Sign in to follow this  
Jabhad

Masjid la bur-buriyay: Un ugly crime commited by Tigre militia.

Recommended Posts

Jabhad   

Muqdisho: Masjid la bur-buriyay

18 Jul 18, 2007 - 8:17:37 AM

 

 

 

Ciidamo ka tirsan dowlada Itoobiya ee ku sugan magalada Muqdisho ayaa la xaqiijiyay iney baaris ay kula kaceen masjid ku yaala degmada Yaaqshiid isla markaana markii ay baareen kadib ay qeybo ka mid ah masjidka burburiyeen.

 

Masjidkan oo lagu magacaabo Al-Sadiiq oo ku yaal degmada Yaqshiid ayey ciidamadu burburiyeen qeybta hawenka ku tukadaan iyo waaskadii biyaha lagu weeso qadanayey iyadoo aan la garaneyn sababta keentay iney baaris iyo burburin u geystaan.

 

Arrintan ayaa waxaa qeyla dhaan ka mujiyay jamecaddi masjidka iyo dadka deegaanka waxayna ugu baaqeen dowladda KMG in dhacdooyinkaasi oo kale ay wax ka qabtaan kuwa geysanaya.

 

Dhanka kale wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee dowladda Federaalka ayaa wareegto ay soo saartay waxay ku amartay Culuma’uddiinka wax ka dhiga masjidyada iyo imaamyada in ay iska soo diiwaan geliyaan wasaaradda Awqaafta iyo arrimaha diinta si loola socdo waxyaabaha ay dadka u tabinayaan iyo tageerada maaliyadeed oo ay helaan.

 

Wareegtadan oo uu ku saxiixnaa Sheekh Cali Sheekh Maxamuud (Sh. Cali Dheere) oo ah agaasimaha wasaaradda awqaafta iyo arrimaha diinta ee dowladda KMG.

 

Garowe Online,Muqdisho

Share this post


Link to post
Share on other sites

Join the conversation

You can post now and register later. If you have an account, sign in now to post with your account.

Guest
Reply to this topic...

×   Pasted as rich text.   Restore formatting

  Only 75 emoji are allowed.

×   Your link has been automatically embedded.   Display as a link instead

×   Your previous content has been restored.   Clear editor

×   You cannot paste images directly. Upload or insert images from URL.

Sign in to follow this