Sign in to follow this  
General Duke

Somaliland MP arrested for speaking out:

Recommended Posts

MUDANE DHALIILAY MAAYARKA HARGEYSA IYO WASARADA DAKHILIGA, KADIBNA SAAKA XABSIGA LOO TAXAABAY MUDANAHAASI.

 

Har(HRG)-Ciidamada Booliska Hargeysa, ayaa xabsiga u taxaabay Saaka Mudane Kayse Yuusuf Cali oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Deegaanka Hargeysa.

 

Eng.Kayse, waxa ay Ciidamada Boolisku xabsiga u taxaabeen Saaka subaxnimadii, isaga oo meel geerash ah kala soo baxaayay Baabuur uu leeyahay, waxaana sida ay Hargeysa News, u sheegeen qaar ka mid ah Ehelada Kayse amarka xadhigiisa bixiyay Wasiirka Daakhiliga Somaliland Md.Ismaaciil Aden Cismaan.

 

 

Ilaa hadda Ciidamada Boolisku wax war ah kama soo saarin sababta loo xidhay Mudanahaas, hase yeeshe waxa la ogyahay in Md.Kayse shirjaraa’id oo uu maalintii Axadii ku qabtay Magaalada Hargeysa si kulul ugu dhalliilay Maayarka Hargeysa, isaga oo isla markaana ku eedeeyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Maayarka Hargeysa inay Jaanta iyo Jiibta iskula heleen Boobka Dhulka danta guud.

 

 

Author: Waxa soo Weriyey Maxamed-Rambo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maayarku waxaanu garanayn dulmiga uu sameeyaa in uu docdiisa fadhiisanayo†Xildhibtaan ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa ah oo Maayarka ku eedeeyey dhul-boob.Dec-28-04

 

260_260_JACIIR_MAYER.jpg

Maayarka Hargeysa Eng.Xuseen Maxamuud Jiciir

 

Hargeysa (HRG)- Xildhibaan Kayse Yuusuf Cali, oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa ku Eedeeyay Maayarka Hargeysa Eng.Xuseen Maxamuud Jiciir iyo tiro Mudanayaal ah oo ka tirsan Golahasi Musuqmaasuq la xidhiidha dhul-boobka danta guud iyo falal kale oo dhul boob ah oo abuuri kara iska horkeen khatar gelinaya Amniga Magaalada Hargeysa.

 

 

Eng.Kayse oo shalay shir jaraa’id ku qabtay Hoteelka Hadh-wanaag ee Magaalada Hargeysa, waxa uu sheegay in marka laga reebo Afar Xildhibaan ay Mudanayaashii kale ee Golaha Deegaanka Hargeysa u tafo xayteen ku tagri falka dhulka danta guud ah, isaga oo xusay inay Golaha Deegaanka Hargeysa iyo Wasaaradda Arrimaha Guduhu jaanta iskula heleen ku tagri falka danta guud.

 

 

Eng.Kayse, waxa kale oo uu Maayarka Hargeysa ku eedeeyay in uu ka wado Dhul ka dambeeya Xaafadda Siinay ee Magaalada Hargeysa iska hor imaad dhex mari kara dadweynaha, isaga oo sheegay in la geeyay halkaas Ciidamo.

Ugu horeyn isaga oo arrimahas faah-faahinaya waxa uu yidhi “Ilaa sannad iyo badhkii hore Golaha Deegaanka Hargeysa wuxuu u kala badhnaa laba garab oo kooxi u jaqafsato sahaminta dhulka danta guud iyo ku tagri falkeeda iyo Badh kale oo aan iyagu arrintaas ku tagri falka si toos ah iyo si dadban toona uga qayb qaadan sannadkaa iyo badhkaa. Wasaaradda Arrimaha Guduhu arrintaas ku tagri falka dhulka danta guud bannaanka ayay ka taagnayd, oo intii hore Golaha Deegaanka Hargeysa iyo Wasaaradda Arrimaha gudaha waxa ka dhex jiray khilaafaad iyo is af garan-waa, muddooyinkan dambse jiibka iyo jaanta ayaa la isla helay, oo halkii golaha deegaanka kala badh ku dhawaad ka soo horjeedeen lunsiga hantida danta guud, waxa hadda ka sii fayoow tiro aan ka badnayn ilaa Afar Mudane†ayuu yidhi Eng.Kayse Yuusuf Cali.

