Sign in to follow this  
DigibAc

Meeting of Powerful Somali Clan and Statement Issued

Recommended Posts

DigibAc   

An important Somali clan had a long meeting this week and at the conclusion of the meeting a short statement was issued.

 

I will try to translate the statement for our friends that are unable to read Somali. Here is a link to a story about the meeting and a link to the statement HERE

 

First I would like to say some words about the statement and what it might mean for the future of Somalia.

 

1, the South of somalia (and maybe the whole of somalia) can not have peace until there is peace between the clans of Somalia

2, the Somali people will not be at peace until there is justice and people have their rights under God

3, one of the rights that God gives to us is the right to live our lifes under His law and in freedom as a people

4, the TFG should stop what it's doing and send the forieng troops home

5, if the TFG does not take into consideration the statements and the wishes of the Somali people, we will see fighting in Somalia and no clan will be save from it

 

With that said, please find below the statment.

 

==============================================

==============================================

 

 

SHIRWEYNAHA BEELAHA ****************

Ku: Dhammaan beelaha Somaaliyeed.

Ku: Dowladda Federaalka

Ke: Beesha Caalamka

 

Ujeeddo: Baaq furan

1. Hordhac

Ka dib 16-sano oo dowlad la’aan iyo fowdo baahday dalku ku jiray, marka laga reebo 6-bilood oo ay Golihii Maxaakiimta Islaamiga Soomaaliyeed (GMIS) ku soo celiyeen kala-dambeyn iyo amni dalka intiisa badan, ayaa dalka hadda waxaa ka jira colaado ay sababeen dib-u-heshiisiin la’aan iyo joogitaanka ciidada Ethiopia ee aan ku imaan rabitaanka shacabka Soomaaliyeed. Waxaa intaasi dheer in Somalia weli lagu sii hagayo waddo aanay ka soo baxeyn maslaxadda Ummada Soomaaliyeed.

Hadaba si looga gudbo caqabadahaasi taagan waxaa kulan ballaaran oo ay ka soo qeyb galeen Duubabka, Odayaasha dhaqanka, Culumaa-u-diinka, Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Beelaha **************** isugu yeeray Golaha dhaqanka ee beelaha **************** oo wadatashi dheer ka dib soo saaray warmurtiyeedka soo socda:

 

2. Xadgudubyada dowladda FKMG:

· Keenista dalka ciidamo Itoobiyaan ahoo aan ogolaansho looga heysan Barlamaanka Soomaaliyeed, xabgudubna ku ah go’aankii Golaha ammaanka 1725 ee qeexayey in cidamada shisheeye ee dalka imaanaya aysan manaba ka mid noqon ciidamada dalalka safka hore.

· Soo rogista sharciyo xaalad deg-deg ah oo aan u adeegeneyenin degenaanshaha iyo xasiloonida dalka, halisna ku ah xoriyadda muwaadiniinta iyo hantidooda.

· Ku xadgudubka qaawan ee mabda’a awood-qeybsiga 4.5 ee ay dowladdu ku dhisan tahay..

· Magacaabista maamullada goobollada iyo degmooyinka taas oo si cad u jebineysa axdi-qarameedka.

· U aqoonsiga maleeshiyo-beeleed gaar ah ciidan qaran taasoo dhaawaceysa is-aaminkii bulshada xilligan xasaasiga ah.

· Ku garaaciska dadka rayidka ah madaafiic iyo hoowiyeyaal aan loo aaba yeelin geystayna dhimasho, dhaawac iyo barakac hor leh oo fara badan.

· Ku dhawaaqista shir dib u heshiisineed oo aan marnaba daaweyneynin is-maandhaafka siyaasadeed ee hadda jira isla markaana lagu marin habaabinayo beesha caalamka, soomaalida iyo tubta toosan ee loo mari lahaa dib u heshiisiinta.

· Dhaca hantida dadka danyarta ah.

