Sign in to follow this  
xiinfaniin

The Kismayo Situation

Recommended Posts

....Waxaa caawa lagu dilay Allaha u naxariistee gudaha magaalada Kismaayo nin rayid ah oo ku cusbaa magaalada ,ninkaa rayidka ah ayaa waxaa dil toogasho ah u geystay koox hubeysan ,ninkaan rayidka ah ayaa waxaa lagu dilay xaafada Calanley iyadoo kooxdii dilka geystayna ay baxsadeen.

 

Dhagarqabayaasha dilka geystay ayaa waxaa ay ka faaiidaysanayaan habac sanaa soo gashay amaanka magaalada ka dib markii ay ciidanka amaanka ee magaaladu ay ku kala biireen xoogagga Islaamiyiinta ee ku sugan Kismaayo si uu caawa noo sheegay masuul ka tirsan 2 kooxood ee Kismaayo mid kood.

 

 

Odayaasha iyo gacansatada ku sugan gudaha Magaalada Kismaayo ayaa waxaa ay ka dhexwadaan xoogagga Islaamiyiinta dhexdhexaadin si xal looga gaaro khilaafka jira ,Odayaasha iyo ganacsatada ayaa waxaa ay la kulmeen Xoogagga Xizbul Islaam waxaan ay ugu baaqeen in ciidankooda in ay baro cayiman ay deji yaan iyo in maamulkii Magaalada Kismaayo uu sii shaqeeyo ilaa inta maamul la dhisayo,Madaxda Xizbul Islaam ayaa waxaa ay aqbaleen in ay ciidankooda ay baro cayiman dejiyaan balse waxaa ay diideen in uu sii shaqeeyo Maamulka Kismaayo waxaan ay odayaasha iyo gamacsatada u sheegeen in Al-shabaab iyo Xizbul Islaam ay u wada hadli doonaan meelna wax isla dhigi doonaan.

 

 

Dhinac kale odayaasha iyo ganacsatada ayaa kulan la qaatay xoogagga Al-shabaab waxaan ay ugu baaqeen in wadooyinka laga qaado ciidamada oo xarumo cayiman la geeyo iyo inay la joojiyaan dhufeysyada laga qodayo xaafadaha qaarkood arinkaas oo aan weli wax xal buuxa laga gaarin.

 

Masuuliyiinta ugu saraysa Xizbul Islaami iyo Alshabaab ee ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxaa ay wada dadaal la doonayo in lagu soo afjari khilaafka dhinaca Maamulka ah ee ka dhex aloosan xoogagga Islaamiyiinta ah ee ku wada sugan magaalada.

 

Masuuliyiinta Al-shabaab iyo Xizbul Islaami ayaa waxaa ay muujinayaan in aysan doonayn in ay ku dhex dagaalamaan magaalada khilaafkoodana ay ku dhamayn doonaan wada hadal,masuuliyiinta Xizbul Islaami ee ku sugan Kismaayo ayaa waxaa ay mideeyeen ciidankoodii waxaan ay u magacaabeen 2 taliye iyadoo la filayo in maamulka Xizbul Islaam ay soo dhisi doonaan maalmaha soo socda.

 

Isku soo wada duubi waxaa la rajaynayaa in magalada Kismaayo uu ka bilowdo wadahadlo u dhexeeya xoogagga Islaamiyiinta ka dibna ay maamul midaysan ku dhawaaqi doonaa walow aan la saadaalin karin wax dhici kara balse dad badan ay filayaan in xoogagga Islaamiyiintu aysan ahayn qabqablayaal dagaal oo ay wax uu ku hishiin doonaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

...Afhayeenka maamulka Islaamiga ah ee magaalda Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali oo maanta shir jaraa’id u qabtay gudaha magaalda Kismaayo ayaa wax kama jiraan ku tilmaamay wararka sheegaya in isbadal dhinaca maamulka ah uu ka dhcay magaalada Kismaayo ee xarunta G/J/hoose.

 

Shekh Xasan Yacquub ayaa sheeay in wararka sheegaya in isbadal dhinaca maamulka ah uu ka dhacay magaalada Kismaayo ay yihiin kuwo been abuur isla markaana aysan jirin masuuliyiin iyo ciidamo ka tirsan maamulka Kismaayo oo ka baxay magaalada wuxuuna shaaca ka qaaday Shiikhu in ay gabi ahaanba shaqeynayaan xafiisyadii maamulka ciidamadii amniga & dhamaanba masuuliyiintii maamulka.

