Sign in to follow this  
ansaar17

Dagaal xoogan oo caawa ka dhacay K/magaalada Muqdisho

Recommended Posts

ansaar17   

War deg deg ah

Mogadishu 11, March.07 ( Sh.M.Network) Dagaal qaraar oo la isku adeegsaday Madaafiic iyo rasaas xoogan ayaa ka dhacay agagaarka wasaaradii Hore ee G/dhigga ee magaalada Muqdisho , abaarihii 7dii fiidnimo ee caawa

 

Dagaalkaan oo socday ku dhowaad nusaac ayaa waxa uu u dhexeeyay kooxo hubeysan oo aan la garaneyn iyo ciidamada Ethiopia ee fariisinka u ah wasaaradii hore ee G/dhigga , iyadoo wali aan laga helin wax war ah oo ku saabsan sababta keentay dagaalka.

 

Lama oga wali qasaaraha uu geeystay dagaalkaasi hasa yeeshee dadka agaalada Muqdisho ayaa si aad ah u maqlayay sawaxanka madaafiicda waaweyn iyo rasaasta ee labada dhinaca ay is weydaarsanayeen.

 

Madaafiic iyo rasaas habow ah ayaa ku soo dhaceysay qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho, iyadoo ilaa iyo haatan wararku tilmaamayaan in Madfac uu ku soo dhacay Suuqa Bakaaraha hasa yeeshee wali lama soo sheegin qasaaraha uu geeystay.

 

Wasaaradii hore ee G/dhigga iyo Isbitalkii hore ee Digfeer ayaa waxa ay fariisin u tahay ciidamada dowladda Ethiopia, iyadoo halkaasina dhowr jeer oo hore ay ka dhaceen weeraro lagu qaaday ciidamada Ethiopia oo iyagu markasta jawaabo ka bixinjirey weerarada lagu qaado.

 

Wariyeyaal ka tirsan shabelle ayaa wali ku howlan ogaanshaha qasaaraha uu geeystay dagaalkaan oo ahaa mid aad u xoogan, iyadoo madaafiic dhowr ah oo ku soo dhacday xaafadaha Muqdisho wali aan la ogeyn waxyeelada ay geysteen.

Wixii ku soo kordha kala soco shabelle.net

 

Shabelle Media Network Somalia

Share this post


Link to post
Share on other sites
ansaar17   

War deg deg ah israsaaseen xoogan oo xiligaan ka socoto jidka warshada gar ahaan xaafada Balag Sii

Muqdsisho

 

 

Sida ay sheegayaan wararka laga helaayo xaafadaha Balaag Sii ilaa iyo Albark waxaa xiligaan dagaal xoogan ku dhaxmarayaa xooga kacdoonka kawada Muqdisho iyo Ciidamada Itoobiyaanka iyo kuwa Soomaalida .

 

Dagaalka Caawa oo u muuqda mid si fiican faraha leysku saaray ayaan la ogeyn wali qasaarahiisa dhabta ah madaama rasaasta dhaceysa ay tahay mid xoogan xiliguna yahay mi mugdi ah waxaase dhagahaada ay maqlayaan uun Rasaasta labada dhinac ay isweydarsanayaan taasoo ah mid aad u culus

 

 

Magaalada Muqdisho oo xiligaan laga cabsi qabo in sifiican leysku faro saaro madaama labada dhinac ay ku jiraan diyaar garoowgii ugu danbeyey

 

.

 

habeenadaan oo dadka reer Muqdisho ay ka reysteen dhagahooda madficii foorionaayey ayaa caawa loo baqaa dhagahooda madaama madfacaanu yahay kii qixiyey inbadan oo aan jeceleyn in hooygooda ay si sahal uga tagaan

Israsaaseenta labada dhinac oo galfsato dadka aan waxba galabsan ayaan hadan jirin cid u naxdo mar uun ka deyso rasaasta aan loomeyd dayeynin

 

La soco waxii soo kordha

 

 

News Update in English www.dayniileone.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Fanisha   

I hope in gaalada iyo gaalo raaca gamta loo joogsado. kuli wixii dadka masaakiintaa dulmi ku haya cadaabtii haka biyo cabaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

I hope in gaalada iyo gaalo raaca gamta loo joogsado. kuli wixii dadka masaakiintaa dulmi ku haya cadaabtii haka biyo cabaan.

Aamiin.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Wasaaradii hore ee gaashaandhigga oo weerar lagu qaaday iyadoo uu ka soconayo dagaal fool ka fool ah.

 

 

Muqdisho 11 March 2007 Waaga Cusub.com

 

 

7 qof ayaa ku geeriyootay 13 kalana way ku dhaawacmeen kadib markii Xoogaga New Syl ay weerar ku qaadeen Fariisinka Ciidamadda dowladda Itoobiya ee Ex Wasaaradii Gaashandhigga Muqdisho.

 

Dagaalka oo wali soconayo ayaa ah mid jilibka la isu laabay,waxayna labada dhinac isu adeegsanayaan hubka nuucyadiisa kala duwan ,iyadoo daryanka madaafiicdana uu gilgilay degaanadda ku xeeran oo dhan.

 

Dadka dhimashadda iyo dhaawaca soo gaaray ayaa u badan dad rayid ah,sida uu ku soo waramayo Wariyaha Waagacusub Cabdi Risaq Black oo ku sugan guri ku yaal duleedka dambe ee Gaashaandhigga.

 

Wariye Dahir Abdulle Alasow ayaa soo wariyay inuu arkay lix qof oo dhaawaca kuwaas oo ay ku dhacday xabad wiiftaa

 

Wariye Alasow waxaa uu sheegayaa in wali uu dagaalku soconayo uuna yahay mid xoog leh oo gilgilay degaanka oo dhan,isagoo dhinaca kalana xusay in dadka dhaawacaa ee uu la kulmay qaarkood loo la yahay gaadiid qaada si loo geeyo Isbitaaladda ku shaqadda leh.

 

Khasaarooyinka Dagaalkaas kala soco Waagacusub ilaa saqda dhexe ee caawa

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

When the situation gets out of control, the Ethio-Ugandan invasion forces will run away, will arming their Somali-slaves to protect themselves from the majority of Somalis be enough??

Share this post


Link to post
Share on other sites
BiLaaL   

Ethiopia and to a lesser extent Uganda, as well as doing their assigned jobs as slaves by their US masters are also trying to buy influence in any future Somali 'government'. Somalia has so much that they don't. Evicting them will not be easy. Inshallah we will inflict enough damage to make them realise that Somalia is not a place where you can buy influence or exploit, no matter how big your army may be.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this