Abdiyare

Nomads
  • Content Count

    14
  • Joined

  • Last visited

  1. IN CABDELE XASAN WUXUU AHAA MASIIBA WAYN OO ILAAHAY DADKA SOMALIYEED KU KARBAASHAY.HADAAN TUSAALE AHAAN SOO QAATO: 1.GOBOLADA NUGAAL WAXA KA WADAY DAGAAL MUDDO 20 SANO AH DADKA NUGAAL KU NOOL LA DAGAALAMAMAYAY. 2. WUXUU LAAYAY BOQOLAAL KUN OO REER NUGAAL AH: U NA BADAN QABAAILKA SOOL IYO NUGAAL . 3.WAXA UU U IMAN JIRAY DAD REER GUURAA AH OO MASAAKIIN AH. XOOLAHA WUU DHICI JIRAY. DADKANA WUU LAYN JIRAY. 3.WAXA UU SABAB U AHAA QAX IYO BARA BAX KU DHACAY DADKII NUGAAL DEGI JIRAY. DHULAKAANA OO HONDON AHAANJIRAY KA DHIGAY XAALIF LAMA DEGAAN AH 4. DADKII WAX BOOBI JRAY WAXA LA ODHAN JIRAY DARAAWIISH.MAGACA DARWIISH MARKA AAN MAQLO WAAN NAXA. WAAYO WAXA AAN XUSUUTAA DAD IYO ADUUNYO WIXII UU BAABIIYAY EE DADKA NUGAALEED. 5.HADDII AAN ILAAHAY INGRIIS SOO DIRIN U MADA ISLAAMKA AH EE SOMAALIYEED WAY TIRMI LAHAY. 6.SAYID MAXAMED WAS MURDUR. HE KILLED 100 000'S SOMALIS WITH OUT REASON.ENGLISH SOLDERS WERE DEFENDING INNOCENT SOMALIS
  2. Mudaneyaasha Beesha Sool kaga jira Baarlamaanka Somaliland oo cambaareeyey fara-gelinta C/llaahi Yuusuf ee deegaanada Somaliland - Monday, 4 August, 2003 Hargeysa, Somaliland (Somalihome Online) - Mudaneyaasha Beesha Sool kaga jira Baarlamaanka Somaliland, ayaa cambaareeyey fara-gelinta iyo saamaynta maamulka C/llaahi Yuusuf ku leeyahay deegaamadooda, iyada oo uu dhawaan ku dhawaaqay gobol uu ugu yeedhay “Cayn” oo ay magaalo madax u tahay magaalada Buuhoodle oo ah degmo ka tirsan gobolka Togdheer. Baaqan oo uu magaalada Hargeysa nooga soo diray Weriyaha Shebekada Somalihome Online, Mr. Mustafe Axmed Hirad, waxa ay Mudaneyaasha sidaa ku sheegeen qoraal ay shalay soo saareen, qoraalkaas oo ay ku saxeexan yihiin 20 Mudane oo ka kala tirsan Guurtida iyo Wakiillada waxa uu u dhignaa sidan: “Sida laga warqabo waxa dhawaan Idaacadda BBC-da iyo Internet-kaba laga sii daayey war uu maamul Majeerteeniya ku sheegay inay Degmada Buuhoodle oo ka tirsan gobolka Todheer ee Jamhuuriyadda Somaliland yahay gobol ka tirsan maamulka Majeerteeniya, taas oo ah wax lagu qoslo iyo arrin daan-daansi ah, waxaananu u aragnaa arrintaa ay Baarlamaanka Majeerteeniya ku kaceen Islaantii Xaabadda qaadi kari weyday ee xaabada kale ku biirsatay. Haddaba iyaga oo ka faa’iidaysanay nabadgelyo jaceylka Somaliland, waxay qaadeen saddex tallaabo oo cadaawad leh oo ay ugu soo gudbeen gudaha Somaliland, saddexdaa tallaabana waxay kala yihiin, Weerarkii Madaxweynaha JSL, Ciidamo ay ku soo gureen gudaha Somaliland iyo ugu dambeyn gobolka ay Cayn ula baxeen oo ah inay sheegtaan Baarlamaanku sheegoodu dhul ka mid ah Somaliland. Laakiin waxaanu u sheegaynaa maamulka Majeerteeniya inay u diyaar garoobaan, dhabarkana u ritaan wax alaale iyo wixii ka dhaca falalka argagixisada ah ee ay ka wadaan gudaha Somaliland. Ugu dambeyn waxaanu beesha Caalamka, Midawga Afrika, Jaamacadda Carabta, Midowga Yurub iyo dhammaan cidii kale ee danaynaysa Geeska Afrika aanu u sheegaynaa in arrimahaas wixii ka dhaca ay masuuliyadooda leeyihiin maamulka Majeerteeniya, iyaga oo caadaystay inay nabadda iyo horumarka Somaliland khal-khal geliyaan. Somaliland waa dal, dhul iyo dad uu Caalamkuba og yahay xadkeeda dhuleed, badeed iyo