Sign in to follow this  
Garyaqaan2

Why blame Puntland without Fact!!!!

Recommended Posts

Soomaali waxeey tiraah daa hubsiino halgeela ayaa la siitaa.

 

Inta aadan falin Kafiirso

Alot people in here blamed puntland of departing somali refuge back to saudi. Your fears have no basis in fact why say something that actually didn't exists.

 

 

 

hadal kasoo yeeray qaar kamid ah Odayaasha Muqdisho kuna saabsanaa dad Puntland dib looga celiyay.

5. april 2007

 

 

--------------------------------------------------------------------------------

 

 

 

 

 

Boosaaso(AllPuntland)- Wasiirka maaliyadda Puntland Maxamed Cali Yuusuf Gaagaab oo ku hadlayay afka xukuumadda Puntland ayaa jawaab kulul ka bixiyay hadal kasoo yeeray qaar kamid ah odayaasha Muqdisho oo Puntland ku eedeeyay inay samaysay hayb sooc kadib markii ay celisay dad kasoo jeeda gobollada Koonfureed.

 

Warka kasoo yeeray Puntland ayaa u qornaa sidan:"-Waxaan ka xunnahay shakhsiyaadka fasiraadda qaladan oo muraadka siloon laga leeyahay ka bixyey dadkii socuudiga sida khasabka ah looga soo tarxiilay ee garoonka Galkacayo laga ciliyey .

 

Punland waxay leedahay arragti iyo mowqif ku aaddan dadka Soomalidda ah ee dibadaha laga soo tirxiilo ,

Puntland waa geyi Soomaaliyeed oo ay Soomaalinimadu macne weyn iyo qiima baddan ugu fadhido .

 

Waxaa magaalooyinka iyo tuulooyinka Puntland ku nool, Ka shaqaysta, deggan kana ganacsada kumyaal Soomaali ah oo ka kala yimid kana soo kala jeeda dhammaan gobolada Soomaaliyeed iyadoo aan hayb iyo qabiil loo fiiran, waxay la simayhiin walaalahooda degganka u dhashay oo ay walaaltinimo , xurmo iyo karaamo ku la nool yihiin .

 

Puntland dhaqan u ma leh in sida meel kale ka dhacda ay kooxo ama beelo deegaan Soomaaliyeed oo la wadaago dad kale ka xigsadaan oo ka sheegtaan .

 

Dawladda Puntland waxay dalalka adduunka ugu baaqday in aan Soomaalida la soo tarxiilin , waxaa hore garoonka Boosaaso laga soo celiyey dad Puntland u dhashay oo dalalka USA iyo holand laga soo tarxiilay .

Arrintaas oo ay Soomalidu gude iyo dibadba maamulka Puntland ku amaantay.

 

Maamulka Puntland ma oggola in Soomaali nabad gelyo xumo iyo daqaale sokeeye ka qaxday oo dalal shisheeye ciirsi bidday inay haddana darxumo kale iyo tarxiil la kulmaan iyadoo ay wax laga naxo tahay in kuwii dhibaatadaas iyo silicaas baday ay weli intii hartayna qaxinayaan.

 

Dawladda Puntland waxay 3.04.2007 go’amisey oo ay shirkadda dayaaradda jubba airlines ku amartay in dalka sucuudiga dib loogu celiyo 118 qof oo khasab Gaalkacayo loogu soo tarxiilay , iyadoo ay 1,000 qof oo kale oo 700 oo ka mid ahina haween yihiin ku urursan yihiin xabsiyada sucuudiga si kuwa la soo tarxiilay looga daba keeno.

 

Kuwa raadinaya inay dadka caadifad qabyaaladeed geliyaan oo ay Soomali marin habaaiyaan waa ogsoon yihin in dhamman 118-kii qof dib loo celiyey , iyadoo la oggolaaday in Gaalkacayo lagu dejiyo 9 qof kaliya oo xanuunsanaa kuwaas oo weliba ka soo jeeda gobolada Shabeelada hoose iyo banaadir .

