Sign in to follow this  
Jacaylbaro

Range Resources Suspends it is Operations in Bugland

Recommended Posts

Perth, Ustaraaliya (Tradingmarkets.com/Ogaal 03/11/07)- Shirkadda Qodaalka Shidaalka ee Range Resources, ayaa shaaca ka qaaday in ka dib qabsahadii ee Somaliland ay la wareegtay gacan-ku-haynta gobolka Sool ay joojinayso hawleheeda ay sheegtay inay ka waday maamul-goboleedka Puntland, sidaana waxa lagu sheegay web-sayd ay shirkaddaasi leedahay.

 

Shirkaddan oo heshiisyo qodaalka macdanta ah hore ugula jirtay maamulka ******teeniya, ayaa go’aankoodan ogaysiinayay meelaha ay khusayso, isla markaana fariintan ogaysiinta ah waxa kale oo lagu sheegay in Shirkadda Range Resources ay doonaysay kala caddaynta hadal qoraal ahaa oo ay ku tilmaameen inuu soo saaray Cadde Muuse. Kaas oo uu Cadde Muuse ku sheegay in uu u malaynayo in Shirkaddaasi dedaaladii iyo hawleheedii ay hakad galayaan, oo taasna, sida lagu sheegay qoraalka shirkaddan ay tahay mid ay keentay xaaladda cusub ee ka taagan gobolka Sool iyo magaalada Laascaanood.

 

Sidaa daraadeed, waxay shirkaddaasi ku xustay qoraalkeeda in warkaa uu faafiyay Cadde Muuse aanu sax ahayn, isla markaana Cadde Muuse uu hadalkiisani ahaa mid uu ku hubinayay inay shirkaddu sii wadan karto hawleheeda iyo inkale. Balse, arrinta loo baahan yahay waa hubinta xuduudaha Puntland, ayaa lagu yidhi qoraalka shirkaddaas. Inkasta oo ay shirkadda Range Resources sheegtay inay joojinayso hawleheedii ******teeniya ay ka waday, haddana qoraalkeeda faahfaahin intaa ka badan laguma bixin.

 

Dhanka kale, Cadde Muusa-ha gobolka ******teeniya ee Soomaaliya, ayaa isaga oo la hadlayay baarlamaankiisa toddobaadkii la soo dhaafay, ayaa yidhi, "Waxaan marar badan oo hadda ka horeeyay sheegay in aanu keeni doono tan (Shirkaddan) ama mid kale, maantase waxaan idin leeyahay maanta waxba kama hayo."

 

Shirkaddan Ustaraaliyaanka ah, ee Range Resources, oo sida la sheegay hore dhaqaale maal-gashi ah ugu deeqday nidaamka maamul-goboleedka ******teeniya, ayaanay kala caddayn in Shirkaddaasi ay halkaa sii joogi doonto, marka loo eego isbedellada cusub ee ka dhacay bariga Somaliland, gaar ahaan gobolka Sool.

 

Source: Ogaal

Share this post


Link to post
Share on other sites

Somaliland websites and newspapers are the most tribalist. They should be banned from SOL because they are always using qabiil names. War nimanku ma xishoodaan miyaa.

Share this post


Link to post
Share on other sites

why are u mad sxb ?? ,,, haven't you seen the farts on jidbaale, widhwidh and their likes ???

 

Ohhhhhhhh,, never mind ,,,, they are in your side iyagu ,,,

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this