Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Bomb ..... In a Mosque ........ in Somalia ????? !!!!!!!

Recommended Posts

Masjidka weyn ee Magaaladda Guriceel ayaa laga soo saaray bam lagu aasay abaara saqdii dhexe oo culeeyskiisa lagu qiyaasay 30 ilaa 40 Kg.

 

Ciidamadda nabadsugida Ahlusunna Wal Jameeca ayaa gacanta ku dhigay sedex nin oo gaari watay,lana xaqiijiyay inay bamkaas ku duugeen masjidka weyn ee Guriceel.

 

Bamka Masjidka lagu duugay ayaa la sheegay inuu ahaa mid lala eeganayay waqtiga Salaadda subax oo la doonayay in lagu halaago jameecadda dukanaya salaadda maadama uu yahay masjidka ugu weyn Magaaladda.

 

Sedexda nin ee la qabtay ayaa qirtay inay ka tirsan yihiin Khawaarijta Al-Shabaab la baxday ee Somalia.

 

Afhayeenka goboladda dhexe ee Ahlusunna Sheekh Cabdi risaaq Ashcari ayaa sheegay in bamkaas ay ka war heleen saqdhexe,ka gadaal markii laga shakiyay iftiin yar oo ka bidhaamay masjidka dushiisa dambe.

 

Afhayeenka wuxuu tilmaamay in ragga la qabtay ,la yaqaan,lana horgeyn doono Maxkamad si cadaaladda loogu fuliyo.

 

Dhacdada naxdinta badan ayaa aad looga hadal hayaa Magaaladda Guriceel,waxayna sheekada ugu badan tahay in Khawaarijtu ,weerar ku yihiin dadka cibaadeeysanayo.

 

Waa markii ugu horeeysay ee Miinooyin ay ku xiraan Masjid alle,waxayna hore ugu caam ahaayeen inay dadka Salaadda u baxo ku sugaan ilinka Masjidka,kadibna dariiqyadda dhexe ku dilaan

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this