hawadeedaba, cidii soo fara-gelisaana way ku guban doontaa. Waxaanu C/llaahi Yuusuf u sheegaynaa inta uu Buuhoodle iyo Caynaba ku riyoonayo, inuu maamulkiisa gaadhsiiyo Badhaxle oo ah xaafad Gaal-kacayo ka tirsan, waxaananu ugu baaqaynaa Xukuumadda, Goleyaasha, Axsaabta siyaasiyga ah iyo dhammaan Shacbiga Somaliland, inay si deg deg ah heegan u galaan, jawaab deg deg ah oo gacan ahna ka bixiyaan arrinta, isla markaana haddii uu C/llaahi yuusuf dhibaatada ka deyn waayo Sool iyo Buuhoodle meel aanu hadda filayn ayay ka dhici doontaa.” Ayay ku soo xidheen hadalkooda Mudaneyaashu, waxayna kala yihiin:- “ Mudaneyaasha Beesha Sool 1. Cumar Faarax Budeeye 2. C/qaadir Maxamed Xasan 3. C/rashiid Sh. C/llaahi 4. Axmed Xasan Saalax 5. Cali Cumar Axmed 6. Cawil C/llaahi Caydiid 7. Maxamed Warsame Cali 8. Muuse Ciise Faarax 9. Cabdi X. Faarax 10. Cismaan Cali Cabdi 11. Maxamed Yuusuf Cabdi 12. Maxamed Jaamac Cabdi 13. Yaasiin Ismaaciil Cali 14. Maxamed Axmed Dhakool 15. Cali Ismaaciil Cali 16. C/qaadir Jaamac Cilmi 17. Cismaan Xuseen Gurxan 18. C/Waaxid C/qaadir C/raxmaan 19. Maxamed Xirsi Jaamac 20. Cabdi Warsame Xayir
  3. Somaliland Success: Africa’s Big Secret Iqbal Jhazbhay • Special to Arab News Some major African players are taking a new look at Somaliland, that state on the strategic Horn of Africa that continues to pay the political and economic price for declaring independence twice, in 1960 and 1991. Somaliland is labeled as a “breakaway state” by some analysts, while others describe its success as “the little country that could.” In fact, it did nothing more than end a union it had entered into as a sovereign independent state, and has since pulled itself up by its own bootstraps. Recently, Senegal, the European Union and Somaliland’s neighbor Ethiopia have shown promising signs of wanting to end the impasse. Ethiopia played host to Somaliland President Dahir Riyale Kahin on a state visit late last year, and President Wade of Senegal also recently welcomed the Somaliland president. A South African delegation paid a fact-finding visit to Somaliland in January 2003 and declared it to be “a challenge rather than a problem for the African Union.” Geographically Somaliland, an area of 137,600 square kilometers, forms the top of the figure seven made by the Horn of Africa. It is roughly the size of England and Wales. It was formerly British Somaliland while Somalia — the bottom of the seven — was an Italian colony. Both colonies gained independence in 1960. Somaliland decided shortly after independence to form a union with the south. Before taking this step, however, it had already been recognized by 35 countries. The partnership was decidedly biased in favor of the south. When southerner Siad Barre took power in a coup he brutally crushed northern opposition. This included flattening the Somaliland capital of Hargeisa, using a combination of artillery, South African mercenaries and bomber aircraft that took off from the airport on the outskirts of the city. On the outskirts of the capital lie a number of UN-acknowledged mass graves as testimony to southern brutality. After Barre’s fall in 1991, the Somalilanders wasted no time in ending the union with the south. After months