 

 

Waxa uu intaa ku daray in Maayarka Hargeya magacaabay Wiilal Dhallinyaro ah oo shaqadoodu ahayd Kormeerayaal Waaxaha ah, kuwaas oo ilaalinayay dhulka danta guud ah, “Haddaba waxa dhacday†ayuu yidhi Kayse, “Meelaha Inamadaasi ilaalin jireen waxa ka mid ahaa Waaxda Gacan Libaax oo ay ilaalin jireen Xeradii la odhan jiray Gantaalaha ee Gacan libaaxâ€. Waxa uu intaas ku daray in Xeradaas Gantaalaha oo ku fadhiday dhul qiyaas ahaan ah 3KM oo Laba Jibaaran ay ku tagri Faleen xubno ka tirsan Golaha Deegaanka Hargeysa, isaga oo Masuuliyadeedana dusha ka saaray Maayar Jiciir,

 

“Dhulkii Xeradaas Gantaaluhu ku fadhiday wuu ka baxay Dhulkii Danta guud ahaa, oo waxa uu galay gacan dad gaar ah oo lagu wareejiyay, iyada oo loo maray sifayaal kala duwan, sida qaar lagaga beddeshay baabuur, qaar laga qaaday kaash, qaar lagula heshiiyay shirkado dhismayaal iyo qaar waraaqo loo samaystay iyo weliba qaar kale. Waxa la yidhi Madaxa meel ka saraysa oo la taabtaa ma jiro, meesha sartu ka qudhuntayna waa Maamulka sare ee golaha Deegaanka, gaar ahaana duqa Caasimadda oo ay isaga caadiba la yihiin falalka noocaas ah ee dhacayaaâ€

 

 

Waxa uu Xildhibaan Kayse intaa ku daray in Inamadii Xeradaas ilaalin jiray iyagana xabsiga loo taxaabay, isla markaana Maxkamad la geeyay, ka dib markii ay ka gil-gisheen falalka Boobka ah ee lagu iibiyay dhulkaas, “Laakiin†ayuu yidhi, “Ciddii sidaas samaysay ayay hadda inamadii dacwad ku wadaan haddii ay helaan Garsoor u hiiliya.â€

 

 

Md.Kayse Yuusuf Cali, waxa uu si kulul Maayarka ugu eedeeyay inuu falal keeni kara iska hor-imaad ka wado Dhinaca Koonfureed ee Xaafadda Siinay ee Koonfurta Magaalada Hargeysa, isaga oo Wasaradda Arrimaha Gudaha iyo Taliska Guud ee Booliska iyagana ku eedeeyay inay halkaas geeyeen Ciidamo Boolis ah, waxaanu yidhi;

 

“Markii Dhulkii danta guud ahaa dhammaaday ayaa xildhibaano badan oo Golaha deegaanka ka tirsan oo uu hormood u yahay Maayarku waxay bilaabeen qorshayaal jaantaa rogan ah, dabadeed, waxa la helay dhul dadka lihi Masaakiin yihiin oo aanay awood lahayn, sahankii wuxuu soo helay dhul dad leeyahay, dhulkaasina wuxuu noqday Xaafadda Siinay dusheeda. Dabadeed, dhulkaa dadkii lahaa oo taagan oo Xay ah in laga faro maroojiyo ayaa lagu tashaday.

