Sign in to follow this  
General Duke

Red Sea: Puntland officers hold talks with NATO of coast. PICS

Recommended Posts

natopunt.jpg

 

Masuuliyiin ka Tirsan Puntland ayaa kulan kula yeeshay markab weyn oo nooca dagaalka ah Saraakiil ka socotey hawlgalka NATO ee la dagaalanka burcad badeeda, waxaana kulankaasi uu ka dhacay badda magaalada Bosaso.

 

Kulankan oo ay isku soo dubarideen saraakiisha ciidamada NATO ee labada dal ee Espania iyo Sweden ee ku sugan biyaha Soomaaliya ayaa lagu kulmay Markab dagaal oo ay leeyihiin ciidamada Espania oo lagu magacaabo Freigter Numencia, oo qiyaastii 10 mile meel u jirta Bosaso Baroosinka dhigtay, halkaasi oo ay ugu tageen saraakiil ka socotey laamaha amniga iyo wasaaradaha dekedaha iyo kalluumeysiga ee Maamulka Puntland.

 

Kulanka dhexmarey Puntland iyo saraakiisha ciidamada NATO ee hawlgalka la dagaalanka burcad badeeda ee ka dhacay Biyaha korkiisa waxaa looga hadlay sida loo sameyn karo iskaashi u dhexeeya Puntland iyo ciidamada NATO ee jooga Biyaha Soomaaliya ee ku jira la dagaalanka burcad badeeda, waxaa sidoo kale laga hadlay sida ciidamada hawlgalka Europe ee EU Nav For Somalia ay uga hawlgeli karaan xeebaha Puntland si looga hortago burcad badeeda.

 

Masuuliyiinta Puntland ee ka qeybgaley Madasha Kulanka waxaa ka mid ahaa wasiirka kaluumeysiga Eng. Maxamed Faarax, Wasiirka dekedaha C/risaaq Xuseen Gacayte, taliyaha booliska Puntland Col. Muuse Axmed Salax, Agaasimaha wasaarada dekedaha iyo kalluumeysiga C/weli Joocaar, Gudoomiyaha gobolka Bari Muuse Geelle Yuusuf iyo ku xigeenka duqa Bosaso.

 

Kulan gaar ah oo ay masuuliyiinta Puntland la qaateen saraakiisha hogaamisa ciidamada NATO ayaa waxaa kulankooda saxaafada uga waramay taliyaha ee ciidamada NATO ee Juan Garat oo u dhashey dalka Espania oo hogaaminayey ciidamada soo gaarey xeebta Bosaso.

 

Cap. Juan Garat sheegay in ciidamada NATO ay daneynayaan iskaashi ay la sameeyaan maamulada Soomaalida, waxaana uu xusay in maamulka Puntland ay isla garteen in Madal danbe laga yeesho Hawlaha la xiriira arrimahan.

 

Waxaa saraakiisha oo dusha sare ee markabka ugu waramay SBC International ay xaqiijiyeen sida ay ugu farxsan yihiin kulanka ay xeebta Boosaaso kula qaateen saraakiisha maamulka Puntland.

 

NATO waxaa qorshaha ugu jira inay Burcada kula Dagaalaman Bariga, si loo soo wiiqo Burcad Badeeda.

 

Wasiirka dekedaha ee Puntland C/risaaq Gacatye ayaa sheegay In Puntland wada shaqayn kala yeelan doonto NATO ka hortaga Burcada.

 

NATO waxay soo bandhigay dhoolatus ay ciidamada bada dusheeda ku sameeyeen ayagoo bandhigay habka ay u qabtaan burcad badeeda.

 

Ciidamada NATO waxay sidoo kale sheegeen in ay ka codsanayaan dadka arrimaha Burcad badeeda ku jira ay joojiyaan hawlahaas, Fikirkan waxaa Horaantii Bishan soo jeediyey mid ka mid ragga waaya arragnimada dheeraadka ah u leh Hawlaha Burcada oo lagu Magaacbo Abshir Booyax oo afduubay in ka badan 20 Markab, Ninkan wuxuu sheegay inuu ka waantoobay Hawlaha Burcad Badeednimada ayna ku daydaan Ragga Burcada Falalkeeda ku jira.

 

Saraakiisha Ciidamada Puntland waxay soo dhaweeyen Kulan ay la yeeshay Nato, Kulankan oo ah kii ugu Horeeyey oo ay yeeshan Puntland iyo Ciidamo doonaaya inay ka hortagaan Burcada ka qowlaysata Biyaha Hindiya iyo Gacanka Cadmeed.

 

Guud ahaan Amniga ayaa la sugay xilligii madasha Hadalka lagu jiray oo Cirka waxaa dulaayey diyaaradaha qumaantiga ku kaca, Baddana waxaa ku sugnaa Maraakiib ay wataan Ciidamada Espania iyo Sweden.

 

Ismaaciil Cumar Jaamac

Bosaso, Somalia

ismail.omar@hotmailc om

Share this post


Link to post
Share on other sites

^^^NATO led by the US have recognised the importance of Puntland in this and will start sharing information and coordinate the Pirate effort. Its a good start.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this