Sign in to follow this  
Abdiyare

Shalay iyo Maanta Sanaageey maxaad ahayd

Recommended Posts

Abdiyare   

Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha J.S.L mr Yuusuf Ciise Talaabo, wa nin geesi ah oo runta sheega markasta.

 

Waxyaabuhu ka hadlay waxa ka mid ahayd:

 

1.Suldaanka Bari sanaag wa laba wejiile marna Somaliland tageera marna kooxda carta marna *********ia. Wa inu cadeeya mawqifkiisa.

 

2. Madaama aanay bixin canshuur dadka dega koonfurta Sool iyo bariga Sanaag ma xaq ba in canshuurta ay bixiyaan Somaliland intiiisa kale in Sanaag bari iyo koonfurta sool dadka dega la siiyo lacagtaas????

 

3. Canshuurta dadka laga qaado waxa lagu talogalay in development lagu sameeyo, laakin laguma talogelin in la siiyo cadowga Somaliland.

 

Somaliland maanta waxay uu baahan tahay dad runta sheega sida Yuusuf Ciise Talaabo oo kale.

 

================================================

 

Shalay iyo Maanta Sanaageey maxaad ahayd

(Mudane-Talaabo oo cambaareeyay beesha bariga Sanaag-Shir Jaraa,id).July-29-03

 

HWN: Wasiirku Xigeenka Wasaraada Macdanta iyo Biyaha ee J.Somaliland Mudane Yuusuf Ciise Talaabo ayaa Shir Jaraa'id oo uu shalay kaga hadlay xaalada siyaasadeed iyo taariikheed ee Gobolka Sanaag,Somaliland,Mudane-Talaabo oo isugu yeedhay Saxaafada Madaxa banaan ayaa ugu horaynba soo bandhigay Warbixin kooban oo ku saabsan xaalada Gobolka Sanaag ee shalay iyo maanta,waxaanu sheegay in loo baahan yahay in la iswaydiiyo Sanaageey Maxaad ahayd shalay iyo maanta?,waxaanu hadalkiisaas ku daray ?Sadex iyo Tobankii sano ee u dambeeyay mujtamaca kolba si ayaa wax loogu qoraayay,markaa waa inaan maanta Far Waaweyn wax ugu qoro,Sanaag waxay leedahay taariikh guun ah,waxaana mar loo yiqiinay dalka Uduga iyo ilaahyada,marna waxaa loo yiqiinay qaryatul awliya ama Tuuladii Awliyada iyadoo 1600 Cise kahortii sida ay taariikdhu sheegtay ay mar walba xarun u ahayd boqortooyooyin fac waaweyn oo iskaga kala dambeeyay dunida,ilaa taariikhdii Sheekh Isaxaaq na ay ahayd xarun la isku haystay oo maalinaba qolo laga riixayay.

Mudane Yuusuf Ciise Talaabo waxaa uu intaas ku daray taariikhdii Magaado iyo Sheekh Isaxaaq,Maamulkii Turkiga iyo Ingiriisku sidii ay dhulka ula kala wareegeen,meel walba reerka deganaa iyo sida ay deegaanadu u qoran yihiin,isagoo xusay inay yaalaan buugaagtii laga qoray waxaanu sheegay inay Sanaag degan yihiin 14 reer oo -- ah.

 

Wasiir Ku xigeenka Macdanta iyo Biyaha ee J.Somaliland Md Talaabo oo hadalkiisa sii wataa hadana waxaa uu yidhi ?Ceerigaabo wakhtigii ingiriiskii waxay ahayd degmada qudha ee hoos timaada Togdheer,wakhtigaasna waxay lahayd shan mudane,balse Laba degmo ayaa laga gooyay kuwaasoo kala ahaa Laasqoray iyo Garadag.?

 

Mudane Talaabo waxaa uu tilmaamay inay Sanaag soo martay marxalado kala duwan,waxaanu yidhi ?markii dalka la soo galay dalkii wuu qaybasmay,degmo walibana waxay yeelatay deegaan warsangalina wuxuu noqday degmada Badhan,dadkii kale sadex qolo ayaa ku soo hadhay Ceerigaabo oo

 

laakiin wakhtigan waxaa loo sameeyay Gobolkaa toban degmo,kuwo la wadaago iyo kuwo aan la wadaagin,iyadoo uu sheegay inay reer Sanaag waxna wadaagaan waxna aanay wadaagin.?

