Sign in to follow this  
General Duke

Honest Xasan Turki admits foreign fighters helped the courts.....why did sharif lie

Recommended Posts

Sheekh X. Turki “Dagaalyahano ajanabi ah ayaa inaga barbardagaalamaya waayo"

 

Sheekh Xasan C/laahi Xirsi (Xasan Turki) oo ahaa hogaamiyihii garabka hubaysan ee maxakamadahii Islaamiga ee Gobolada Jubooyinka isla markaana ka mid ah dadka Mareykanku ay doondoonayaan ayaa wareysi dheer oo uu siiyay Barnaamijka Kulanka Maanta ee ka baxa Telefishinka Al-Jazeera wuxuu si rasmi ah ugu cadeeyey inay jiraan dagaalyahaniin shisheeye ah oo ka barbar dagaalamay maxkamadihii Islaamiga, iyadoo ay jiraan xiligana kuwa kale oo la jooga.

 

Wareysigan ayuu ku sheegay Xasan Turki in sababaha uu ugu biirey dagaaladii magaalada Muqdisho ee dhexmarey maxkamadihii Islaamiga iyo waliba Isbahaysigii la burburiyey ee la dagaalanka argagixisada ee ay ku mideysnaayeen qabqablayaashii Koonfurta Soomaaliya, ka dib markii dood ay qabatey BBC-da laanta Soomaaliga oo dhexmartey Xasan Daahir Aweys iyo Bashiir Raage Shiiraar uu Bashiir Raage ku tilmaamey in uu yahay Xasan Turki xubnaha argagixisada

 

“Bashiir Raage oo igu tilmaamay inaan ahay qof Argagixiso ah, ayaan aad uga carooday, iyadoo uu Sheekh Xasan sheegay inaan ahay Muwaadin Soomaali ah, waxaana go’aansaday inaan Ciiddamaddayda ku jiray Xeradda Tababarka Raas Kambooni ku soo biiriyo dagaalyahannadda Maxkamadaha Islaamka, waayo waxaan ogaa haddii uu Bashiir Raage ka guuleysto Maxkamadaha inuusan aniga I dhaafi doonin oo uu igu imaan doono Deegaanka Raas Kambooni, sidaasi ayaan dagaalka ku galey anigoo watey 21 baabuurta dagaalka waxaan degmada Kaaraan gaar ahaan waqooyiga Muqdisho dagaal kula galey Bashiir Raage oo aan k qabsadey hun fara badan” ayuu yiri Xasan Turki .

 

Xasan Turki oo ka hadlayey dagaaladii dhexmarey ciidamada DFMG ah iyo kuwa Itoobiyaanka oo dhinac iyo maxkamadihii Islaamiga ayuu wuxuu sheegay inay iyaga ka barbar dagaalameen dagaalyahanadii ajanabi ah, kuwaasi oo uu sheegay in qaarkood ay shahiideen kuwa la qabsadey iyadoo kuwa kale ay haatan la safan yihiin.

 

Sheekh Xasan Turki wareysiga uu siiyay Tv-ga Al-Jazeera wuxuu ku difaacay dagaalyahaniinta ajanabiga ah ee ay garabsadeen, taasi oo ku macneeyey in Muslimiinta ay yihiin walaalo, isagoo soo xigtey Aadayo qu’aanka ah iyo xadiista nabigeena Muxamed CSW, wuxuu si kulul wareysiga ugu sheegay in mar hadii madaxda sar sar ee DFKMG ah ay u yeerteen ciidamo Itoobiyaan iyo Mareykan isugu jira ay iyaguna u yeerteen dad uu ku tilmaamey walaalaheen.

 

Sheekh Xasan C/llaahi Xersi (Xasan Turki) waxaa kaloo wax laga weydiiyey qaabkii uu uga badbaaday Duqeyntii Diyaaradaha dagaalka ay ku qaadeen qeybo ka mid ah Goballadda Jubbooyinka, waxa uu sheegay inu u Fadlga Ilaahay ku badbaaday iyo muhiimadda Deegaanka uu joogo oo uu xusay inay leedahay ahmiyad Isrtaraatijiyadeed.