 

Haseyeeshee Sheekh Xasan Yacquub ayaa mar ay saxaafadda wax ka weydiisay in waan waan nabadeed iyo wax wada hadal ah ka dhexeeyaan ayaga iyo ururka Xisbul Islaam ee 48-dii saac ee aynu soo dhaafney soo buux dhaafinayey magaalada ayaa waxa uu sheegay in uusan jrin wax cilaaqaad ah oo dhex maray iyaga iyo Xisbul Islaam isagoona intaasi sii raaciyey in ay raggani ka baxeen balantii aheyd in ciidamo ka madax bannaan kuwa amaanka ee maamulka Islaamiga ee magaalada Iismaayo aysan amar la’aan soo gali karin gudaha magaalada balse wuxuu Shiikhu ka gaabsaday inuu faah faahin dheeri ah ka bixiyo tallaabada ay qaadayaan ayaga ka maamul ahaan

 

Inkastoo masuulkani uu sheegay inuusan jirin isbadal dhinaca maamulka ah ayaa haddana waxaa jira dhaqdhaqaaqyo ciidan iyo xiisado colaadeed oo laga dareemayo guud ahaanba magaalada Kismaayo, hase ahaatee waxaa dagaal ka dhaca magaalada ka dhiidhiyey shacabka reer Kismaayo kuwaaso soo abaabulay banaanbax ballaaran oo ay ka qeyb qaadanayeen kumanaan dad ah oo isugu jira haween, caruur iyo dad da’ah kuwaasi oo socdaal dheer ku soo maray waddooyinka waa weyn ee magaalada Kismaayo iyo xarumaha maamulka waxaana dadkani banaanbaxayaasha ah oo watay makarafoono iyo qalabka codka baahiya ay ku dhawaaqayeen erayo ay ka mid yihiin dagaal diimeed dooni meyno iyo erayo kale oo ka dhan ah dagaal ka dhaca magaalada Kismaayo isla markaana dhexmara xoogagga Islaamiyiinta waxayna intii uu socday banaanbaxani dhamaanba Al-baabada leysugu dhuftay qeybo ka mid ah suuqyada iyo goobihii ganacsi ee gudaha magaalaada Kismaayo, ayadoona ugu dambeyntii dadkii banaanbaxayaasha ahaa ay isugu soo xoomeen fagaaraha weyn ee beerta xoriyadda ee bartamaha magaalada Kismaayo

 

Laman oga waxa uu banaanbaxani ka badali doono xiisadaha colaadeed iyo siyaasadaha isdiidan ee ka soo cusboonaaday xaruntata Gobolka Jubbada Hoose.

Share this post


Link to post
Share on other sites

...DKMG ee soomaaliya ayaa sheegtay inay soo dhaweynayso isbadalkii ka dhacay magaalada Kismaayo ee lagaga saaray madaxdii maamulkii Al-shabaab ee magaalada ka arimin jiray.

 

Wasiiru dowlaha arimaha gudaha ee DKMG C/rashiid Xidig ayaa sheegay in dowladu ay soo dhaweynayso isbadalka islamarkaana ay shacabka Kismaayo ugu baaqayaan inay xoojiyaan nabada iyo xasiloonida magaalada.

 

Wuxuu sidoo kale wasiirku xusay in maamulkii kasoo horjeeday DKMG ee magaalada ka talin jiray ay meesha ka baxeen.

 

Hadalka ka soo yeedhay wasiiru dowlaha ayaa ku soo beegmaya iyadoo maamulkii ka arimin jiray magaalada Kismaayo ay magaalada isaga baxeen kadib markii ay magaalada soo galeen ciidamo lixaad leh oo aad u hubaysan oo uu horkacayey Madaxa Ururka Xisbul islaam ee Jubooyinka Axmed Maxamed Islaan(Axmed Madoobe).

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Fighters loyal to Somalia's Islamist faction Al Shabaab have withdrawn from the important southern port of Kismayo, Radio Garowe reports.

 

Fighters loyal to Ras Kamboni Brigade and Anole have poured into Kismayo, forcing the bulk of Al Shabaab guerrillas to peacefully leave the port town overnight Saturday, local sources told Puntland-based Radio Garowe.

 

Some Al Shabaab elements are still in control of the police station and the city is calm, the sources added.

 

Al Shabaab fighters have regrouped in the agricultural town of Jamame, located north of Kismayo, but also in Lower Jubba region.

