Sign in to follow this  
sool_boy

Indhacade is an arsehole

Recommended Posts

sool_boy   

Isniin 13 Jul 2009

 

 

 

Waxaan qormaadi aan dirada ku saareynaa dhacdooyinkii ugu danbeyay ee Webset-yada Somaliyeed lagusoo bandhigay sawirkii Marxuumkii Somaliyeed ee lagu sheegay Ajnabiga,waxaa dad badani oo Somaliyeed ay aad ula yaabeen markey dib u jaleecen indha adeega iyo Beenta nocon oo kale ah, ayadoo ay dad badanina xasuusisay warkii u Talefishinada Aduunka kasii dayay Wasiirkii warfaafinta ee Sadam Allaha u naxariistee, kasoo noqday shaqsigii ugu beenta badnaa, kadib markuu yiri Ciidamada Mareykana dib ayaan u cayrinay wana aan ka saarnay Magaalada Baqdaad asagoo hortaagan Talesfishanada Aduunka, intuusan hadalkii dhameena dhabarkiisa danbe u kasoo muuqday Tangigi Mareykanka.

 

Hadaba soow tani kama darna in Mawaadin Somaliyeed oo la tuhun sanyahay in ula kac loodilay, markaad si fican u egto Sawirka dhaforka oo ay ka muuqato Xabadii lagu dilay oo mujineysa in Bastoolad ama qori wixii loo isticmaalay dilka wilaaski aad loogu dhaweyay Dhafoorka Marxuumka,hadana lagu sheegay Ajnab mahaajir ah.

 

Falalaka noocon oo kale waa kuwo kordhiya dhira galiyan jiritaanka kooxaha araxan laawayasha ah ee dadka gacamaha iyo lugaha kajara, raga ku dhiiraday beenta cad ee aan geedka loogusoo gaban waa kuwo la mid ah lana shaqeeya kooxahan Duufanta ah ee raba iney umada oo dhan gacamha iyo lugaha kajaraan, waxana ay dadku wali iloobin xasuuqyaday u gesan jireen shacabka Somaliyeed, ayana waliba idaacadaha kasheegan jireen(Nin waliba wuxuu ku gaboobu la shir tagaa) waxaana muuqata inuu Indha Cadde la shaqeeyo kana tirsan yahay Arxan laawashaya.

 

Qeynuunka bini Adanka iyo Islaanimaduba waa ka reeban yihiin waana wax si weyn oga soo horjeeda in meyd qof Islaam ah oo waliba qaawan lasoo bandhigo ayadoo xitaa la diido in la asturo oo maro lagu dado, Talefishanada iyo websayadana loo soo diro sawirada Marxuum Islaam ah oo gaalada Amisom ay hadba meel meedkiisa u jiidaneyso, waa wax laga xishoodo oo waliba, waxaa dad badani la yaabeen kuwa sheeganaya inay Somaliya madax u yhiin oo wali ka amusaan arinkaan, waxaana taa kasii daran in lagu magacaaban yahay Shekh Diinta Islaamka wax yaqaan.

 

Indha cade

 

Waxaa ayana yaab iyo amakaaga ah Indhacade oo wali ku adkeysanaya inuu Marxuumkii ahaa Ajnabi Mareykan ah, isla markaasna aysan jira Samali midabkisa oo kale leh,iyado loo sheegay in Abihii iyo Hooyadii wiilka ay aqoonsadeen Wiilkoodii.

 

Waa wax aad iyo aad looga xumaado in shaqsi sheeganaya dawladnimo ama masuuliyad uu ku hadlo waxii uu afkiisa soo qabto.Hadaba beenlow indhacade oo ku caanbaxay qaabka loo laayo dadka banaadiriga iyo reermarkoodka ayaa waxaa uu ku tilmaamey Jamaal Buuna in uu maraykan ahaa ee uusan somali aheyn. Mar uu ka hadlayey marxuunka dhintay ayuu indhacade ku sheegay in uu ninkaan ay isla joogi jireen raaskambooni uuna ka mid ahaa dadkii uu uguuriyey.

 

Mar Su’aal la weydiiyey oo aheyd waxaa la wareystay hooyadii iyo aabihii.waxaana uu ku jawaabey in hoyadii iyo aabihii ay yihiin dadka u shaqeeya alqacida oo ay been sheegayaan.