of deliberations attended by many sectors of society, the grand conference of Burco as well as the second conference at Borama revoked the act of union and reinstated the independence their territory had previously enjoyed. This action raised hackles in the then Organization of African Unity, ever nervous about secession and determined, for better or worse, to maintain colonial boundaries. In fact, Somaliland’s declaration of independence transgressed neither of these. The country was not breaking some pre-independence bond with the south. It was merely breaking a union that it had entered into as an independent state, for which there are numerous African precedents. Somaliland has not violated colonial boundaries. It has occupied no more than that territory once occupied by the British and recognized as independent in 1960 by the international community. Not only are Somalilanders disenchanted with the uneven arrangement and traumatized by the civil war that killed more than 50,000 of their compatriots and displaced 500,000, but they see no inducement to return to formal ties with what is to all intents and purposes an anarchic state. The rebuilding of Hargeisa, which Barre reduced to rubble and turned into a minefield, has happened without assistance from the World Bank and the International Monetary Fund. The economic development has been largely supported by Somalilanders working abroad. Proven oil reserves, coal and gemstone mining, livestock and fisheries production, remain untapped. More importantly Somaliland has built a strong democratic society that seamlessly passed the test last year with the death of President Mohamed Egal. Within hours of confirmation of his death in Pretoria, Vice President Kahin was sworn in as national leader. Both Egal and Kahin had been nominated by a council of elders in 1993 that re-elected Egal in 1997. Kahin faced a full electorate in the country’s first presidential elections on April 14 this year. International observers, including South Africans, declared the presidential elections as “peaceful, orderly and transparent.” Somalilanders had their first taste of democracy in May 2001 when an internationally observed referendum confirmed their wish to remain apart from Somalia and endorsed a new constitution. Highly successful municipal elections — also internationally observed and the first since 1969 — were held on December 15, 2002. Somaliland is undergoing a full-house of democratic procedures with parliamentary elections due to follow within a year, after the successful April presidential ballot. Clearly, Somaliland’s extraordinary indigenous conflict-resolution methods may provide an example to the southern Somalis. But now the international community cannot remain silent on supporting Somaliland’s success story and its emerging democracy. Are we ready for this critical imperative? — Iqbal Jhazbhay teaches at the University of South Africa and is a member of the ANC’s Commission of Religious Affairs. http://www.arabnews.com/?page=7&section=0&article=29516&d=29&m=7&y=2003&pix=opinion.jpg&category=Opinion%22