Haddii aan halkaa aan ka hadlayo taariikh ahaan ku noqdo, halka ay ku taalo Birta Dheer ee Shirkadda Telesom dhinaceeda Bari ayaa waxa joogi jiray Inamo Mujaahidintii SNM ahaa, waxa kale oo iyana jiray inamo 12 ahaa oo Jimciyadii Sooyaal maamuladii Dawladda hoose ee hore waraaq ay u qoreen oo ay yidhaahdeen dhul siiya, inamadii Maamuladii Dawladda hoose ma siinin wax dhul ah, sidaa daraadeed, waxay u yimaadeen Duqa hadda, isaguna wuxuu ku dhiiri geliyay in 12-kii inan ay ka dul dagaan inamadii hore u joogay dhinaca Bari ee Birta shirkadda telesom, waxaanu ku yidhi anigaa idiin qaybin doona. Sheekadii muddo waxay socotaba waxay isu beddeshay in duqa Caasimadda iyo xubno golaha ah oo ay isku qadhaabtaan inay dhulkii Inamadaasi la isaga daba geeyay in gacantooda laga saaro oo si hoos hoos ah dad gaar ah looga iibiyo, inamadana la yidhaahdo dhulka waa la idiin qaybinayaa, dabadeed, labadii Dhallinyaro ee uu Maayarku iska dul geeyay ayaa wakhti wakhtiyada ka mid ah waxa dhex maray waxoogaa Xurguf ah, kaas oo soo gaadhay golaha deegaanka, dabadeedna goluhu wuxuu isku raacay in halkaa la yara hakiyo intii muddo ah aan waxba laga qabanin, khaladka ugu weyn ee Maayarku sameeyay waxa weeyaan ilaa maalintaas goluhu xayiraada dhulka saaray ilaa maalinkaa maanta ah oo aan xayiraad laga qaaday jirin dhulkii badhna cid baa laga iibiyay badhna cid gaar ah ayaa loo sameeyaaâ€, waxa uu Kayse isaga oo hadalkiisa sii wata intaas raaciyay

 

 

“Markii Dhulkii Inamadii gacantoodii ka baxay, ayaa Duqii Caasimadu inamadii wuxuu dusha ka saaray dad kale oo ah dad Masaakiin ah oo dhulkoodii la soo sahansaday, dhulkaas oo ku yaala Xaafadda Siinay dusheeda.

Md.Kayse waxuu sheegay in dhulka Xaafadda Siinay ee ciidanka la dul geeyay uu Maayarka ka duubay Cajalado Fiidyow ah oo uu u qaybiyay Qurbo jooga Reer Hargeysa ee ku nool dalka Ingiriiska, “Duqu wuxuu Fiidhyow ka duubay Eeriyada hore ee Dhallinyarada Mujaahidiinta ah uu ka iibiyay iyo dhulkan uu hadda ciidanka dul geeyay, waxaanu cajaladaas u qaybiyay Jaaliyadaha dibadda, oo anigu waxaan ku daawaday ingiriiska, oo wuxuu yidhi ‘dhulkaas ayaan hayaa cidii dhisanaysaay shirkadayda ayaan idiin dhisaysa, duqu waxaanu garanayn marka uu isagu dulmi xambaarto in dulmigii docdiisa fadhiisanayo.â€

Md.Kayse Yuusuf Cali, waxa uu Xukuumadda Somaliland ugu baaqay inay dhulka danta guud ah ka wareejiso Golaha Deegaanka Hargeysa oo ay ku wareejiso Wasaaradda Hawlaha Guud, “Waxa kale oo aan Xukuumadda Somaliland u soo jeedinayaa inay Hanti dhawr u soo dirto khasnadda Dawladda Hoose. Waayo? Waxa laga biilayaa Guddi uu Maayarku u samaystay dhulkaas Siinay oo uu ula baxay Guddiga Masalaha.â€

 

Author: Eng.Kayse, Waxa soo weriyay Rambo

 

WWW.HARGEYSANEWS.COM

Share this post


Link to post
Share on other sites

I'm beginning to believe Sland authorities are more pro-Somali Weyn than Pland. An author called Farah Mahamud Yusuf, the brother of Burmadow, also stated that Hargeisa is the mother of corruption after his visit to the city. To arrest this MP for actually 'doing his job as an MP' is amazing. Pland-Sland dispute aside, what the hell is Sland doing?

 

I hope AllPuntland will report this incident in English. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

MP arrested, not mentioned why, days earlier he critised the mayor. This is a joke but not a suprise to me.

 

Riyaale & co are doing whatever they want no matter what.

 

Good luck SL

Share this post


Link to post
Share on other sites

"Xildhibaan Kayse Yuusuf Cali, oo ka mid ah Mudanayaasha Golaha Deegaanka Hargeysa "

 

A local Hargeisa region council member becomes a "Somaliland MP"

 

Over excitement I say, over excitement. Nothing more! :D

 

Btw, you get handsome returns for you well done service you have for SOL, if I might presume? Good luck harvesting pal. :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this