· Boobkahantida guud iyo baneysashada midda sida gaarka ah loo leeyahay.

BAAQ

 

Haddaba ayada oo laga duulayo arrimahaas kor ku xusan ayey Duubabka, Odayaasha dhaqanka, Culumaa-u-diinka, Aqoonyahanka iyo Waxgaradka Beelaha **************** waxa ay soo saareen soona jeedinayaan baaqa soo socda:

 

Bulsho Weynta Soomaaliyeed

1. In bulshada Soomaaliyeed meel kasta oo ay jogtaba gacmaha is qabsato meelna uga soo wada jeesatoilaalinta midnimadeeda iyo qaranimadeeda.

2. In laga fogaado wax kasta oo horseedi kara dib u soo laabashada dagaalladii sokeeye ee sagaashameeyadii dhex maray beelaha soomaliyeed.

 

Dowladda FKMG

1. In laga joojiyo shacabka iyo maatida madaafiicda lagu garaacayo.

2. In la joojiyo lagana noqdo xukunka iyo shuruucda amniga ee deg-degga ah, kuwaas o ka soo horjeeda dastuurkakhatarna ku ah xoriyadda, sharafta, nafta iyo hantida muwaadiniinta.

3. In dowlad aan dhexdeeda heshiis ka aheyn, dadkeedana heshiis la aheyn qaban Karin shirweyne dib u heshiisineed.

4. In beesha **************** ay halkaan ku cadeyneyso in aysan jirin wax dagaal ah oo ay kula jirto beelo kale oo soomaaliyeed, isla markaana loo baahan yahay in dolwdda FKMG dib u heshiisiin siyaasadeed la furto guud ahaan xoogagga siyaasadda ee ka soo horjeeda gaar ahaana dowladda dhexdeeda iyo maxkamadaha Islaamiga

5. In qaabka xulashada ciidamada qaranka iyo magacaabista talisyadooda kala duwan uu noqdo mid isku dheeli tiran beel ahaan, muujinayaa ciidan qaran, isla markaaana dib loogu celiyo Puntland maleeshiyaadkii laga soo daabulay maadaama ay dowladdu tahay federal.

6. Ka hor inta aan la bilaabin barnaamijka hub ka dhigista waxaa lagama maarmaan ah in la helo qorshe iyo siyaasad cad oo la isla ogol yahay oo hubka looga dhigayo dalka oo dhan si siman, mana ogolin in beel khaas ah loo adeegsado hub ka dhigista beelaha kale ama hubkoodaba gacanta loogu geliyo.

7. In dowladda FKMG ka laabato magacaabidda maamullada gobollada. Ka hor inta aan maamul lo loo dhisin ogbollada iyo degmooyinka dalka waa in la is ogolaado qaabka loo dhisayo iyo wadiiqada loo marayo, si looga fogaado is maandhaaf siyaasadeed oo horseedi kara colaad hor leh.

 

Beesha Caalamka

1. In xoogga la saaro sidii looga saari lahaa ciidamada Itoobiyaanka ah ee dalka sharci-daradda ku qabsatay, kuwaas oo la hubo in joogitaankoodu uusan marna u adeegeynin xasiloonida gobolka.

2. Inay u howlgasho sidii ay uga dhici laheyd dalka soomaaliya dib u heshiisiin siyaasedeed oo dhab ah taa soo dhex marta dhinacyada siyaasadda isaga soo horjeeda laguna qabto meel dhex dhexaad ah.

3. In beesha caalamku ka fiirsatotaageeridda dhaqaalle iyo tan siyaasadeed ee maamul keligii talis ah, iyada oo la ogsoon yahay dhibaatooyin maamullada noocaas oo kale ah caalamkana ay ka sii suulaayaan.

4. In shacabka soomaliyeed ee dhibaatooyinka isdaba joogga ah la tabaaleysan lala soo gaarol kaalmo baniaada’nimo o waxtar leh

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this