  4. ‘Time Is Ripe for Somaliland Demand for Statehood’ JEDDAH, 4 August 2003 — The Brussels-based think tank, the International Crisis Group, has noted in a report that the demand of the northern region of a breakaway Somaliland for recognition presented the international community with stark choices. “Recent developments have made the choice faced by the international community considerably clearer: Develop pragmatic responses to Somaliland’s demand for self-determination or continue to insist upon the increasingly abstract notion of the unity and territorial integrity of the Somali Republic — a course of action almost certain to open a new chapter in the Somali civil war,” noted the report, which published on ICG website on Tuesday. The reported pointed out that Somaliland’s claims to statehood presented the international community with a thorny diplomatic dilemma at a time when other leaders are attending the peace talks under the auspices of the IGAD with the aim of establishing a new Somali government. “Recognition of Somaliland, although under consideration by a growing number of African and Western governments, is still vigorously resisted by many members of both the African Union and the Arab League on the grounds that the unity and territorial integrity of member states is sacrosanct. “Furthermore, the creation of a new Somali government emerging from the IGAD process that claims jurisdiction over Somaliland threatens to open a new phase in the Somali conflict,” it added. Any attempt to coerce Somaliland back to the Somali fold, says the report, would entail a bitter and probably futile conflict. “The question now confronting the international community is no longer whether Somaliland should be recognized as an independent state, but whether there remain any viable alternatives,” the ICG report stressed. http://www.arabnews.com/
  5. Koox dalxiisayaal ah oo ka socda wadanka Ingiriiska oo ku sugan Gobolka Sanaag.Aug-05-03 HWN: Waxaa maalmahan ku sugnaa gobolka Sanaag gaar ahaana magaalada Ceerigaabo koox dalxiisayaal ah,oo ka soo kicitimay dalka Ingiriiska kuwaasoo ujeedada dalxiiskoodu tahay sidii ay u daawan lahaayeen kaymaha quruxda badan ee Gobolka Sanaag,Buurta Daalo,geedaha dayibka ah iyo ugaadha kala gedisan. Kooxdan dalxiisayaasha ah ayaa ku wareegay qaybaha kala duwan ee magaalada Ceerigaabo iyo deegaanka ku gedaaman waxaanay sheegeen in ay aad ula dhaceen waxa ay ku arkeen gobolka Sanaag,iyagoo intaasna ku daray inay ka heleen jawiga cimilada ee gobolkaa iyo dadka ku dhaqanba. Kooxdan dalxiisayaasha Ingiriiska ah oo ku qaadanaya fasaxooda si ay daraasad ugu sameeyaan gobolka Sanaag iyo guud ahaanba Somaliland ayaa waxay xuseen in nabadgelyada Somaliland ka jirtaa ay tahay mid heer sare ah waxaanay sheegeen in ay meel kasta oo ay jeclaysteenba soo mareen waxyaabo ay jeclaysteena ay arkeen kuwaasoo ku amaanay dadka Somaliland sida ay uga suurogaliyeen wadankooda nabad caam ah. Dhianaca kale ,waxaa waayadan dambe ku soo qulqulayay Somaliland dad kala duwan oo ka soo jeeda beesha caalamka kuwaasoo badanaa indha indhayn u yimaada Somaliland,iyadoo ay intaasi dheer tahay arday ajanabi ah oo cilmi baadhis u yimaada Somaliland kuwaas oo sida ay sheegeen markii hore ugu bixi jiray cilmi baadhistaa wadamada kale ee Afrika,laakiin sheegay in ay ka heleen J.Somaliland.