 

Ras Kamboni and Anole are part of four factions that merged to form Hizbul Islam in Feb. 2009, with Sheikh Hassan Dahir Aweys as chairman. Sheikh Hassan "Turki" Abdullahi, the leader of Ras Kamboni, is the deputy chairman of Hizbul Islam faction.

 

Sheikh Ahmed "Madobe" Mohamed, a key ally of Sheikh Turki, led Hizbul Islam fighters into Kismayo and seized control of key locations of the town.

 

In recent days, Sheikh Turki has publicly opposed Al Shabaab's declaration of an administration in Kismayo that excludes other powerful groups, namely Ras Kamboni and Anole. Both Ras Kamboni and Anole represent local clans, who fought alongside Al Shabaab to overthrow warlord Barre Hirale in Aug. 2008.

 

The U.S. and Australian governments have blacklisted Al Shabaab as a terrorist organization. On Sep. 17, Al Shabaab suicide car bombers killed African Union peacekeepers in the Somali capital Mogadishu, killing 21 people

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka Islaamiga Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka j/hoose ayaa ugu baaqay dadka deegaanka in ay ka qeyb qaataan dhex dhexaadinta xoogaga islaamiyiinta ee Murunka uu u dhaxeeyo.

 

Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Maamulka Magaalada Kismaayo Sheekh C/qani Max’ed Yuusuf ayaa dadweynaha ku dhaqan Magaalada Kismaayo ee Xarunta gobolka J/hoose ugu baaqay in ay ka qayb qaataan isku keenida dhamaan Ururada islaamiyiinta ee ka jira guud ahaan gobolada jubooyinka isagoona sii raaciyay in ay jiraan dad cadow ku ah in la helo awood islaami ah oo ka aas aasanta jubooyinka.

 

“Waxaan ka Codsanaynaa dadweynaha reer Kismaayo in ay isku keenaan Walaalaha Mujaahidiint sida Xisbul Islaam ay isugu keeneen 4 group dadkii ahaa,waana in la raadiyo midnimada walaalaha si ay u wada difaacaan diinta iyo towxiidka Alle” ayuu yiri Sheekh C/Qani Max’ed Yuusuf.

 

Hadalkan ka soo yeeray Gudoomiye ku xigeenka koowaad ee Maamulka Walaayada Magaalada Kismaayo Sheekh C/qani Max’ed Yuusuf ayaa ku soo beegmaya xili maalmihii ugu dambeeyay gudaha magaalada Kismaayo laga dareemayay dhaq dhaqaaqyo ciidan kuwaasi oo ay samaynayeen xoogaga islaamiyiinta ee ku sugan gudaha magaalada Kismaayo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Darsano ciidamo ka tirsanaa maamulka diidan xilwareejinta ee Kismaayo ayaa la sheegey in ay caawo kusoo biireen kuwa Xisbul Islaam ee degen Xerada Congo ee Kismaayo.

 

 

Tani waxay ka dambeeysay khilaaf la sheegey in uu tan iyo horaantiiba ka dhexjirey taliska iyo ciidamada maamulka, markii hore waxaa la’isku khilaafay dagaal looga hortagi lahaa Sheekh Axmed Islaam oo magaalada soo galayay.

 

 

Walow aysan jirin cid si rasmi ah uga hadashay arrinkani ayaa hadane waxaa naloo sheegey in ay tani dhacday kadib hadalkii sida weyn warbaahinta u faafisey ee Sheekh Axmed Islaam oo Kismaayo looga dareemey si ka duwan wixii laga filayay ama fikirkii laga qabay ee horey looga faafiyey, ayna faafisey idaacada Andulus.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Kamaavi   

Madaxdii Maamulka diidan xilwareejintii lagu balansanaa ee Kismaayo ayaa kasoo laabtay magaalada Jamaame oo ay u baxeen maalmo kahor, tani waxay ka dambeysey markii uu baaqday dagaal la filayay, lana bilaabay dhexdhexaadin, dhanka kale Khilaaf lacag ku saabsan ayaa soo ifbaxaya

 

 

Shir Jaraa’id oo uu manta Kisaayo ku qabtay Afayeenka maamulka Islaamiga ah e Kismaayo Sh. Xassan Yacquub ayaa sheegey in ay magaalada joogaan, wuxuuna dafirey in ay magaalada ka baxeen, hase yeeshee waxaa la sheegey in ay magaalada uga baxeen dhanka Jamaame oo ay haatan kasoo laabteen.

