Sign in to follow this  
nuune

Shariif Ahmed in Sanca

Recommended Posts

Jabhad   

Sheekh Shariif oo sheegay in Mareykanka iyo Maxkamadaha ay is dhaafsanayaan Maxaabiistii ay kala qabsadeen

 

 

 

 

Somaliweyn Media Center (SMC) Muqdisho 08/02/07

 

Guddoomiyihii hore ee Golaha Fulinta Maxkamadihii la eryay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa u sheegay wargeys ka soo baxa dalka Yemen in Maxkamadaha iyo Mareykanka iyo ay ku heshiiyeen inay is dhaafsadaan labada dhinac, waxanaa wareysigaas uu ku sheegay Sheekh Shariif in heshiiskaan uu ka mid yahay midka isaga lagu sii daayay.

 

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa u sheegay wargeyska Yemen ka soo baxa in arrintaan heshiiska ah ee dhex martay Maxkamadaha iyo Mareykanka Madax ka tirsan kuwa dalalka Khaliijka oo uu sheegay inay xiriir la lahaayeen Maxkamadaha.

muslimamuslimamuslimamuslimamuslima

 

Hoteellada Laf-weyn iyo sidoo kale Hotelka Kaah ayaa iyagana lagu weeraray qoriga Baasuukaha loo yaqaan, balse waxba ma sababin kuwii ku dhacay labada hoteel, wax burbur ahna uma geysan Hoteellada Laf-weyn iyo Kaah dhismayaashooda.

 

Mid ka mid ah Baasuukayaashii lagu riday Hotel Laf-weyn ayaa ku dhacay guri ku dhow Hotelka, isagoo aan sababin wax dhibaato ah oo dhimasho iyo dhaawac leh, balse waxaa la sheegay inuu burburiyay guriga uu ku dhacay intiisa badan.

 

Maxamuud Axmed Xasan ( Xuurshe)

xuurshe114@hotmail.co

Tel:002521-5573321

 

http://www.somaliweyn.com/pages/news/Feb_07/8Feb21.html

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Sh. Shariif Oo Maanta Magaalada Sanca Gaaray

 

 

 

Gudoomiyaha gudiga fulinta ee Golaha Maxkamadaha Islaamiga ah Sh. Shariif Sheekh Axmad ayaa maanta ka degey magaalada Sanca ee dalka Yemen.

 

Shariifka ayaa warar la isdhexmarayo sheegayaan in safarkiisa ay ka danbaysay kadib ay soo baxeen warar horay u socday oo haatan isi soo taraya kuwaasoo sheegaya in jiraan dhexdhexaadin u socota Maxkamadaha iyo Maraykanka oo la xariirta sii daynta 10 askari oo Maraykan ah kuwaasoo ay maxkamaduhu haystaan.

 

Wararka qaar ayaa sheegay in dawlado Carbeed ay dhexdhexaadintaas qayb ka yihiin kuwaaso isku deyaya in ay Maxkamadaha iyo Maraykanka danahooda u kala debqaadaan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Jabhad   

Sii deynta Sheekh Shariif oo ku timid wada hadal ay yeesheen GMIS iyo Mareykanka

 

 

Mogadishu 08, Feb.07 ( Sh.M.Network) Ilo lagu kalsoon yahay oo ku dhaw dhaw Guddoomiyaha golaha Fulinta maxaakimta Islaamka Soomaaliyeed Sheekh Shariif Sh.Axmed ayaa u sheegay wargeyska lagu magacaabo al-nidaa oo kasoo baxa waddanka yaman in sii deysmada mareykanku uu sii daayay Sheekha in ay ku timid heshiis maxaakimta iyo mareykanku ay ku galeen waddanka kenya kaaso ku aadanaa sidii maxaakiimtu ay iyaguna ku sii deyn lahaayeen askar ka tirsan mariniska mareykan ah oo ay tiradoodu gaareyso 15 Askari .

