Sign in to follow this  
Xudeedi

Former House Speaker Mr. Dalmar Refutes Puntland’s Discriminate Border Policies(G,C)

Recommended Posts

Xudeedi   

55.JPG

Gudoomiyihii Hore ee Golaha Wakiilada Puntland Mudane Cismaan Dalmar Xaaji Yuusuf (Cismaan Patrool) Ayaa Maanta Kulankii Golaha Wakiilada Puntland Magaalada Garoowe Kuyeesheen Siweyn uga Horyimi Qodobo Dhowr Ah oo Laga Doodaayey Waxana Kulankaas Kasooqayb Galay Wasiirka degaanka iyo duurjoogta Puntland C/qani Yuusuf Cadde.

 

Kulankaasi oo ka dhacay hoolka Barlamaanka Dowlada Puntland ee magaalada Garoowe goobjoog ka ahaa Xildhibaano gaarayay 39 oo ka mid ah 66-da Xildhibaan ee Dowlada Puntland.

 

Cismaan Dalmar Cismaan (Patrool) Ayaa Siweyn uga Horyimi Ansixinaayey Buug Loogu Magacdaray Sharciga Degaanka Iyo Duur Joogta oo Golaha Wakiilada Lasoo Hordhigay Iyadoo Kulankaasi Ay Soo Xaadireen 39 Mudane Masuulkan Ayaa Genefka Kudhiftay Arintaas oo kutilmaamay Mid Xaaraan ah Waxana Hoolka Baarlamaanka Kadhacay Buuq Iyo Sawaxan Ay Howshii Golaha Wakiilada Istaagtey.

 

Cismaan Baadrool Ayaa Tilmaamay In Maamulka Puntland Looga Baahan Yahay In Baarlamaanka uu Horkeeno Qorshaha Amaanka Ee Maamulka IYO Siyasadiisa UU Kuwajihi Doono oo uu Maamulka Ku Eedeyey In uu Arintaas Kawar Wareegaayo Dhinaca kale cismaan Ayaa Dhaleecayn balaadhan ujeediyey Maamulka Puntland oo uu Sheegay In uu Dhinacyada Amaanka Iyo Siyasada Arimaha Gudaha Ahba ku Hungoobey Waxana Masuulkaasi uu Arimahaas oo dhan Sabab uga Dhinaca Cadaalad Daro Iyo Musuq Maasuq Maamulka Hareeyeey Waxana uu Sheegay In Maamulka Puntland uu Xaq uleeyahay Xiligan In Madluub uu Noqdo Ilaa Inta Magaalada Laascaanood Iyo Guud Ahaan Gobolka Sool lasoocelinaayo Iyadoo uu Arimaha Duurjooga Baarlamaanka La Horkeeney uu Ku Tilmaamay Mid Aan Loobaahneyn Xiligan oo Maamulka puntland uu Arintaas Kabeen sheegtay.

 

Cismaan Dalmar Ayaa Baarlamaanka Puntland Weydiiyey Waxa Ay ku Kala Duwan Yihiin Magaalooyinka oo uu Sheegay In Dustuurka Puntland Ay Si ugu Wada Xusanyihiin hadan Midna Maamulka Puntland 1989KII Markii Ladhisay uu Kagabiyey Midna Xoogasaaray Waxana uu sheegay In Baarlamaanka Puntland Sharciga u Hugaansamaan oo Siyaasada Puntland Daacad Unoqdaan Waana In Ceerigaabo Iyo Gaalcayo Isku Xeer Lamariyaa.

 

Gudoomiyaha Hore ee Golaha Wakiilada Ayaa Si Caro Leh Baarlamaanka Hortiisa maanta khudbad Dheer oo Mud 30 Qaadatay jeediyey Waxana uu Sheegay In Maamulka Puntland Baarlamaanka Wasiirada Iyo Shaqaalahaba Aanu Wax Mushahar Ah aaney helin waxana uu Sheegay In Baarlamaanka Looga Baahan Yahay In Miisaaniyada Iyo Lacagta Puntland Haysato Ay ogaadaan oo Maamulka Laxisaabtamaan Waxana uu Qaraxyadii Degaanada Puntland Kadhacay Ku Eedeyey Kooxo Amaanka Puntland Kasoo Horjeeda oo Dano Gaara Leh Kuwaasi oo uu Sheegay In Maamulka Puntland Ka War Wareegey In uu Farta kufiiqo Si La Iskaga ilaaliyo.

 

Geba gebadii Golaha Wakiilada ee Halkaas Sooxaadiray Ayaa Looqaybiyey Sharciga Ansixinta Buugaas Iyadoo Cod Looqaaday Barlamaanka Puntland oo gudo galay Ansixinta buugasi ayaa waxaa ogolaaday meel marinta buugaasi Xildhibaano gaaraya 38 sida u ku dhawaaqay Gudoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Barlamaanka Dowlada Puntland Salaad Xarreed halka u ka soo horjeestay Gudoomiyihii Hore ee Baarlamaanka Puntland oo ah Xildhibaan oo ka mid ahaa Xildhibaanada goobta joogay.

 

Cismaan Dalmar Ayaa Horay Usooqabtay Gudoomiyaha Golaha Wakiilada Puntland Ayaa Intii uu Xilka Hayey Golaha Baarlamaanka Puntland Horgeeyey Qorshaha Magaalada Ceerigaabo Kumaqantahay Iyo Arimo Laxiriira iyadoo Arintaas Ay Sababtay Buug Iyo Isqabqabsi Dhinaca kale Cismaan Ayaa Ansixiyey Gobolka Highland oo Caasimadiisa Tahay Magaalada Dhahar Balse Markii Dame Aan Siweyn Ushaqeyn.

 

Ceerigaabonews.com

Share this post


Link to post
Share on other sites
Xudeedi   

Cismaan Dalmar Ayaa Baarlamaanka Puntland Weydiiyey Waxa Ay ku Kala Duwan Yihiin Magaalooyinka oo uu Sheegay In Dustuurka Puntland Ay Si ugu Wada Xusanyihiin hadan Midna Maamulka Puntland 1989KII Markii Ladhisay uu Kagabiyey Midna Xoogasaaray Waxana uu sheegay In Baarlamaanka Puntland Sharciga u Hugaansamaan oo Siyaasada Puntland Daacad Unoqdaan Waana In Ceerigaabo Iyo Gaalcayo Isku Xeer Lamariyaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this