Sign in to follow this  
Xoogsade

Ciidanka gumeysiga Itoobiya oo xasuuq ka geystey degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa

Recommended Posts

Xoogsade   

Ciidanka gumeysiga Itoobiya oo xasuuq ka geystey degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa.

Beerdhiga 20.04.2008 15:25

 

Madaafiic xoogan oo ciidanka gumeysiga Itoobiya ku garaacayaan qeybo ka mid ah degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa ee magaalada muqdisho waxa ay geysteen dhimasho iyo dhaawac dad rayid ah oo guryihii ay deganaayeen ugu tageen madaafiicdu.

 

Madaafiicda lagu garaacayo dadka rayidka ah ee ku dhaqan qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho ayaa waxa laga soo ridayaa xeradii hore ee Asluubta, Gaashaandhiga iyo halkii horey u ahaa nirtey Jaaamacada Ummada oo dhamaantood ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan kuwa gumeysiga Itoobiya, oo inta badan madaafiicda dadka lagu xasuuqana ay ugu keydsan tahey.

 

Wararka laga helayo xaafadafa Waxaradace, Sos iyo qeybo ka mid xaafada Heliwaa waxa ay sheegayaan in madaafiicdii maanta halkaa ay ku garaaceen ciidanka gumeysiga Itoobiya ay geysteen khasaarooyin gaaraya 10 qof oo rayid oo isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

 

Sidoo kale ciidanka gumeysiga Itoobiya waxa ay saaka ku dileen xaafada Godey oo ka tirsan Xuuqa Xoolaha 3 qof oo midkood yahey odey waayeel ah oo guri halkaa ku yaala ilaashanayey, iyada oo sidoo kale 4 qof oo rayid ah ku diley saaka agagaarka masjidka Dabaqeynka ee Ex-Control Balcad iyada oo wararku intaa ku darayaan in mid ka mid ah dadkan rayidka ah ay ciidanka gumeysiga Itoobiya gowraceen.

 

Madaafiicda iyo xasuuqa sida sootka ah ciidanka gumeysiga Itoobiya ugu geysanayaan dadka rayid ah ee ku dhaqan qeybo ka mid ah degmooyinka Yaaqshiid iyo Heliwaa ayaa umuuqata in ciidanka gumeysiga Itoobiya uga gol leeyihiin sidii ay u aargoosan lahaayeen, ka dib markii dagaaladii Xooganaa ee shaley iyo maanta ay la galeen Xoogaga Mujaahidiinta Soomaaliyeed ka soo gaareen khasaarooyin badan oo dhimasho iyo dhaawacba leh, iyada oo maanta oo keliya ciidanka gumeysiga Itoobiya inta la ogsoon yahey laga diley 11 askari.

 

 

www.Beerdhiga.com

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this