 

Sheekhu wuxuu sheegay sheegay inuu ku sugan yahay deegaan 700-Km u jirta xuduudka dalka Kenya, ama 500-Km xuduudka dalka Soomaaliya, waxaana uu xusay inaysan ka baqaynin duqeynta diyaaradaha, maadaama uu dhulku kaymo badan iyo biyo leeyahay.

 

Wuxuu sheegay inaanay jiri doonin wax wadahal ah oo ay lagalayaan dawlada Federaalka KMG, isagoo sheegay in dagaal oo kaliya uu kala dhaxeeyo Itoobiya iyo DFKMG ah, sidaasi si lamid ah ayuu u wareeray siyaasada Madaxweynaha Mareykanka gaar ahaan dagaalada ka socda Ciraaq, Falastiin, Lubnaan Afgaanistaan, iyo Soomaaliya oo ku tilmaamay in Mareykanku uu ka dambeeyo.

 

SBC International News Desk

Share this post


Link to post
Share on other sites

Raas-Kambooni: Sheekh Xasna Turki: “Al-Qaacida waa qeyb ka tirsan jirkeyga, dagaalada hada socdana waa maslaxada shacabka”

1. Oktober 2007

 

Raas-Kambooni(AllPuntland)- Sheekh Xasan Cabdullaahi Xersi “Turki” oo wareysi siiyay Talafeshinka Al-jaziira ayaa sheegay inuu ku sugan yahay meel xadka Kenya aan ka fogeyn oo ah howdka dhulka Soomaaliya ee Jubooyinka isagoo sheegay in aan halkaasi loogu geysan karin khasaare ka yimaada duqeyn dhinaca cirka oo Mareykanka ku soo qaadaan oo uu heysto meelo istaraatiiji ah.

 

“Al-Qaacida waa qeyb ka tirsan jirkeyga, dagaalada hada socdana waa maslaxada shacabka waana la wadayaa intii aan Cabdullaahi Yuusuf iyo Cali Geeddi la kulmi lahaayna waxaa ka sharaf fiican inaan la kulmo Generaal Gabre oo aan kula xaajoodo rasaas iyo madaafiic aan is dhaafsano” ayuu yiri Xasan Turki.

 

“Hadiiba Cabdullaahi Yuusuf uu keenay Mareykan iyo Itoobiyaan maxaa noo diidaya inaan keensano oo u yeerano walaalaheena Muslimiinta, kuwasoo horayna noola joogay hadana nala jiraan oo horay ugu qeyb qaatay dagaaladii ka dhacay Muqdisho iyo gobolada kuwaasoo qaarkood ay ku dhinteen,m kuwana la qabtay waan qirayaa” ayuuna sii raaciyay wadaadka ruuxiga ee ku sugan keymaha Raas Kiyambooni oo uu sheegay iney saldhig u tahay.

 

Xasan Turki waxaa uu caddeeyay in ay wadi doonaan weerarada lagu haayo ciidamada dowladda iyo kuwa Itoobiya oo uu sheegay in khasaaraha ka dhasha uu yahay mid shacbiga maslaxad u ah taasoo meesha ka saareysa xaquuqda ay leeyihiin dadka maadida ah ee dhibaatada ka soo gaareysa qaraxyada iyo weerarada ka`dhaca goobaha lagu dagaalamayo.

 

Dhinac kale Xasan Turki ayaa ka gaabsaday inuu ka hadlo shirka Erateriya oo ay saaxiibadiisii hore ay dhawaan ku dhawaaqeen isbaheysi xorreynaya sida ay sheegeen Soomaaliya balse Xasan Turki oo ka tirsan kooxda Al-Shabaab ayaa horay u diiday natiijada iyo ka qeybgalka shirka oo ay ku tilmaameen inuu yahay mid ay abaabuleen cilmaaniyiinta ayna habooneyn in laga qeybgalo.

