Sign in to follow this  
General Duke

Garowe: Puntland Parliment passes new constitution

Recommended Posts

Kalfadhigii aan caadiga ahayn ee Golaha Wakiilada Puntland ayaa waxaa maanta ka soo qaybgalay Madaxweynaha Puntland Dr.Cabdiraxmanaa Maxamed Faroole, iyo Golaha Wasiiarada Puntland.

 

Kaldfadhigan ayaa waxaa maanta si aqlabiyad ah loogu ansixiyey loona meel mariyey dastuurka Puntland, sida uu u sheegay Horseed Media Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Cabdirashiid Maxamed Xirsi, waxaa cod aqlabiyad ah ku meel mariyey 58 xildhibaan, kadib dood iyo niqaash muddo dheer soo qaatey.

 

Sadexdii Asbuuc ee u danbeysey ayaa golaha wakiiladu waxa ay ka doodayeen dastuurka cusub ee Puntland, waxaa sidoo kale arintan kala shaqeynaayey Shariciyaqaano, mase jirin wax qodobo ah oo ay soo bandhigeen in ay wax ka bedeleen ama ku dareen.

 

Ansixinta Baarlamaanka ee Dastuurka iyo Xukuumadda ayaa ahaa mid saxaafadda loo diidey waxaase markii danbe warfidiyeenka u waramay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada.

 

Sources Horseed media

Share this post


Link to post
Share on other sites

Garowe: Baarlamaanka Puntland oo meelmariyey Dastuurka Puntland.

15. juni 2009

 

Garowe(AllPuntland)- Fadhi balaaran oo ay maanta iskugu yimaadeen xubnaha golaha baarlamaanka ee Puntland ayna ka qeybgaleen madax badan oo ka tirsan dowlad gobaleedka Puntland, ayaa ugu dambeyntii ay Mudanayaashu uga doodeen howlaha dastuurka Puntland.

 

Gudoomiyaha baarlamaanka iyo Madaxweynaha oo fadhiga fadhiyey ayaa hadalo ay ka jeediyeen xarunta golaha wakiilada ka dib waxa ay ka codsadeen Mudanayaasha baarlamaanka in ay ansixiyaan dastuurka Puntland.

 

Xildhibaanada baarlamaanmka ayaa cod aan kala har laheyn ku taageeray dhaqan galka dastuurka cusub ee Puntland, waxa ayna sheegeen in ay lama huraan tahay in deg deg loo hirgaliyo dastuurkaasi oo ay mudo dheer Puntland waqti ku bixisay.

 

Xildhibaanada ayaa ansixiyay Dastuurkii Puntland, waxaana maanta laga bilaabo Dastuurkaasi loogu dhaqmayaa si KMG ah tan iyo inta loo helayo codka dadweynaha Puntland.

 

Talaabadan waxaa soo dhaweeyey Xildhibaano iyo wasiiro ka tirsan dowlad gobaleedka Puntland oo ku sheegay mid horumar weyn gaarsiin doonta Puntland.

 

F. C. Geylan

AllPuntlan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Baarlamaanka Puntland oo ansixiyey dastuurka cusub & xukuumada M/weyne Faroole.

 

Garowe, June 15 | Kalfadhigii aan caadiga ahayn ee todobaadadii la soo dhaafay u socday mudanayaasha golaha wakiilada ee Puntland, darsayeyna dastuurka Puntland, ayaa maanta cod aqlabiyad ah ku ansixiyey dastuurka cusub ee Puntland oo noqon doona midka lagu hagi doono Puntland mustaqbalka.

 

Doodo muddo socday kadib ayaa mudanayaasha baarlamaanku ay maanta qalinka ku duugeen dastuurka cusub oo sida qorshuhu yahay afti dadweyne loo qaadi doono, noqonna doona dastuurka rasmiga ah ee Puntland.

 

Afhayeenka baarlamaanka Puntland oo fadhiga golaha ka dib la hadlay saxaafada ayaa sheegay in goluhu uu cod aqlabiyad ah ku ansixiyey dastuurka cusub ee Puntland.

 

58 ka mid ah 66-ka mudane ee baarlamaanka Puntland ayaa u codeeyey meelmarinta dastuurka (88%).