  6. Magalaada Ceerigabo oo ah meel ku caanbaxday Cimilo wanaagsan iyo jawi raaxo iyo dalxiis ku haboon http://sanaag.net/news/2003/somalinews/sanaag/ceerigaabo/10803ceerigaabo.htm
  7. Aniga Oo Ka Turjumaya Shacabka Puntland Waxaan Aqoonsanahay Somaliland,” Maxamed X. Aadan. Waxaan cadaynayaa inaan ahay gudoomiyihii xaaladda degdegga ahaa ee uu magacaabay maamulkii sharciga ahaa ee Jaamac Cali Jaamac ee xilka iskaga tegay. Hase yeeshee aan weli hayo xilkaygii dhinaca ciidamada, siyaasadda iyo baarlamaankiiba, waxaana la ogyahay inuu C/laahi Yuusuf xoog ku qabsaday Puntland. Dhacdadii ugu dambaysay waxay ahayd lix cisho ka hor markii uu nin ciidanka ka tirsani dilay nin kale oo ciidanka ka tirsan, ka dibna ay maxkamadi gacan-kudhiiglaha ku xukuntay qisaas, laakiin ilaalada madaxtooyada C/laahi Yuusuf ayaa isku xeertay jeelka Boosaaso si aan looga saarin gacan-dhiiglaha oo loo dilin, sidaa darteed waxa shalay Boosaaso dib ugu soo laabtay Cadde Muuse oo uu C/laahi Yuusuf Nayroobi ka soo diray si uu xaliyo xiisadda taagan iyo ciidanka kala fadhiya. Waxa kale oo aan caalamka iyo shirka Nayroobi ee kooxaha Somaliya u sheegayaa inaanu C/laahi Yuusuf metelin shacabka Puntland, iyadoo la ogyahay inuu maamulka xoog iyo af-gembi ku qabsaday, waxaanuna maxkamadda aduunka horteeda kaga dacweynaynaa xad-gudubyadii bini’aadminimada ka dhanka ahaa ee uu sameeyey, isaga oo laayey shacab aan waxba galabsan, iyadoo aan anigu ka mid ahaa 600 oo qof oo 6 bilood ku jiray xabsiga Boosaaso, iyadoo aan wax maxkamad ah la horgeyn, si naxariis daro ahna loola dhaqmay. Ugu dambayn waxaan qabaa in caalamku aqoonsado Somaliland, iyadoo la ogyahay inay maanta ku talaabsatay dimoqraadiyad ku dhisana doorasho iyo tartan xisbiyo badan, kuna nool nidaam dawladeed oo nabadgelyo u horseeday shacbiga, mana dhici karto in lagu dirqiyo wax aanay rabin, cadaaladuna ma aha in lagu xidho heshiis la’aanta dhawrka iyo labaatanka madaxweyne-kooxeed ee ka jira koonfurta Somaliya. Hadii aan la aqoonsan Somaliland waxa aduunka ka furmaysa su’aal ah, miyaan la rabin inay Somaliya ka dhalato dawlad ku dhisan deganaan iyo dimoqraadiyad. Waxaan ku soo gebagebaynayaa inaan aqoonsanahay Somaliland aniga oo ka turjumaya shacabka Puntland, waxa kale oo aan shaki ku jirin inay gobolada Sool iyo Sanaag ka mid yihiin Somaliland, markhaatina waxa ka ah madaxda goboladaa kaga jirta golayaasha maamulka dawladda Jamhuuriyadda Somaliland. Maxamed Xaaji Aadan
  8. AFRICAN MUSLIMS IN AMERICA – Part One - Free http://www.nuradeen.com
  9. Abdiyare

    WARCAD