 

Cali Muxiyaddiin Cali

AllPuntland, Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Hassan Turki is the leader of al-Ittihad al-Islamiya, an allied organization to the UIC, but he doesn't take orders from Sharif Sheikh Ahmed or Dahir Aweys.

 

Aden Hashi Ayro and Shabbab are the same.

UIC wasn't a monolithic thing, even the allied courts didn't always agree on things. The only place that had any unity was Mogadishu, because they created a Banaadir administration.

 

So for instance it is not at all contradictory for the UIC to say "we don't have foreign fighters" and al-Ittihad to have lots of them.

 

Turki isn't the UIC's military command in the insurgency. The UIC's commanders are Bilal and Indha'adde.

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^Thanks for the info adeer, though the honest sheikh is talking about the previous war. When he took over KARAAN as he said with the aid of foreigners. As for taking orders sharif ahmed claims that the shabaab are part of his organisation.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Sheekh Xasan Turki oo sheegay in dagaalyahano shisheeye oo ka bar bar dagaalamayay Golihii Maxaakiimta gacanta looga dhigay halka qaar kalena laga dilay.

 

(WYNet)Kismaayo:-Sheekh Xasan C/llaahi oo loo Yaqaano Sheekh Xasan Turki kana Mid ahaa Golihii Shuurada ee Maxaakiimta islaamiga ayaa shaaca ka qaaday in dagaalyahano ajaanib ah looga dilay halka qaar kalena looqa qabtay dagaalkii dhex maray Ciidamada Dowlada iyo Kuwa Ethiopia oo dhinac ahaa iyo Golihii maxaakiimta islaamiga Soomaaliyeed.

 

Sheekha oo waraysi siinayaya T.V-ga afka carabiga ku hadla ee Aljazeera ayaa sheegay in dagaalyahano badan oo ajaanib ah ay ka qeyb qaateen dagaaladii ka dhacay dalka soomaaliya kaasi oo dhex maray maxkamadihii Islaamiga iyo Hogaamiye kooxeedyadii Muqdisho iyo Dagaalkii dowlada Federalka Soomaaliya.

 

isagoo arintaasi sii faah faahinaya ayuu sheegay in muslimiinta ku dhaqan guud ahaan caalamka aysan kala aheyn ajaanib isla markana meel kasta oo ay joogaan isku gurman karaan ayna Dagaalyahano badan oo ajaanib ah ay ka qeyb qateen dagaaladii ay Golaha maxaakiimta islaamiga la galeen Hogaamiye Kooxeedyadii Muqdisho iyo Dowlada Federaalka Soomaaliya.

 

mar uu ka hadlayay qaabka ay haatan ku doonayaan in mar kale ay kula wareegaan Guud ahaan dalka Soomaaliya Ayuu sheegay in ay haatan ku jiraan diyaar garoow isla markaana ay dajiyeen nashqadii lagula dagaalami lahaa Ciidamada Ethiopian-ka ah ee ku sugan Gudaha dalka Soomaaliya.

 

Sheekh Xasan Turki mar wax laga weydiiyay in dhinacooda ay wada hadal la galayaan Dowlada federaalka Soomaaliya ayuu sheegay in aysan dalka ka jirin dowlada balse dalka uu iminka ka taliyo sida uu sheegay Jararaal Gabre aysana Muuqan sababo ay kula hadlaan dowlad hadii ay wada hadal la galayana ay la hadlayaan gabre kaasi oo hadalkoodu noqon doono Holac iyo xabad ay kala hortagaan Ciidamada Xooga ku qabaday Dalka Soomaaliya sida uu hadalka u dhigay.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Duke's prediction came true maxay somalidu dhehdaa "nin abeeso koriya isagaa u aayine". The people who use to support the khawaarij group alshabaab maanta way ka qowmameeyeen.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this