 

Waxaa sidoo kale isla fadhigii maanta ee golaha wakiilada lagu ansixiyey xukuumada M/weyne C/raxmaan M. Faroole.

 

M/weyne Faroole oo la hadlay mudanayaasha baarlamaanka codaynta ka hor ayaa ka xog waramay wax qabadaka xukuumadiisa 5-tii bilood ee ay jirtay, dulmarna ku sameeyey hawlgalinta wasaaradaha, joogtaynta mushahaaraadka shaqaalaha iyo ciidamada, hawlgalada amni ee ay ciidanka bilaysku ka fuliyeen magaalooyinka Puntland, la dagaalanka burcad badeeda, tahriibka, dhismaha hay'ado dawli ah oo qaabilsan adeegyada bulsho, hanti-dhawrka iyo hirgelinta nidaam talo-wadaag, siyaasi ah oo ka hanaqaada Puntland.

 

M/weyne Faroole ayaa midanayaasha baarlamaanka sheegay in xukuumadu ay qaadatay talooyinkii baarlamaanka ee dastuurka, sidaa darteedna ka codsaday mudanayaashu in ay taageeraan, kaalintoodana ka qaataan hirgelinta nidaamka dimuqraadiyaynta ee Puntland iyaga oo xeerinaya duruufaha dhaqaale, siyaasadeed iyo bulsho ee lagu jiro.

 

Waa markii 4-aad ee is-badel lagu sameeyey dastuurka Puntland, iyada oo xukuumadihii isaga dambeeyey Puntland ay mid waliba heer soo gaarsiisay, hadana lagu guulaystay in la gaarsiiyo heer gabogabo ah.

 

Dastuurka ayaa waxaa hore uu bilaabay dawladii M/weyne Cadde, balse aan ku guulaysan in uu meel maro, dawlada cusubise ay halkii ka sii waday, walow wax laga bedalay, laguna daray dhawr qodob.

 

Dastuurka cusub ayaa ka kooban 141 qodob, aanan la kulmin wax mucaarad ah, aan ka ahayn qaladaad qoraaleed iyo ilduuf ay sameeyey guddiga qoraalka iyo isku-dubaridka dastuurku, kuwaas oo gadaal laga saxay. Waxaa sidoo kale la meel mariyey talooyin ay soo jeediyeen mudanayaasha baarlamaanku.

 

Diiwaanka Wararka,

Idaacada Daljir.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somalia: Puntland parliament ratifies new constitution, Cabinet ministers

15 Jun 15, 2009 - 10:50:22 PM

 

GAROWE, Somalia June 15 (Garowe Online) - The regional parliament in Somalia’s semiautonomous Puntland State voted on Monday on the new constitution after weeks of debate, Radio Garowe reports.

 

The extraordinary session in the Puntland capital Garowe was chaired by parliament Speaker Abdirashid Mohamed Hersi and attended by 58 MPs of the 66-seat Puntland parliament.

 

Dr. Abdirahman Mohamed “Farole,” the president of Puntland, gave the keynote address and told lawmakers that the political and security situation in Puntland is stable while underscoring that the region has improved its international standing in recent months.

 

Puntland MPs listened to the Presiden’s speech, who called on the lawmakers to vote on the new constitution and ratify the Council of Ministers that were appointed in January.

 

When the MPs voted, both the new constitution and the Cabinet were ratified unanimously without any changes being made to the region’s new constitution, which calls for a multi-party political system among other major reforms.

 

President Farole officially opened the ordinary session of the Puntland Parliament, which opens every year on June 15. The extraordinary session ended with lawmakers approving the 2009 budget, the Council of Ministers and the new constitution.

 

Afterwards, President Farole led a vehicle convoy out of Garowe en route to the Gulf of Aden port city of Bossaso, from where he is expected to fly to Washington, D.C., on an official invitiation.

 

Source: Garowe Online

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

Nidaamka Axzaabta waa la ogolaaday ma aha?

 

How come no one is rushing into the formation of political parties.... waa loo fakarayaa miyaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^LOool, seriously Xiin, we have to come up with a funny Hizb and head home... even Hizbul SOL will do... just beat them to making history as the first formed Hizb, no need winning :D

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this