    WARCAD Aniga oo ah Cabdi Warsame **** ahna Guddoomiyaha SSNM horena u ahaan jiray Golahii Sare ee Kacaanka ee Somaliyeed ee dhashay 21Kii Oktobar 1969. Waxan go’aan ku gaadhay inaan ummaadda Somaliyeed aan soo hordhigo fikrad aan muddo aad u dheer ka fakrayey anigoo si wanaag uga baaraan deggay. Waxaanse marka hore llaahay ugu mahadinayaa inuu igu soo simay wakhtigan maanta aan helay fursad aan ku caddeeyo fikraqddas caafimaadka qabta. Waxaanse haddaba maanta oy taariikhdu tahay 31/07/03 aan halkan uga soo gudbinayaa tacsiyad ummadda Reer Somaliland taas oo aan uga tacsiyadaynayo dhibaatadii xoogga lahayd ee ay dawlladdii aan ka midka ahaa ay soo gaadhsiisyay amma u geysatay shacbigaas sannadihii 1982 ilaa 1990. llaa haddana aan cidi uga tacsidayn Aafooyinkii loo geystay. Kuwaasoo ay kamidka ahaayeen in loo soo kiraysto calooshooda u shaqaystayaal shisheeye ah loona qorsheeyey in la tirtiro. Shacbiga Somaliland waxaan u sheegaya in aniga iyo inta ila fikrada ah annu ka xunnayahay arrinkaas horena aannaan waxba uga qaban karaynin. Waxaan shacbigaa Reer Somaliland iyo dhammaan shacbiga Somaliya iyo shucuubta kale ee Somaliyeedba u rajaynayaa hore umar iyo nabad gelyo degdega oo waarta. Ugu dambayn waxaa rajaynayaa in ninkasta oo soo maray xil sare una usoo qabtay ummadda somaliyeed uu garto inuu saran yahay waajib iyo mas’uuliyad ku saabsan inay ilaaliyaan xuquuda ummadadda ay xilka u hayaan. Guul iyo Nabad Cabdi Warsame ***** Guddoomiye SSNM
  10. Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Macdanta iyo Biyaha J.S.L mr Yuusuf Ciise Talaabo, wa nin geesi ah oo runta sheega markasta. Waxyaabuhu ka hadlay waxa ka mid ahayd: 1.Suldaanka Bari sanaag wa laba wejiile marna Somaliland tageera marna kooxda carta marna *********ia. Wa inu cadeeya mawqifkiisa. 2. Madaama aanay bixin canshuur dadka dega koonfurta Sool iyo bariga Sanaag ma xaq ba in canshuurta ay bixiyaan Somaliland intiiisa kale in Sanaag bari iyo koonfurta sool dadka dega la siiyo lacagtaas???? 3. Canshuurta dadka laga qaado waxa lagu talogalay in development lagu sameeyo, laakin laguma talogelin in la siiyo cadowga Somaliland. Somaliland maanta waxay uu baahan tahay dad runta sheega sida Yuusuf Ciise Talaabo oo kale. ================================================ Shalay iyo Maanta Sanaageey maxaad ahayd (Mudane-Talaabo oo cambaareeyay beesha bariga Sanaag-Shir Jaraa,id).July-29-03 HWN: Wasiirku Xigeenka Wasaraada Macdanta iyo Biyaha ee J.Somaliland Mudane Yuusuf Ciise Talaabo ayaa Shir Jaraa'id oo uu shalay kaga hadlay xaalada siyaasadeed iyo taariikheed ee Gobolka Sanaag,Somaliland,Mudane-Talaabo oo isugu yeedhay Saxaafada Madaxa banaan ayaa ugu horaynba soo bandhigay Warbixin kooban oo ku saabsan xaalada Gobolka Sanaag ee shalay iyo maanta,waxaanu sheegay in loo baahan yahay in la iswaydiiyo Sanaageey Maxaad ahayd shalay iyo maanta?,waxaanu hadalkiisaas ku daray ?Sadex iyo Tobankii sano ee u dambeeyay mujtamaca kolba si ayaa wax loogu qoraayay,markaa waa inaan maanta Far Waaweyn wax ugu qoro,Sanaag waxay leedahay taariikh guun ah,waxaana mar loo yiqiinay dalka Uduga iyo ilaahyada,marna waxaa loo yiqiinay qaryatul awliya ama Tuuladii Awliyada iyadoo 1600 Cise kahortii sida ay taariikdhu sheegtay ay mar walba xarun u ahayd boqortooyooyin fac waaweyn oo iskaga kala dambeeyay dunida,ilaa taariikhdii Sheekh Isaxaaq na ay ahayd xarun la isku haystay oo maalinaba qolo laga riixayay. Mudane