Sign in to follow this  
Member-sol-

JIHAADKA S/GALBEED HALKEE KU EGYAHAY?

Recommended Posts

JIHAADKA S/GALBEED HALKEE KU EGYAHAY?

 

 

Su'aasha sare ku xusan dad badan ayay Maskaxdooda ku wareegaysanaysaa, dad badan ayaa jeclaan lahaa in mar kaliya lagu dhawaaqo Taariikhda iyo Amminta uu soo Gaba-gaboobayo Jihaadka S/galbeed. Waxaase is waydiin mudan, yaa haya Jawaabta? Shaki ma laha, in hawl walba ay leedahay qorshe iyo qaab degan oo lagu Maamulo, si loo ogaado wakhtiga uu Ebyoomayo.

 

Jihaadka S/galbeed, waa in aan is waydiinno,maxaa sababay Jihaadkan inuu socda?.

Taariikhda dhaw, Jihaadka S/galbeed wuxuu socdaa muddo 7 sano ku dhaw. Laakiin Taariikhda sooyaalka ah, waxay na baraysaa in ku dhawaad 5 qarni uu Jihaadkaasi soo jiray, laba marxalo oo kale geddisan ayaa loo qaybin karaa wakhtigii uu soo maray, Tan hore waa wakhtigii ay jirtay Boqortooyadii AKSUM ee Tigreegu ay Maamulaysay, waagaasi waxay ahayd wakhtigii ugu kululaa ama ugu kharaaraa Dagaalladii dhex maray Muslimiinta Itoobiya ku dhaqan iyo Kaniisadda ORTHODOX-ka.

 

 

Jihaadka Taariikhda galay ee Misaajidka iyo Kaniisadda dhex maray waxaa lagu Tilmaami karaa kii uu Hoggaamiyaha ka ahaa Imaam AX'ED GUREY, waana Jihaadkii sababay dhiciddii Boqortooyadii Tigreega.

 

 

Jihaadka kaa xiga ee Taariikhda dhaxal galka ah gali doona haddii uu Alle idmo waa midka maanta socda. Tigreegu la mid ma aha Bulshada reer Itoobiya, waana dad aad u xifdiya Uur ku taallada iyo Utunta soo marta, 1991-kii markii gacanta loo galiyay Maamulkii Itoobiya, Tigreegu waxay xasuusatay oo ku soo duxay Sababtii ay u Bur-burtay Boqortooyadoodii, waxay rumaysnaayeen waa sida dhabta ahe inay Muslimiintu rideen Maamulkoodii hore, waxayna ku qanceen, xukunka ay maanta haystaan haddii aysan goor hore Aarsan Ama aysan cagta marannin Muslimiinta Tabar-darridu ka muuqato suurto galla u ahayn inay sii hayaan Maamulka loo gacan galiyay. Xaqiiqdii sababta Aasaastay Jihaadka ka socda S/galbeed waa Arrintaas, waa Aarsi,Aabi iyo Awood muujin.

 

 

waxaa fudud, jawaabta Su'aasha ah: Jihaadka S/galbeed halkee ku Egyahay? Jihaadkaasi wuxuu ku Egyahay oo Gaba-gaboobo doona, marka laga dhaqo maskaxda Mujtamaca Tigreega dhaawicii ka soo gaaray Jabkii 5-ta qarni ka hor ku dhacay, marka ay u Caddaato Kaniisadda Orthodox-ka inay Muslimiintu yihiin Dadkii Alle u doortay inay Maamulaan Dunida.

 

 

Sidaas daraadeed, cidda raadinaysa wakhtiga la soo Afjari doona Jihaadka S/galbeed, Sow kuma habboona inay Tiigsadaan yoolka ay hiigsanayaan, Sow kuma habboona inay Maskaxdooda Xasuusato dhaawacii ka soo gaadhay, Fool-xumooyinkii loo gaystay waalidkood iyo walaalahood, Sow kuma Habboona inay ka dhiidhiyaan waxa lagu hayo kuwa maanta Nool.

 

 

Fool xumo iyo Danbi weeye aan ka galayno Jiilka soo socda, Haddii aan hilmaanno waxay ay Tigreegu dadkayaga kula kacayso, sidoo kale waa Danbi inaan Garan wayno waxa uu Cadawgayagu Xasuustay oo nagu laynayo.

Yoolkeenna Dhabta ahi waa [sharaf Adduun Ama Janno Aakhiro].

 

 

---

http://www.youtube.com/watch?v=vkI3gZGezGQ

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this