 

Heshiiskaan ayaa waxaa dhexdhexaadinayay urur islaami ah oo ka jira waddamada khliijka carabta kaasoo la sheegay inuu xiriir la lahaa golaha maxaakiimta islaamka .

 

Ilahaasi ayaa waxa ay u xaqiijiyeen wargeyska in heshiiskaasi ay wada galeen mareykanka iyo Sh.Shariif .Sh.Axmed uu qeexayay in ay maxaakimtu mareykanka ku soo wareejiyaan 15kan askari ee Mareykanka ah si markaasi uu mareykanku Sh.Shariif xorriyaddiisa ugu soo celiyo isla markaana uu ugu ogolaado inuu sheekhu u socdaalo waddanka yaman.

 

Askartaasi Mareykanka ah ayaa lagu soo warramayaa in lagu soo daadiyay goobihii uu mareykanku duqeynta ka geystay si ay u daba galaan oo ay cagta u mariyaan cidii ka badbaadday weerarkii dhinaca cirka ahaa ee uu mareykanku ka fuliyay k/Soomaliya hase yeeshee waxaa lagu soo warramayaa in Askartaasi ay iska caabin xoogan kala kulmeen xoogagga maxaakimta ee halkaasi ku sugan taasoo ugu dambeyntiina sababtay in gacanta lagu dhigo 15kan askari .

 

waxaa kaloo uu wargeysku intaasi ku darayaa in afar ka mid ah 15kaasi askari la soo qabtay iyagoo dhaawac qaba haatanna lagu dabiibayo waddan kamid ah sida uu wargeysku sheegay waddamada Soomaaliya dariska la'ah oo isagu diidday in raggaasi ay Mareykanka u gacan galiso ka hor inta heshiis maxaabiista leyku dhaafsanayo uu ka dhex dhalanayo maxaakimta iyo mareykanka .

 

Ilahaasi oo la sheegay in ay si aad ah ugu dhaw yihiin sheekh shariif ayaa sheegay in heshiiskaasi uu dhaqan gali doono todobaadka soo socda .

 

waxaa kaloo mareykanka shardi looga dhigay in ay hogaamiyayaasha maxaakimtu awood u yeeshaan in ay waddanka dib ugu soo laabtaan si ay uga qeyb qaataan howlaha dib u heshiisiinta qaranka Soomaaliyeed isla markaana ay qeyb uga noqdaan dowlad salballaaran oo Soomaaliya loo dhisayo

 

wararku waxa ay intaasi ku darayaan in kadib markii uu Mareykanku ogaaday in Askar looga qafaashay Soomaaliya uu miciin biday urur islaami ah oo ka jira waddan ka mid ah waddamada Khaliijka carabta oo xiriir dhow la leh maxaakimta islaamka si uu maxaakiimta ugu qanciyo in ay sii daayaan askartaasi mareykanka ah si mareykankuna uu u fasaxo Sh.Shariif Sh.Axmed oo ay muddo gacanta ku hayeen.

 

waxaa kaloo la sheegayaa in Yaman ay Mareykanka heshiis kula gashay in ay Sh.Shariif Sh.Axmed ku soo celiso gacanta mareykanka haddii ay maxkamaduhu ka baxaan heshiiska ay la galeen mareykanka oo ku aaddan in ay sii daayaan askarta ay mariiiniska mareykanka ka heystaan

 

Shabelle Media Network Somalia

E-mail us: info@shabelle.net

Share this post


Link to post
Share on other sites
Taliban   

Originally posted by raadamiir:

Who cares about that loser!!!

The majority of Somalis minus the collaborators care about him.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Wiilo   

Waa ayaan daro ku heysa sxb marka aad sheikha u tilmaamayso "Loser" adigoo markaa Warlords and wannabees support-garaynaayo....

 

 

Back to the topic:...

 

Waa arin lagu farxo in uu sheikh tagay yaman asagoo badqaba....

 

 

Go figure:................

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this