Yuusuf Ciise Talaabo waxaa uu intaas ku daray taariikhdii Magaado iyo Sheekh Isaxaaq,Maamulkii Turkiga iyo Ingiriisku sidii ay dhulka ula kala wareegeen,meel walba reerka deganaa iyo sida ay deegaanadu u qoran yihiin,isagoo xusay inay yaalaan buugaagtii laga qoray waxaanu sheegay inay Sanaag degan yihiin 14 reer oo -- ah. Wasiir Ku xigeenka Macdanta iyo Biyaha ee J.Somaliland Md Talaabo oo hadalkiisa sii wataa hadana waxaa uu yidhi ?Ceerigaabo wakhtigii ingiriiskii waxay ahayd degmada qudha ee hoos timaada Togdheer,wakhtigaasna waxay lahayd shan mudane,balse Laba degmo ayaa laga gooyay kuwaasoo kala ahaa Laasqoray iyo Garadag.? Mudane Talaabo waxaa uu tilmaamay inay Sanaag soo martay marxalado kala duwan,waxaanu yidhi ?markii dalka la soo galay dalkii wuu qaybasmay,degmo walibana waxay yeelatay deegaan warsangalina wuxuu noqday degmada Badhan,dadkii kale sadex qolo ayaa ku soo hadhay Ceerigaabo oo laakiin wakhtigan waxaa loo sameeyay Gobolkaa toban degmo,kuwo la wadaago iyo kuwo aan la wadaagin,iyadoo uu sheegay inay reer Sanaag waxna wadaagaan waxna aanay wadaagin.? Wasiir Ku Xigeenku waxaa uu sharaxay tobankaas degmo waxaanu yidhi ?tobankaas degmo waxay baarlamaanka ku yeesheen xubno badan,oo la soo magacaabay iyadoo bariga sanaag yeelatay wax ka badan beelaha kale ee reer Sanaag oo dhan,haday tahay golayaasha iyo haday tahay Wasiiradaba,taasoo keentay in hadii la isku geeyo waxa kale ay ka badanayaan iyagu,waxaa ke oo jirta dagaal istaraatiijiyadeed oo la isku xeerxeeray inta sharcigu maro,iyo inta siyaasadu marto,sida Golaha Guurtida,Golaha Wakiilada,Gudiga diiwaan galinta,Komishanka doorashooyinka qaranka,Maxkamada sare,iyo wasaarada cadaalada intii sharcigu marayay dabadeedna waa lana hareereeyay beelihii kale oo dhan,xuquuqdoodii siyaasiga ahaydna waa laga batay,sidaasaana loo weerarayaa wax walba wadar baa lagu fulinayaa,waxaana samaysantay istiraatiijiyad duleed oo siyaasi ah,oo waxaanu dib u xasuusanay buugii Army of Soldiers Ciidankii askarta ahaa halgankii buu ku hadhay taariikh cusub iyo dagaal cusub ayaa bilaabmay,siyaasadiina sidaas ayaa loo xoreeyay,taasina waxay keentay in qalinkii dawladaba uu weeraray qalin nin gaar ahi sito,reer Sanaagii kalana waxay noqdeen Kuwo Afduuban oo xuquuqdoodii aasantay,laga soo bilaabo doorashooyinkii Aftida, tobankii degmo Sadexdii bariga sanaag waa fuleen oo waa la aqoonsaday,Garadag iyo Ceerigaabana waa lagu daray,shantii kalana waa la duudsiyay si ay bariga sanaag u noqoto 69% Gobolka Sanaag oo ay ugu bataan dadka Sanaag ku dhaqan,taasina suurto gal maaha,markaa hadii beelahaa wax loo garsooray maamulkuna waa garsoorka? Mudane-Talaabo oo ka hadlaya dhinaca nabadgelyada iyo dhulkana waxaa uu yidhi ?siyaasada waxaa madaxda halkan joogtaa ay wado,qaadheenkeeda dibada laga keeno,Axdiyada ay beeluhu wada galeen dhamaantood kii Burco ilaa kii Ceerigaabo oo ahaa go,aan caam ah oo beelaha Sanaag leeyihiin,waxay ahayd in xeerarkaa dib loo wada eego oo lagu dabakho maamulka dawliga