyey degmada Xingalool,intaanay soo gaadhin Sarmaanyo ayaan la garan karin meel ay u gudbi doonaan,iyada oo la hadal hayo inay ku biiri doonaan ciidanka SSC ee ku sugan dhinaca hawdka ama nugaasha.

 

C/samed Cali Shire ayaa dagaalka Galgala u kaxaystay ciidan ka soo jeeda beeshiisa oo keliya,kuwaasoo ay hada badankoodii soo goosteen.

 

Maamulka Puntland ayaan ilaa iyo hada wax war ah ka soo saarin ciiankan ka soo goostay,iyada oo dagaalkii uu sii xumaaday oo uu faraha ka sii baxayo.

 

Wararka oo faahfaahsan ha ka fogaan Afnugaal.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maya Adeer Been boggaga inerntka lagu xarxarriiqo Puntland iyo Faroole toonna waxba ma yeeli karto.

 

Wallee Faroole waa nin adag Alla maxaa kuwii walaalahayo xaar iyo cabaad ka baxaya :D:D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Ciidama PL ah u dhashey gobolka Sool oo kasoo goostey dagaaladii galbeedka Bari oo u goostey dhanka Degmada Xudun ee gobolka Sool.

 

Xingalool (SPR): Goob joogayaal nagala soo xiriirey tuulooyinka Toro-bora iyo Wardheer ayaa waxay la soo xiriireen idaacada SPR una sheegeen in ay ciidama kasoo goostey deegaankaasi ay soo dhaafeen, ciidankan oo sheegey in ay ku dhintaan dagaalada ka socda galbeedka Bari.

 

Sidoo kale gudoomiyaha degmada Xingalool ayaa sheegay in ay ciidamadan soo mareen Xingalool ayan laakiin soo galin, isagoo sheegey in ay ka goosteen siduu filayo Puntland laakiin uusan garaneyn waxa ay usoo goosteen.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Taliyihii ugu sareeyay PIS-ta oo dagaalkii Shalay lagu dilay

August 14, 2010

By admin

 

Iyo Ciidanka Sool oo iskaga baxay Dagaalkii Gal-Gala kuna Biiray SSC

 

Warar aanu ka helnay Cabdi Sahal oo ah wariye ku sugan Bosaaso ayaa noo sheegay in wararka ka kasoo baxaya dagaaladii shalay aya ahayeen ku faraha lagaga gubtay. Dagaalkii shalay wuxuu soconay labadii galinba wuxuuna Sheilkh Atam istacmaalay xeelad dagaal oo ah in uu ciidankiisii u qaybiyay guutooyin oo isku fidayay hareeraha Buuraha Galgala ee gobalka Bari kuwaasi oo khasaara badan gaadhaysiiyay ciidanka Faroole………….

 

Wararku waxay intaas ku darayaan in 18 askari ayaa kaga dhimatay dagaalkii shalay dhinaca maamulka Faroole, waxaana jira dhaawacyo 50 kor u dhaafay dhinaca maamulka Puntland.

 

Gabadh Dhaqtarad ah ayaa iyana ku dhimtay Teendho Isbitaal oo loo sameeyay in lagu daaweeyo askarta soo dhaawacanta kadib markii xabad ay ugu tagtay Teendhada.

 

Khasaaraha soo gaadhay Shiekh Atam ayaan la xaqiijin karin, laakin wuxuu qirtay in aysan waxba ka soo gaadheen dagaalkii lagu hoobtay ee ka dhacay Gal-Gala.

 

Sheikh Atam oo waraysi siiyay Horseed Media ayaa sheegay in xoogaga Gal-Gala u dagaalamaya sidii ay deegaankooda ugu dhaqi la haayeen shareecada Islaamka. Waxaanu ku daray in shalay guul ka gaadheen ayna qabsadeen Hub farabadan oo ay kamid yihiin Dhashiikayaal iyo BKM-yo farabadan.

 

Wararka ka soo baxaya deegamada SSC ayaa sheegaya in Ciidamo ka soo goostay jiida hore ee Gal-Gala ayaa ay soo gaadheen SSC. Ciidamadan ayaa markii hore loo sheegay in lacago badan la siin doono si ay ula dagaalamaan Alshabaab Gal-Gala balse markii danbe uu noqday dagaal u dhexeeya laba Beelood.

 

Ciidamadan oo aad u hubaysan ayaa shalay afur loogu sameeyey degmada Xingalool,intaanay soo gaadhin Sarmaanyo. Guutooyinkan oo ka soo jeeda deegamada SSC ayaan la garan karin dhinaca ay u ruqaansan doonaan,iyada oo la hadal hayo inay ku biiri doonan ciidamada SSC…

 

Cabdi Sahal Widh Widh Online Bosaaso

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

So the mayor of Xiingalool confirmed the news about the defection of Puntland recruited clan militia.

 

 

Btw, the fact that Atam is calling for his kinsmen to join him proves the clan and resource element of this conflict..

 

dambarsame, waxaan u maleynayaa inaadan ka soo jeedin degaanka Puntland. Adeer xal raadi intaa dagaal dabkii hurineyso.

Share this post


Link to post
Share on other sites

according to reports after not getting a wage for 2 years, the sheick --Atam-- promised them a daily wage of a kilo of dates. They thought it was more then pirateland was giving so they defected.

 

Niyo...shekada damee...next time !

 

loooooooooooooooooool !

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this