 

Wasiir Ku Xigeenku waxaa uu sharaxay tobankaas degmo waxaanu yidhi ?tobankaas degmo waxay baarlamaanka ku yeesheen xubno badan,oo la soo magacaabay iyadoo bariga sanaag yeelatay wax ka badan beelaha kale ee reer Sanaag oo dhan,haday tahay golayaasha iyo haday tahay Wasiiradaba,taasoo keentay in hadii la isku geeyo waxa kale ay ka badanayaan iyagu,waxaa ke oo jirta dagaal istaraatiijiyadeed oo la isku xeerxeeray inta sharcigu maro,iyo inta siyaasadu marto,sida Golaha Guurtida,Golaha Wakiilada,Gudiga diiwaan galinta,Komishanka doorashooyinka qaranka,Maxkamada

sare,iyo wasaarada cadaalada intii sharcigu marayay dabadeedna waa lana hareereeyay beelihii kale oo dhan,xuquuqdoodii siyaasiga ahaydna waa laga batay,sidaasaana loo weerarayaa wax walba wadar baa lagu fulinayaa,waxaana samaysantay istiraatiijiyad duleed oo siyaasi ah,oo waxaanu dib u xasuusanay buugii Army of Soldiers Ciidankii askarta ahaa halgankii buu ku hadhay

taariikh cusub iyo dagaal cusub ayaa bilaabmay,siyaasadiina sidaas ayaa loo xoreeyay,taasina waxay keentay in qalinkii dawladaba uu weeraray qalin nin gaar ahi sito,reer Sanaagii kalana waxay noqdeen Kuwo Afduuban oo xuquuqdoodii aasantay,laga soo bilaabo doorashooyinkii Aftida, tobankii degmo Sadexdii bariga sanaag waa fuleen oo waa la aqoonsaday,Garadag iyo Ceerigaabana waa lagu daray,shantii kalana waa la duudsiyay si ay bariga sanaag u noqoto 69% Gobolka Sanaag oo ay ugu bataan dadka Sanaag ku

dhaqan,taasina suurto gal maaha,markaa hadii beelahaa wax loo garsooray maamulkuna waa garsoorka?

 

Mudane-Talaabo oo ka hadlaya dhinaca nabadgelyada iyo dhulkana waxaa uu yidhi ?siyaasada waxaa madaxda halkan joogtaa ay wado,qaadheenkeeda dibada laga keeno,Axdiyada ay beeluhu wada galeen dhamaantood kii Burco ilaa kii Ceerigaabo oo ahaa go,aan caam ah oo beelaha Sanaag leeyihiin,waxay ahayd in xeerarkaa dib loo wada eego oo lagu dabakho maamulka dawliga ah,iyadoo loo

eegayo waxay kala qorteen.

 

Ugu dambayna Mudane Talaabo waxaa uu cambaareeyay beesha bariga Sanaag,isagoo soo bandhigay cadaymo muujinaya inuu Suldaanka bariga sanaag kaga qayb galayo abaabul ciidamo iyo maamul ka dhan ah jamhuuriyada Somaliland,warqadahaas oo meesha ku soo badhigay Mudane-Talaabo waxay ahaayeen

kuwo uu Suldaan Siciid Suldaan C/Salaan u dirayay Madaxweynaha dawlada ku meelgaadhka ah ee Carta,waxaa kale oo uu intaas ku daray in Suldaanku ka hor yimid Lacagta Somaliland,tasoo sababtay in shicibkii Somaliland khalkhal galiyey Noloshoodii hase ahaatee shicibkii Somaliland wey iska dhagatireen ka horjooga uu Suldaan Siciid Suldaan C/Salaan ka hor joogsaey Lacagta somaliland imikana ay shicibku sidii caadadu ahayd u isticmalaan Lacagtii Somaliland walina ay hagardaamo kaga iman karto Suldankaasi

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this