Sign in to follow this  
Siciid1986

Qaybo Ka Mid Ah Qoyska Ina Riyaale Oo Qaxooti Isku Dhiibay Wadanka Faransiiska

Recommended Posts

Xubno ka mid aha Jaaliyada Faransiiska oo ah kuwo ka soo horjeeda in ay Marwada Madaxweynaha Somaliland iyo caruurteedu is dhiibto, iyaga oo ku sababaynaya in ay sumcad-daro u tahay Somaliland iyo qaddiyada madaxbanaanida ayaa ku hawlan sidii ay arrinkaas u joojin lahaayeen.

 

Xubnahaas oo uu nagala soo xidhiidhay Ismail Yusuf Brakhad oo ah xubin muddo dheer joogay dalka Faransiiska ayaa sheegay in aanu niyad ahaan ama damiir ahaan aqbali karin, madaxweynihii ummada Somaliland dooratay ayaa xaaskiisii is dhiibaysaa. Waa arrin khiyaamo qaran ah, sababta laysku dhiibaa ama waa in ay noqotaa bini-aadanimo ama waa in ay noqotaa nabadgelyo-daro, labadaas ayaa mid ahaan ka jirtaa dalkayagii oo aanu ka soo cararay waa mid ku ah dhabar-jab iyo khiyaamo ummada Somaliland, qoraal ayaan gudbiyey oo meelo badan u gudbiyey si arrinkaas laysu hortaago, waxaana aan si cad u cadaynayaa Iskuulka ay dhigtaan iyo xaruntooda caafimaad ee laga diiwaanglieyey.

 

Wuxuu kaloo sheegay in ay ku joogaan dalka magacyo kale iyo Baasboor Jabuuti laga leeyahay, midaas lafteeda ayaa ah khiyaamo. Wuxuu yidhi Ismaaciil “ Waxaan uga digayaa ninka ummada Somaliland u jooga meeshan ee la yidhaahdo Cali Ismaaciil Xasan ee ah ku-xigeenka safaarada Somaliland in uu faraha kala baxo hawshan caruurta madaxweynaha ee uu qaxinayo, dalkoodii waa nabad, madax bay ka yihiin, ma jirto sabab uu arrintaas u sameeyaan, u caqli celi laakiin ha ku shaqaysan”.

 

Arrinka qaxa Marwada madaxweynaha iyo ubadkeedii ayaa ka dhaliyey dood badan ummada Somaliland ee degan dalka Faransiiska. Wixii ka soo kordhana kala socda saxaafada madaxabanaan ee Somaliland.

 

Codsi Gaar ah:

 

Bogga Somalilandfuture wuxuu codsanayaa in na loo soo gudbiyo ciddii haysa sawiradii xafladii maalintii doraad loo qabtay marwada Madaxweynaha, waxaanu ku balanqaadaynaa in aanu xifdin doono, weliba haddii ay kharash ku xidhan tahay aanu diyaar u nahay in aanu idinkala xaajoono ciddii haysa sawiradaas.

 

Somalilandfuture Online

 

http://www.somalilan dfuture.com/ee/index .php/weblog/more/daw lada_faransiiska_oo_ lala_socodsiiyey_joo gitaanka_marwada_mad axweynaha_iy/

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this