ah,iyadoo loo eegayo waxay kala qorteen. Ugu dambayna Mudane Talaabo waxaa uu cambaareeyay beesha bariga Sanaag,isagoo soo bandhigay cadaymo muujinaya inuu Suldaanka bariga sanaag kaga qayb galayo abaabul ciidamo iyo maamul ka dhan ah jamhuuriyada Somaliland,warqadahaas oo meesha ku soo badhigay Mudane-Talaabo waxay ahaayeen kuwo uu Suldaan Siciid Suldaan C/Salaan u dirayay Madaxweynaha dawlada ku meelgaadhka ah ee Carta,waxaa kale oo uu intaas ku daray in Suldaanku ka hor yimid Lacagta Somaliland,tasoo sababtay in shicibkii Somaliland khalkhal galiyey Noloshoodii hase ahaatee shicibkii Somaliland wey iska dhagatireen ka horjooga uu Suldaan Siciid Suldaan C/Salaan ka hor joogsaey Lacagta somaliland imikana ay shicibku sidii caadadu ahayd u isticmalaan Lacagtii Somaliland walina ay hagardaamo kaga iman karto Suldankaasi
  11. Shir Lagaga Hadlay Xoojinta Maamulka Sool oo ka Dhacay Laas-caanood [News Category - Posted by Admin on Wednesday, 30 July 2003, 20:45:20 GMT] -------------------------------------------------------------------------------- Laascaanood, Somaliland (Togdheer Online)- Waxa shalay lagu qabtay magaalo madaxda gobolka Sool ee Laas-caanood shir ay ka soo qaybgaleen maayarka magaalada Laascaanood iyo aqoonyahano kale waxaana ugu horayntii halkaasi ka hadlay maaayarka magaalada Laascaanood C/risaaq Maxamad Xasan waxaanuu sheegay in ay lagama maarmaantahay in la ilaaliyo nabad gelyada gobolka waxaanuu sheegay hadii aanay jirin nebedgelyo inaanay lahayn nolol iyo degenaasho midna, sidoo kale waxa uu maayarku sheegay in ay muhiim tahay in lagu baahiyo maamulka Somaliland gobolada Sool iyo Sanaag, waxaanuu intaa ku daray hadii aanay dawladdu u tafaxaydan sidii maamulka Somaliland u gaadhsiin lahayd goboldaasi aanay suurto gal ahayn in la sugo xuduudaha dalka, dhinaca kale wuxuu maayarku digniin usoo joodiyay maamuka majeerteeniya waxaanuu yidhi “ hadii aanay majeerteeniya faraha kala bixin faragelinta ay ku hayso dhulka Somaliland iyo xuduudihiisa waxay masuul ka noqondoonaan cawaaqibxumada ka timaada arintaas.” Intaa kadib waxaa halkaa ka hadlay Maxamed Cabdi Jaamac oo ku hadlayay magaca aqoonyahanada ka soo qaybgalay shirkaasi sida warku sheegay isaga oo taageeray hadaladii uu ku hadlay maayarka Laascaanood waxa kale oo aqoonyahankaasi ka hadlay muhiimada ay leedahay in la ilaaliyo si wada jirana looga howlgalo ilaalinta dalka iyo dadka Somaliland gebo gebadii shirka oo uu xidhay maayarka Laascaanood waxa uu halkaasi ka soo jeedayay dar daaran kooban oo ujeediyay ka qaybgalayaashii shirkaasi waxaanuu marlabaad carabka ku dhuftay inay dadka reer Sool meel uga soo wada jeestaan midnimada iyo ilaalinta dadka iyo dalka Somaliland. Axmed Aadan Yuusuf Togdheer Online Correspondent Burco,Somaliland
  12. berbera Sheikh Highlands berbera Dekedda Dhexdeeda.
  13. Wa kuwan sawiradii Cusbaa ee Hargeisa View of the Hotel and Airport Tower at Hargeisa View of Sunrise in Hargeisa Buuraha Naaso Hablood ee caanka ah, Hargeysa