 

Waxaa kale oo uu yiri bal fiiriya midabkiisa, somali midabkeeda waad taqaaniiin ee ma aragteen soomali sidan u eg.

 

Hadaba somliyey indhacade waxaa uu xaqiray oo uu somaliya ka saaray in dadka reerxamarka, reer markodka,baraaweniga intaba in ayasan somali aheyn waa Nassib daro.

 

waxaa u suurta gashay tv universal in uu wareysi ka qaado abaha iyo hooyada jamaal baana alaaha u naxariisteem waxeyna cadeyeen inuu wiilkoodi ahaa Meydka lagu soo bandhigay Websetyada

 

Madaxda Sare ee Dowlada.

 

Madaxda Sare ee Dowaldu soow ma aheen in ay arinka noocan oo kale ah ka bixiyaan (Apologize) Raali galin ayagoo eegaya Masuuliyada kasaaran Mawaadiniinta ay sheeganayaan ineey matalan ama Madaxda u yihiin.

 

Soow ma aheyn.

 

In hadey wax ka garanayaan Siyaasada ayagoo ka fa’ideysanaya Fursadan iney ka jawaaban Codsiga waalidka Marxauumkii dada yaraa ee ahaa in loo dhoofiyo Medka Wilkooda Dalka Mareykanka, soow mahaan Masuuliyiinta Dowlada waa Shariif iyo Cumar Cabdi Rashiide iney la xiriraan walidkaas ka wal wlasan ubadkoodi bixiyaana kharashka lagu dhoofinayo Marxuumka, ha ******** iney dhacdadani tahay tijaabo!

 

Maa daama Madaxda Dowladu ay saarantahay Masuliyad gaar oo ka duwan falalka ay samenayaan kooxaha mucaaradka,soow mahaan in ay muujiyaan uqalmid Masuuliyada ay sheeganayaan, marka laga tago afka cidlada ah ficil ahaan in looga arko si ay bulshadu ugu soo dhawaato.

 

Madaxda Sare ee Dowlada waxaa waajib ku ah in Amisom ay u sheegaa in dinta Islamka ay Mamnuuc ka tahay Waxyeelenta Madka ama in lasoo bandhigo.

 

Madaxda Sare ee Dowlada waxaa sidoo kale waajib ku ah in ay baaritaan dhab ah ku sameyaan qaabkii u udhintay Marxuum Jamaal Buuna.

 

Hadeeysan saas samenkarin waa iney isaga dagaan kursiga ay ku fadhiyaan oo aan awalba si xalaal ah lagu helin,si an umada Somaliyeed ee u hanmuunin Dowlad nimo iyo Nabagalayada aan wakhtiga laga dhumin.

 

Ha ogaado Khaladaadka sheikh Shariif in ay beesha caalamka iyo umada Somaliyeed intaba indhaha ku hayso, ayna Bulshadu hoosta ka xariiqaday in ay gabi ahaanba khladnatahay siyaasada dowlada, Isla mrkaana loo baahanayahay in ay hagaajiso siyaasadeeda dibada iyo Gudahaba, ha ogaato Dowladu in aysan marnaba ku guuleysan Karin Awood(Military),bals e loo baahanayahay in ay la timaado (policy) cad oo la fahmi karo,si ay u hanto Shacabka Somaliyeed loona helo fursad wanaga loo tuso dhalinta yare e qalbigooda la xaday, waayo hadeey kuwa sheeganaya Dowlada ay si araxan daro ah wax u dilayaan oo ay walib tusayaan dhalinta kale ee la socta kooxaha kasoo horjeeda soow mahaan ineey mintidaan oo aysan marnaba Isdhiibin waayo wanaag kama soo horeeyo wax aqoon ahna uma laha dhaqanka Somalida, sababato ah Marxuumka la dilay waxaa Somalia laga kaxeeyaya Asgo 7-jir ah, waxeey taa ku tusaysaa inaysan dhalintaani waxba ka aqoon dhaqanka Somaliyeed.

 

 

Allidamaale.com

Your Reliable Sources DIB U NOQO

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this