 

Shakhassiyaadka isku deyaya inay dadka ******* waxaa la gudboon inay ka shaqeeyaan nabadda , midnimada , iyo soo celinta qarannimada , halka ay ka shaqeenayaan in la soo celiyo kuwii iyaga shalay ka cararay .

 

Soomaalida qurba joogga ahi waa ku soo laabanayaan dalkooda iyagoo aan khasab lagu soo tarxiilin markay ogaadaan in meel loo irkadaa ay ka horrayso

 

Puntland waa meesha keliya oo gabbaadka iyo hoyga u ah Soomaalida oo idil sidaas ayeyna u ahaan doontaa halka Soomaali lagu mideeyo.

 

Xukuumada Puntland iyadoo ka jir danqanaysa burburka Soomaali gaaray waxay kuwa weli Soomaalinnimada iyo dawladnimada diiddan u soo jeedinaysaa inay waantoobaan , inay xusuunaadaan in qabyaaladu tahay tan soomali dhigtay goobta foosha xun ee ay manta taagan tahay .

 

Dr Maxamed Cali Yuusuf

Share this post


Link to post
Share on other sites

Maamul Goboleedka Puntland oo beeniyay in ay Qowmiyad Takoor ku sameeyeen Dad laga soo tarxiilay Sacuudiga

 

Khamiis, April 05, 2007(HOL): Madaxweynaha Maamul Goboleedka Puntland Jen. Cadde Muuse Xirsi ayaa beeniyay in uu maamulkiisa Qowmiyad Takoor ku sameeyay dad laga soo tarxiilay Sacuudiga, wuxuuna caddeeyay in warkaasi uu yahay mid laga sameeyay maamulka Puntland.

 

 

 

Madaxweyne Cadde Muuse waxaa uu sheegay in ay jirto in diyaarad waday dad laga soo tarxiilay Sacuudiga dib looga celiyay Puntland, wuxuuna taasi ku macneeyay in ay la xiriirtay go’aan uu Maamulka Puntland ka qaatay guud ahaan dadka dib ugu loogu soo celinayo Soomaaliya.

 

 

 

“Dhowr jeer oo hore ayaan dib u celinay Dad la doonayay in dib loogu soo celiyo Soomaaliya, kuwaasi oo laga soo masaafurinayay Dalalka Ingiriiska, Holland iyo Mareykanka, tanina waxay qeyb ka tahay go’aankaas”ayuu yiri Madaxweyne Cadde Muuse oo sheegay in ay ahayd in ay diyaaradda dib ugu celiso halkii ay ka soo duushay oo ahayd dalka Sacuudiga, balse aysan ahayn in ay meel kale ku dejiso.

 

 

 

Madaxweyne Cadde Muuse waxaa uu sheegay in intii uusan noqon madaxweynaha Puntland ay mas’uuliyiin uu ka mid yahay horay uga soo horjeedeen in dadka qaxootiga ah ee dibadda u qaxay dib loogu celiyo dalka Soomaaliya, sidaas darteedna aysan jirin sabab uu haatan u aqbalo in dalka Soomaaliya lagu soo celiyo dad horay uga tegay dhibaato ka jirta aawgeed.

 

 

 

Inkastoo uu Madaxweynaha Puntland sidaan leeyahay hadana waxaa jira warar ka soo baxaya qaar ka mid ah dadkii rakaabka ahaa ee diyaaraddaas saarnaa, kuwaasi oo sheegaya in markii ay Diyaaradda ku dejisay Magaalada Gaalkacyo la kala soocay dadkii Diyaaradda wada saarnaa, isla markaana intii ka soo jeeday Deegaanada Puntland la dejiyay, halka intii kalena dib loo celiyay.

 

 

 

Diyaaraddan oo u kireysan Shirkadda Diyaaradaha Jubba Airways ayaa waday dad Sacuudiga laga soo tarxiilay oo tiradooda ay gaareysay 120 ruux, kuwaasi oo qorshuhu ahaa in laga dejiyo magaalada Muqdisho balse dagaallo ka socday aawadeed ay taasi suurtageli weysay.

 

 

 

Salaad Iidow Xasan (Xiis), Hiiraan Online

 

sxiis@hiiraan.com

 

Mogadishu, Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this