 

 

Soo laabashadooda ayaa waxay ka dambeysey markii uu baaqday dagaal si weyn looga cabsi qabay in uu magaalada ka dhaco, iyo waliba waanwaan socota meel wanaagsana maraysa.

 

 

Dhanka kale illo xog-ogaal ah ayaa noo sheegey khilaaf u dhaxeeya xubnaha maamulka oo ku saabsan lacag dhan $57 kun doolar oo mas’uul ka tirsan maamulka uu u direy meel Soomaaliya dhexdeeda ah, shati ama waraaq qaansheeg ah oo laga heley mid ka mid ah xawaaladaha ayaa muujineysa magaca qof ay walaalo yihiin mas’uulka lacagta direy oo ku nool halka lacagta loo dirrey.

 

 

Dhaqaalaha kasoo xaroodo dekeda iyo garoonka Kismaayo waa waxa salka u ah khilaafka haatan ka taagan Kismaayo, iyadoo koox kasta ay dooneyso in ay iyadu maamusho, taana waa xaqiiq aanan laga gaban Karin keenteyna in cid kasta oo xil loo magacaabay ay diido in xilkii laga badalo

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamulka Islaamiga ee Magaalada Kismaayo ayaa shacabka Magaaladaasi waxaa uu ugu baaqay in ay iska difaacaan dulmi uu sheegay in uu ku hayo Sheekh Axmed Islaam oo ka mid ah garabyada hubaysan ee halkaasi ku sugan

 

Afhayeenka Maamulka Islaamiga ee Magaalada Kismaayo Sheekh Xasan Yacquub Cali oo Saakay la hadlayay Idaacada Andulus ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu Walaalayada Islaamiga ee ka arimisa gobolada Jubooyinka uu ugu baaqay in ay difaacdaan maamulkooda mudada sanadka ah ka soo jiray magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose.

 

Sheekh Xasan Yacquub ayaa hadalkiisa waxaa uu ku weeraray Sheekh Axmed Max'ed Islaam (Madoobe) oo ka mid ah saraakiisha Ururka Xisbul Islaam ee jooga Magaalada Kismaayo,waxaana uu ku eedeeyay in haatan wado qorshayaal qabiil taasoo uu ku doonayo in lagu bur buriyo walaayada islaamiga ee Magaalada Kismaayo sida uu hadalka u dhigay.

 

“Waxaa la rabay Qoryaha ay wataan hadii ay qoryo masulimiin yihiin oo kuwa shareecada islaamka lagu difaacayo yihiin in ay ku jiihiiyaan Xaduudaha ay ka soo kaceen ee dhooblay iyo kuwa kale oo ay dhoobanyihiin kuwii nasaarada ahaa”ayuu yiri Sheekh Xasan Yacquub Cali.

 

Waxaa uu tilmaamay in hadii aan la difaacin shacabka Magaalada Kismaayo in ay dib u soo laaban doonto dhibaatooyinkii horay magaaladaasi ugu taagnaa taasoo uu sheegay in shacabka lagu xasuusinayo burcadnimadii ka jirtay Magaalada Kismaayo sida uu hadalka u dhigay isagoo intaasi ku daray in arinka haatan la hurinayo uu yahay arin qabiil.

 

Sheekh ayaa waxaa uu tilmaamay in arintaani ay go’aan ka tahay Maamulka Islaamiga ee Magaalada Kismaayo isagoo shacabkana u sheegay in hadii ay is garab taagi waayaan ay iyagu ka go’antahay in ay dagaalamaan oo ay isdifaacaan.

 

Afhayeenka maamulka islaamiga ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa uu ku eedeeyay Sheekh Axmed Max’ed Islaam (Sheekh Axmed Madoobe) in uu bur burinayo Maamulka Islaamiga ee ka jirta Magaalada Kismaayo.

 

Marka laga soo tago baaqaan isdifaacida ee ka yimid maamulka Islaamiga ee Magaalada Kismaayo ayaa waxaa wararka ka imaanaya magaalada Kismaayo ay sheegayaan in saakay la kala diray dhamaan ardaydii iskuulaadka ku yaala magaalada Kismaayo iyadoo laga cabsi qabo dagaal saakay halkaasi ka dhaca.

Share this post


Link to post
Share on other sites
kyz   

I hope Anole and Rascanboni will win this important match . This two groups are moderate and can be dealt with , they are politacaly motivated unlike blood thirst Alshabaab terrorist.

government should open talks with this men.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this