Sign in to follow this  
me

Abu Mansuur Oo Afka May-ga Ugu Khudbadeeyay Reer Baydhabo

Recommended Posts

me   

Abu Mansuur Oo Afka May-ga Ugu Khudbadeeyay Reer Baydhabo

 

{Bayahdba} 27-1-09"Afhayeenka Xarakada Islaamiga ee Alshabaab Sheekh Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) ayaa maanta Garoonka Kubada cagta Dr. Ayuub ee Magaalada Baydhabo kala hadlay boqolaal dadweyne oo maanta isu soo bax sameeyay, maalin kadib qabashada Xoogaga Alshabaab ee Magaalada Baydhabo.

 

 

"Waxaan diinta Islaamka aheyn dalkan laguma xukumayo, Dastuurka la sheegayana waanu diidanahay, Kitaabka Alle ayaan isku xukumeynaa"ayuu yidhi Abuu Mansuur oo dadka reer Baydhabo markii u horeysay meel fagaare ah kala hadlay, isagoo Afka Mayga kula hadlay.

 

Waxaa uu sheegay in aanay jirin cid dhibaato loo geysan doono, wuxuuna caddeeyay in ay ku boorinayaan Dadka ku dhaqan Soomaaliya guud ahaan, gaar ahaan Magaalada Baydhabo in ay qaataan ku dhaqanka Shareecada Islaamka.

 

Abuu Mansuur ayaa tibaaxay in ay la dagaalami doonaan Ciidamada Ethiopia, waxaana uu sheegay in aanay haatan si gaar ah loo raadsaneyn cidii horay ula soo shaqeysay Maamulkii Dowladda, hase yeeshee wuxuu ugu baaqay inay towbad keenaan oo Kitaabka Alle qaataan, laakiinse wuxuu tilmaamay in cidii diida Kitaabka alle ay tahay Mujrim oo ay la dagaalami doonaan sida uu hadalka u dhigay.

 

Sidoo kalena Abuu Mansuur waxaa uu Dadka Baydhabo u sheegay in ay hubka guryaha ugu jira bannaanka soo dhigaan si buu yidhi loogula dagaallamo cadaw weli dalka ku hadhsan, isagoona sheegay in Mujaahdiinta ay sameyn doonaan Howl gal baaris ah oo ay guri guri ugu baarayaan wixii hub oo yaal si gacanta shacabka looga bixiyo.

 

Ugu dambeyn Sheekh Mukhtaar Roobow Abuu Mansuur ayaa waxaa uu sheegay shacabka in dhowaan Maamul Islaami u sameyn doonaan Magaalada Baydhabo, kaasoo shareecada islaamka dadka ku dhaqi doona, waxaana uu u jeediyay dadka reer Baydhabo inay taageeraan.

Share this post


Link to post
Share on other sites
NASSIR   

Me, Af-Mayga ma fahmi kartaa. Dhalinyaro baddan oo reer Bay******d ayaan aqaanaa and they speak both Af-Maay eraase and Af-Maxaa tiri.

 

We shall see if the government in exile would succeed coopting the Youth. It's like the weak and the corrupted trying to overtake the strong and the principled. smile.gif

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Luqada waa un Somali ee afkale ma ahan, waa lahjad iyo Somali xoogaa laqalqaloociyay, sida reer Hargeisa ay Afsomaliga ukibriyeen bay kuwaana xooga bilcaksi uyare feera dileen oo maskiimeeyeen.

 

PS: War xun ma ahan finally in Abu Mansuur uu Baydhabo katiliyo.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Emperor some guy once said the difference between a dialect and a language is an army.

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^That may be the case, but waa Somaali iska caadi ah oo lasilciyay

 

Lol @ nuune, its true thou, if you pay more attention, its nothing but pure Somali all of the spoken words are Somali with different sound.

Share this post


Link to post
Share on other sites
me   

Kuwa reer bariga ah ayaa af Soomaali ku ciyaaray.

 

Af Soomalaiga saxda xagee baa horta laga hadlaa?

Share this post


Link to post
Share on other sites
Nephissa   

Originally posted by Emperor:

^Luqada waa un Somali ee afkale ma ahan, waa lahjad iyo Somali xoogaa laqalqaloociyay, sida reer Hargeisa ay Afsomaliga ukibriyeen bay kuwaana xooga bilcaksi uyare feera dileen oo maskiimeeyeen.

 

PS: War xun ma ahan finally in Abu Mansuur uu Baydhabo katiliyo.

Kheyrkiis loo xiiryoow, adna soo diyaar noqo soo lama oran jirin horta?

 

Hi Emperor, I just felt like saying ^ maah-maah :D:D for no reason.. *shrugs*

Share this post


Link to post
Share on other sites
Emperor   

^Haha, good to see you nephy kaftankaaga waa igu socdaa

 

Talking of Maah-maahyo, and just to borrow a line you once used 'TFG waa Madadaalo Yeyna wuu matalayaa', matalihii ama ATOORIHII haduu meesha kabaxo what do you expect Lol, filinka miyuu socon karaa, hadaba Abuu Mansuur is more than welcome to take the city and rule it, it indeed is a wonderful news...

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this